Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah ragga Dowlada Kenya ka iibsaday Badda Somalia, ayaa iminka ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee Somalia.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo munaasabad u qabtay Mas’uuliyiin iyo Odayaal dhaqmeed ku beel ah, ayaa sheegay inuu ku taamayo in doorashada mudada yar ay ka harsan tahay uu u taagan yahay waxa uuna cadeeyay in wakhƟga la joogo uu garab lixaad leh uga baahan yahay Odayaasha Beeshiisa.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Beeshiisa u ballanqaaday haddii ay garab kusiiyaan guushiisa uu waxbadan ka bedeli doono Mustaqbalkooda waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu dhaqaaqi karin isaga oo aan garab ka heysan reerkiisa.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS