Qaybsashadii Dhulka Soomaaliyeed

pizap.com14647779318721.jpg

Gumeystayaalkii reer Yurub, waxaa ay tartan u soo galeen iney qaybsadaan waddamada Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika, ayagoo raadinaya dhul ay degaan oo ay ka helaan khayraadka ay warshadaha dalalkoodu u baahanyihiin. Dhulka Soomaaliyeed waxaa qaybsaday Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Xabashida, ayagoo arkayey muhimada ay leeyihiin Badda Cas iyo Badweynta Hindiya oo labaduba ku yaal geeska Afrika.

Sanadkii 1842, waxaa yimid magaalada Berbera nin ka socday maamulkii Ingiriiska ee Cadan. Ninkaas oo la oran jirey Johnston, waxaa ku xigey oo yimid dalka Soomaaliya sanadkii 1854tii, Richard Burton oo asna socdaal ku soo maray Saylac, Harar iyo Berbera. Richard Burton iyo dadkii la socday, waxaa lagu weeraray magaalada Berbera asagoo ku fakaday fara cidi leh. Richard Burton wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey oo reer Yurub ah oo socdaal dheer ku mara dhulka Soomaalidu degto ee Geeska Afrika.

Sanadkii 1839kii, Ingiriiska wuxuu qabsaday magaalada Cadan, oo ahayd meel muhimad weyn u leh maamulkii Ingiriiska ee Hindiya. Sanadkii 1885tii, Ingiriiska oo doonayey inuu u helo ciidamadiisa jooga Cadan xoolo ay qashaan, ayaa wuxuu heshiisyo la galay qabaa’ilka Ciise, Isaaq iyo Gadabuursi si uu u soo galo dalka. Sanadkii xigeyna Ingiriisku, wuxuu heshiis kaa la mid ah la saxiixday Madax-dhaqamedkii Warsangeli oo fadhigoodu ahaa Sanaag. Ingiriisku wuxuu si rasmi ah u soo galay waddanka Soomaaliya 1884tii bishii February. Nin la oran jirey A. Hunter, oo ka wakiil ahaa dowladii Ingiriiska ayaa heshiisyo la saxiixday qabaa’ilka Soomaaliyeed kaas oo yimid magaalada Berbera. Hunter wuxuu qorsheeyey in Ingiriisku ku yeesho qunsuliyado magaalooyinka Berbera, Bullaxaar iyo Seylac oo dhammaantood ku yaal Badda Cas.

19kii Desember 1943dii, Ingiriisku wuxuu Itoobiya ku wareejiyey qayb ka mid ah dhulkii Soomaaliyeed ee hore Ingiriisku u siiyey. Heshiiskaasi oo dhaqan galay sanadkii 1944tii, Ingiriisku wuxuu tixraacayey, heshiiskii uu la galay Itoobiya sanadkii 1897dii, wuxuuna dhaafsaday dhulka Soomaaliyeed dano uu u wakiishay Itoobiya iney uga fuliso webiga Niil iyo koonfurta Suudan oo markaas Faransiisku kula tartamayey. Faransiiska iyo Ingiriiska oo qaybta ugu weyn ka qaatay gumeysigii Qaaradda Afrika, waxay tartan u galeen kala qoqobida dadyowga ku dhaqan Afrika. Haddaba waxaa jirtay iney isku qabsadeen Faransiiska iyo Ingiriisku meel la yiraahdo Fashoda oo ku taal koonfurta Suudaan. Arrintaasina waxay dhacday sanadkii 1899dii, kadib markii koox Faransiis ahi ay sahan ku tagtay Fashoda oo ku taal webiga Niil. Ingiriisku wuxuu Itoobiya ka doonayey iney ka kaalmeyso arrinta ku saabsan Fashoda iyo inaan Faransiisku ku soo durkin webiga Niil, haddii ay sidaas sameysana ay Itoobiya abaal marin u qaadan doonto dhulka Soomaaliyeed. Heshiiskaasna waxaa u saxiixay Ingiriiska Rennell Rod oo wakiil u ahaa Boqortooyadii Ingiriiska. Dowladii Xabashidana, waxaa wakiil u ahaa Ras Makonen oo madax ka ahaa Harar.

Kadib markii shirkadii Singlayr ay ka heshay saliid Gallaadi oo ka mid ahayd British Soomaaliland, Ingiriisku wuxuu damcay inuu wadahadal la galo Itoobiya, si aaney dhulka Hawd oo Gallaadi ka mid tahay Itoobiya u qaadan. Ingiriisku wuxuu u soo qadimey Itoobiya iney qaadato xeebta Saylac illaa iyo Harar. Arrintaas Itoobiya wey ku gacan seyrtay, waxayna weydiisatey Ingiriiska, inuu dhulka Hawd uga bedesho dhul ballaciisu le’eg yahay 100 mayl oo ay ku jiraan Seylac iyo meelo kale oo ka mid ah Soomaali Galbeed. Ingiriisku codsigaas wuu diidey, wuxuuna aakhirkii ogolaadav in Itoobiya ay qaadato dhulkii uu hore u siiyey. Bishii Nofembar 1954tii, ayey ahayd markii ay Itoobiya gacanta ku dhigtay qaybtii ugu dambeysey ee dhulkii Soomaaliyeed Ingiriisku siiyey.

5tii bishii Jannaayo 1955tii, dadka Soomaaliyeed markii ay maqleen heshiiskan aad bay uga xumaadeen. Waxaana dhacay mudaaharaadyo badan oo looga soo horjeedo arrintaas Ingiriisku ku kacay oo ka soo horjeeda heshiisyadii uu la galay madaxda qabaa’ilka Soomaaliyeed. Isla sanadkaas, waqooyiga waxaa ka sameysmay urur uu madax ka ahaa Michael Mariano oo la oran jirey NUFRRH (National United Front for Retaining Reserve Area and Haud).

Ururkaas (NUF), oo shaqadiisu ahayd sidii loo soo celin lahaa dhulka Ingiriisku bixiyey, ayaa ka helay shacabka taageero aaney helin xisbiyadii kale ee waqooyiga ka jirey. Bishii Maarso 1955tii, wafdi 4 ka kooban Michael Mariano, Abokor Xaaji Faarax iyo Cabdi Daahir ayaa u kicitimay Muqdisho si ay taageero ugu helaan halganka ay ugu jiraan hanashada dhulka Itoobiya la siiyey.

Bilihii Febraayo iyo Maajo sanadkii 1955tii, laba wafdi ayaa tagey dalka Ingiriiska si ay ugu gudbiyaan cabashooyinkooda ay ku doonayaan in loo soo celiyo dhulkii Itoobiya la siiyey. Madaxdii la kulmeen, waxay hordhigeen heshiisyadii ay qabaa’ilka Soomaalyeed la galeen dowladii Ingiriiska, kuwaas oo dhigayey inaan Ingiriisku siin karin dhulka Soomaaliyeed cid kale. Arrintaas waxaa looga dooday Baarlamaanka Ingiriiska, waxaana dhacday in dowladu ku gacanseyrtay dadkii ka tirsanaa Baarlamaanka oo u doodayey in dhulka Soomaaliyeed aan la siin Itoobiya. Waxaa kaloo jirtey iney jaraa’idka ka soo baxa dalka Ingiriisku ay aad wax uga qoreen dhacdadan, ayagoo ku cambaareynaya dowlada tilaabada ay qaaday. Markii ay ka samreen inuu Ingiriisku wax la qabto codsigooda wafdigii Soomaaliyeed waxay isku dayeen iney arrintan hor geeyaan golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, si ay ugu gudbiso Maxkamada Caalamiga ah. Waxay filayeen iney taageero ka helaan dalka Masar oo ay islahaayeen way idin ku taageerin arrintan si loo soo hor dhigo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, dabadeedna loogu gudbiyo Maxkamad Caalami ah. Wafdigii Soomaaliyeed wax taagero ah kama helin Dowladii Masar oo ay ku tashanayeen, halkaas ayaana dadaalkoodii ku soo afjarmay.

Ingiriisku wax qorshe horumarineed ah uma sameyn intuu haystay dhulka Soomaaliyeed. Maxaa yeelay, danaha uu ka lahaa ayaa waxay ahaayeen in Faransiiska iyo dalalka kale ee reer Yurub aaney ku soo xadgudbin dhulka wadamada Badda Cas kulaalaya sida Suudaan iyo in uu ka dhigto “dukaankii hilibka Cadan” (Laitin & Samatar, 1987).

Sida aan ognahay, Faransiiska iyo Talyaaniguba waxay kaga tageen dhulalkii Soomaaliyeed ee ay kala gumeysan jireen wax la taaban karo. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa dhismaha dekeda Jibuuti iyo wadada xadiidka ah ee isku xirta Jibuuti iyo Itoobiya oo uu Faransiisku sameeyay. Talyaaniga oo asna ka sameeyay koofurta dalka wadooyin dhowr ah oo laami ah, beero iyo warshado yaryar.

Dowlada Faransiiska oo ayaduna rabtay iney qaybteeda ka qaadato boobka dhulka Soomaaliyeed, waxay soo gashay magaalada Obokh iyo Tadjoura taariikhdu markii ay ahayd 1862dii, ayadoo la tartameysey Ingiriiska oo haystey Cadan. Farasiisku wuxuu bilaabay inuu dhiso Magaalada Jibuuti 1888dii, halkaas oo ay deganaayeen dad Soomaali ah. Markii dambe Faransiiska, wuxuu xarun ka dhigtay Jibuuti si uu u helo maraakiibtiisu meel ay ku sii nastaan marka ay ku sii jeedaan mustacmaradihiisa ku yaal Indo-Shiina iyo in aan Yurubta kale uga dheereyn qabsashada geeska Afrika.

Talyaanigu wuxuu si rasmi ah u qabsaday xeebaha koofureed ee Soomaaliya markii taariikhdu ahayd Desember, 1888dii. Sanadkii 1889kii, Boqor Cismaan iyo Yuusuf Cali Keenadiidba, waxay heshiis la saxiixdeen Isticmaarkii Talyaaniga oo ay aqbaleen inuu dusha ka ilaaliyo.

Markaa kadib, Talyaanigu wuxuu ogeysiiyey saxiixayaashii heshiiskii Berlin kaas oo lagu qaybsanayey Qaaradda Afrika, in asagu hadda wixii ka dambeeya uu isticmaarsado Koofurta Soomaaliya. Talyaanigu wuxuu qabsaday xeebaha Benaadir 1892dii, kuwaas oo hoos imaan jirey maamulkii Sansibaar. Suldaankii Sansibaar wuxuu ogolaaday inuu Talyaaniga ka kireysto isticmaalka dekedaha Muqdisho, Merka iyo Baraawe lacag dhan 160,000 Rubii sanadkiiba muddo 25 sano ah. 1925kiina Ingiriiska, waxay ku wareejiyeyn Talyaaniga Gobolka Kismaayo oo horey uga mid ahaan jirey mustacmarada Ingiriiska.

Madaxii qunsuliyada Talyaaniga, Vincenzo Filonardi, oo dowladii Talyaaniga uga wakiilka ahaa heshiisyada aan kor ku xusnay, wuxuu markii dambe furtay shirkad ka shaqaysata koofurta Soomaaliya. Xaafiiskii ugu horreyeyna wuxuu ka aasaasay Gadale oo Talyaanigu u bixiyey Itala. Shirkadaasi muddo markii ay shaqeyneysey ayeey kacday waxaana la wareegay shirkad kale oo la oran jirey Shirkadda ganacsiga Talyaaniga ee Benaadir, taas oo xarumo ku yeelatay magaalooyinka Cadale, Baraawe, Marka, Muqdisho iyo Luuq. Talyaanigu wuxuu magaalada Jowhar ka sameeyey mashaariic beerood. Waxaa kaloo uu sameeyey tareen isku xira Muqdisho, Afgooye iyo Jowhar si uu wixii uga soo go’a beeraha u iib geeyo. Jowhar markaas waxaa la dhihi jirey Duca degli Abruzzi.

Mudadii u dhexeysey 1935-1940, kadib markii faashistihii Talyaanigu ka adkaaday Xabashida, ummada Soomaaliyeed waxaa soo maray wakhti ay hoos yimaadeen isticmaarkii Talyaaniga. Talyaanigu wuxuu ka lahaa dano waaweyn dhulka uu haystey asagoo ku talo galay inuu dejiyo dad Talyaani ah dhulka beeraha ku wanaagsan ee koofurta Soomaaliya. Kumanaal Talyaani beeraley, ganacsato iyo farsamo yaqaano isugu jira ayaa ka shaqayn jirey waddanka. Taasina waxay kor u qaaday dhaqaalihii qaybta ama deegaanada uu Talyaanigu haystay. Inkastoo uu xukunkiisu aad u xumaa, shaqooyinka Talyaanigu abuuray Benaadir iyo nawaaxigeeda, waxaa dhaqaalo ahaan ka faa’iideystay dad badan oo Soomaaliyeed.

Bilowgii dagaalkii labaad ee aduunka, Talyaanigu wuxuu ka qabsaday Ingiriiska qaybihii uu ka haystay dalka Soomaaliya. Laakiin arrintaasi ma sii socon oo Bishii Maarso 1941dii, Tayaaniga waxaa ka adkaaday Ingiriiska oo ka saaray Geeska Afrika oo ay ku jirto Itoobiya: Sanadkii 1942dii, ayaa Boqorkii Haile Selassie oo masaafuris ugu maqnaa London, Ingiriisku dib ugu soo celiyay xukunkii Itoobiya.

Mustacmarka afraad oo qayb ka qaatay gumeysigii dhulka Soomaaliyeed wuxuu ahaa Boqortooyadii Xabashida oo uu hoggaaminayey Menelik 2aad. Menelik oo heshiisyo beecmushtari la sameystay dowladii Talyaaniga oo markaas qabsatay meelo ka mid ah Geeska Afrika, wuxuu fursad u helay in uu soo degsado hub iyo rasaas inta uu doono. Markii dambena Menelik, hubkii wuxuu ku qabsaday dhul ballaaran oo ay leeyihiin dadyowga Soomaalida, Oromada iyo Cafarta. Intii u dhexeysey 1887-1897dii, Menelik wuxuu ku guuleystey inuu qabsado imaaradii Harar iyo qayb ka mid ahayd dhulka loo yaqaan Soomaali Galbeed (Ogaadeen).

Xabashidu waxay kaga duwaneyd mustacmaradii reer Yurub, ayada oo aan lahayn waxsoosaar iyo dhaqaale ay ku maamusho howlaheeda mustacmarnimo. Haddaba si ay u quudiso askarteeda, waxaa dhaqan u ahayd iney dhacdo xoolaha Soomaalida iyo Oromada. Sababaha uu Menelik u qabsaday dhulka Oromada iyo Soomaalida, waxaa ka mid ahaa inuu askartiisa gaajeysan u helo wax ay cunaan. Intii u dhexeysay sanadihii 1890kii illaa iyo 1897kii, waxaa lagu qiyaasay 100,000 oo lo’ ah, 200,000 oo geel ah iyo 600,000 oo ari ah xoolaha laga dhacay dadkii xoola dhaqatada ahaa ee Soomaaliyeed (Laitin & Samatar, 1987).

Ciidamada Xabashida oo aan isticmaali jirin hilibka iyo caanaha geela midnaba, geela ay dhacaan waxay uga bedelan jireen dadkii laga soo dhacay markii ay ka dabayimaadaan xoolahooda lo’ iyo ari. Halkii neef oo geel ah waxay ku bedelan jireen 3 lo’ ah ama 10 ari ah.

10kii bishii Nofember 1947dii, Wasiir Ku-Xigeenkii Arrimaha Dibeda ee Itoobiya Weld-Forester, wuxuu warqad u qoray Bevil oo ka tirsanaa madaxda Dowladii Ingiriiska, asagoo leh, “Waxaan wax badan sugeyney in na loo soo celiyo dekadahayagii qadiimiga ahaa mar kale calankayagu uga babado badaha adduunka. illaa iyo intii shisheeyuhu qabsaday dhulkayaga Eritrea iyo Italian Somaliland, waxaan sugeyney in loo soo celiyo dalkoodii hooyo ee Itoobiya. Inkastoo la wada ogsoon yahay in labadaas gobol ay ka tirsanaan jireen Itoobiya hadana waxay in badan ku jireen gacan shisheeye”.

Warqadan oo laga helay maktabadaha Ingiriiska, waxay markhaati ka tahay in Itoobiya waligeed ku taameysey iney la wareegto dhammaan dalka Soomaaliya.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS