DAAWO:-40 Tahriibayaal Soomaali ah oo Lagasoo Tarxiilayo Wadanka Mareykanka.

https://youtu.be/wRhSWlASTTY?t=115

Mareykanka ayaa sheegay in ay tobanaan dhalinyaro Soomaali ah ay kasoo tarxiili doonaan Mareykanka.

Laamaha socdaalka xukuumadda Washington ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen 40 qof Soomaali ah oo sifo aan sharci aheyn ku galay gobolka Faloorida ee Mareykanka.

Safiirka soomaaliya u fadhiya wadanka Mareykanka ayaa Idaacadda VOA u sheegay in ay ka cabsi qabaan in tahriibayaasha Soomaalida ah dib loogu celiyo wadankooda.

Booliska Mareykanka ayaa sheegay in 40 qof Soomaali ah oo qaab tahriib ah Mareykanka ugasoo galay dhanka xadka Maksiik ay hadda Xabsi kujiraan.

Hoggaamiyaal u hadlay Jaaliyadda soomaalida Mareykanka ayaa sheegay in ay dadaal dheeri ah u geli doonaan sidii xukuumadda Washington uga baaqsan laheyd in tahriibayaasha safar dheer soo jaray aan dib loogu celin Soomaaliya oo wali ay dagaallo ka socdaan.

Inta badan dadka soomaalida ee tahriibka ku gala wadanka Mareykanka ayaa ka baxa wadamada Koonfur Afrika iyo Angola waxayna sii maraan wadamo ay kamid yihiin Koostariika iyo Heyti.