20 Gimbotka Tigreega oo Soomaaliya October ka noqotay

36282853

Sida 20 Ginbot Soomaaliya looga xusay loogama xusin 15 May-26 June-1 July & 21 Octiber maalmahaas oo &  maalmo badan oo kale ayaa umada Soomaaliyeed qiimo ugu fadhiya qaarkoodan dalka Soomaaliya in alag xuso waa ka mamnuuc waxaase qasab noqotay in laga xuso maalinta 20 Ginbot oo umada Soomaaliyeed badan kood aysan aqoonba u lahayn waxa ay u taagantahay.

Hamiga fog ee gumaysiga Ethiopia & halka uu ku socdo waa in sidaas calankiisu dusha sare ee Soomaaliya uga babanayo aan dib looga celinin si ay taasi u hirgashana waa in uu Soomaali sii kala fogeeyo si ay u qaybsanaadaan awoodoooduna ay u wiiqnaato, dareenka wadaniga ah waa in la niyad jabiyo ama qabiil lagu shaasheeyo si uusan caqligu u shaqaynin oo gumaysiga aan cidi uga dhiidhiyin.

Waxaa layaab leh sida xafladaha waawayn ee maalinta guusah Tigreega ay saf balaaran ugu fadhiyaan maxada maamulada Soomaaliya ka jira & sida aysan war uga haynin falalka uu Tigreegu gudaha Soomaaliya ka wado, madaxda Soomaaliya waxaad moodaa magaalooyinkooda in ay marti ku yihiin.

Gumaysigu kuma ekaanin in uu Soomaali kala qoqobo iska horkeeno oo maamulo uu danihiisa ku fushado ka samaysto wuxuu gaadhay heer uu shacabka Soomaaliyeed gudaha dalkooda ku cabsi galiyo, gumaysiga Ethiopia wuxuu Soomaaliya ka gaytaa wax kasta oo uu Ogaadeenya ka gaysto sida dhaca, baro kicinta, xidhxidhka, jidh-dilka & faro xumaynta dumarka.

Bal u fiirso muwaadinka Soomaaliyeed ee magaaladiisii uu nin Tigree ah ugu awood sheeganayo hantidiisana uu ku haysto miyaa la oran karaa dalka Soomaaliya maanta waa xor, arrimah amanta Soomaaliya uu gumaysigu ka wado laba mid uun weeye in umadda Soomaaliyeed ay damiir iska baadhbaadhaan oo ay dulinimadaas ka oogsadaan & in gumaysigan sii bakhtiyayaa uu ku dul nafbaxo oo hadhow in  bakhtigiisa la isaga jiidaa ay adkaato.

Isku soo wada duuboo shacabka Soomaaliyeed waxaa jabiyay qabyaalada & siyaasiga damiirlaawaha ah ee ka hor muuqda kaas oo iska daa dan umadeede aan dantiisa kolay ku tahay waxba ka fushan karin, inkasta oo uu gumaysigu xawaare sare ku socdo hadana dhinaca kale waa xaqiiqo in uusan danmaciisu wada guulaysanaynin  balse in qalbi xumu damiirka nool ugu filan ayaa maanta gumaysiga u hir gashay waxaana Soomaalida aan damiirku ka geeriyoonin la gudboon in hurdada laga kaco.