Dulmiga lagu hayo dadka Muqdisho ku nool ayaa sii badanaya maalinba maalinta ka danbeysey,waxaana dadka garabkooda rarta iska tuuganaya Maleeshiyo Beeleed la soo dhoobay magaaladii madaxdii Soomaaliyeed.
Maxamed Cabdi Xusseen yaa lagu toogtay jid noo baneey ama nooga wareeg,isaga oo Bajaaj wata,intii uusan wareegina si kibir ah ayaa loo dilay,waa la is wada yaqaan Xamar,waana la gartay qolada Maxamed dishay,laakin waxba lagama qaban!
Ciidan ku sheegi dilay miskiin Bajaaj iska wata aya diiday inay sheegaan qof Marxuumka Maxamed Cabdi Xussen toogtay,qof soo qabtanyna ma jirto,weli sii dili doonaan.
Maamulka Xasan Sheekh ayaa la il daran cadaalad daro,wuxuuna magaalada keenayMaleeshiyaad la mid ah kuwii Cali Mahdi bari Muqdisho keenay waxaana loo yaqanaaney “SHAASHALEEY” waxayna ahayeen dhalinyaro baadiyo laga keenay oo iska dila qofkii gacanta wax ku haysta!.
Xasan iyo wiilka oo adeerka u yahay Taloxume Tuuryare waxay Muqdisho soo dhoobeen Maleeshiyaad loo yaqaan “RUUXAANTA DAMULJADIID” laakin magacooda dadka loogu sheego NISA.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS