Calanka Ethiopia Kiniisadda Orthodox ayuu ka Turjumayaaye adigoo og Birta Sur ama Salaan

13331064_839181769520991_4685047251283435948_n

Waayadan dambe waxaa soo badanaya in Soomaalidu ay dabo ordayaan Ethiopia iyagoon waxbadan ogayn balse is leh dano gaar ah ku raadsada hadaba Calanka xabashida qayb ka mid ah calaamadihiisa waxay u taaganyihiin Kanisadda Orthodox-ka, sida ka muuqda qoraalkan, Feb 1, 2016 – Ethiopia has traditionally identified its green-yellow-red national flag with the rainbow that, according to the book of Genesis in the Bible, God. Ethiopia Flag: Interesting Facts About The Flag of Ethiopia – 

Xukumadihii Ethiopia isaga dambeeyey waligood may badalin inta kanisadda matasha waxaa mucjiso iyo yaab ah Ethiopia umadihii loo bixiyay way dideen gashaankayna u dareen 20 Ginbotna loogama dabaldago gudaha Xabashida iskabadaa dabaaldage qolowalba qori ayaa dagta usudhan waxayna u dagaalamayaan sidii ay heeryada gumaysiga isaga dulqaadi lahayd, Somaliya goboladeeda waqooyi kuwa bari kuwa dhexe iyo macal caasimadii waxaa looga dabaalday malintii TPLF qabsatay Ethipia iyagoo calankii Kanisada hoos taagan ama ku urursan waliba salamay bal maxaa ka khuseeya?.

Waxaa layiri waxaa laga adboolaa caqligaa duul haduu lum’e abeeso, masas iyo halaq hadaad aruursato inay adiga ku cunaan ayaad halis u tahay mar hore Abwanad Roda Ibrahim (Afjano) waxay tiri iyadoo Somalida uga digaysa xabashida.

“Gumaysiga na dhalan dooriyee dhaaxa nagu raagay
Hadii uu na dhabanaanin jiray idinka oo dhaaddan.
Dhankiiniina waakaa tagee idinku dhaantayne.
Dhuubkaynu ugu wada jiraa namana dhaantaane.
Abeesadii na dhaadhyaysaybaad raarta dhigateene.
Dhunkaal iyo waxaad beerateen geed dhagmaanyo ehe”

Ninkasta oo gumaysiga madaw daba orda damac aan dhamaan iyo darxumo ayuu ugu tagi dadka hoostaagan cabsi ayaa  ku hoos haysa ee calaf kuma haystaan saa isgaaban calaf haysanin madaxda Somaaliyeed waxaan oran lahaa damiirkiina dadnimadiina iyo mustaqbalka ilmahiina calool malin ah mugeed ha dhaafsanina ogaadana Ethiopia waa geed haduu isku kaa maro aadan iska furfuri karin

W/Q Sheikh Axmed Sheikh Maxamed