Xaaskii Meles Zenawi oo Kabaxsatay

War aan xaqiiqadiisa kudaba jiro ayaa sheegaya in xaaskii Kaligii Taliyihii Bakhtiyay, Males Zenawi ka baxsatay wadanka Itoobiya.

Azeb Masfin oo Mar ahayd shakhsiga wadanka Itoobiya ugu awooda badan marka laga reebo saygeeda ayaa lagu soo waramayaa in ay ka huleeshay guud ahaan dhulkii ay ku amar ku taag layn jirtay ee Itoobiya kadib bakhtigii KT Meles Zenawi oo ahaa ninka Azeb Masfin.

Sida warku sheegayo Azeb Masfin iyo ciyaalkeeda ayaa lagu arkay Gobolka Dalas ee cariga Maraykanka, warkan oo aan kahelay ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ay Azeb Horaan guryo uga dhisatay gobolkaas waxaana lasheegayaa hanti umadeed oo badan in ay ku tagri fashay kuna dhisatay guryo qaali ah.

Haweenaydan ayaa ahayd shakhsiga kaliya ee loo ogolaaday in ay wadanka keento shirkado qandaraasyada qaata oo bilaa canshuur howshooda kuqabsada waxayna shirkadahaas kasamaysay hanti aad u badan oo shacabku lahaa.

Sida warku sheegayo baxsadka Azeb Masfin ayaa yimid kadib khal khal guud oo soo dhex galay madaxda Itoobiya iyo kala shaki dhinaca saraakiisha ah oo heer is khaarajin gaadhay.

Azeb Masfin oo ah shakhsi danbiyo badan kagashay guud ahaan wadanka Itoobiya ooy hanti badan lunsatay mudadii 21 ka sano ahayd ee KT Meles Zinawi xooga kuhaystay talada wadanka waxayna Asaf kabaxsatay in lahelo cid laxisaab tanta oo cadaalada latiigsato.

Warka kusaabsan baxsashada qoyskii KT Meles Zinawi ayaa haduu run noqda lafilayaa in ay rumoobayso rajadii shacabka ee ahayd in qofkastoo dadka dhib ugaysta maalin uun wadanka muuqiisa laga waayi doono.

Kala jabjabka iyo kala tagista awooda kuwa tirada yar ee Itoobiya xooga ku haysta  waa TPLF “jabhadda Tigreega” ayaa  faaiido ah u Soomaaliya iyo Soomaalida.

XIGTAY:-Og24.