Maleeshiyaadka dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen dilka Cabdixamiid Sheekh Cabdiqaadir oo ah nin la dhashay Xildhibaan Farax Sheekh C/qaadir kadib markii ay rasaas ku fureen.
Cabdixamiid Sheekh Cabdulqaadir ayaa ahaa nin dhaliyaro ah wax danbi ahna ma gaysan,waxaana dilay Maleeshiyaadka Dowlada oo dadka shacabka iska dila,gaar ahaan markii wareero lagu qaado waxay ka aar goostaan shacabka ay ka helaan jidadka Xamar.
Waxaa la xaqiijiyey inuusan ku sugneyn Hoteel Ambasador Cabdixamiid Sheekh Cabdulqaadir, Horjoogayaasha Maleeshiyaadka dowladda ayaa ka hadal dilka loo gaystay wiilkaas dhaliyarada ah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Maleeshiyaadka Dowlado dileen wiil Bajaajle ah oo loo dilay jidka noo banee,welina laba qof oo dowlalda Xamar ka tirsan oo iska warsaday.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS.