Hoggaamiyaha xukuumadda Dabadhilifka Turkiga Rajeb Erdogaan ayaa shaaciyay in dowladiisu ay taageero dhan walba ah ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah muslimiinta Soomaaliya.
Isagoo khudbad ka jeedinayay qasriga madaxtooyada magaalada Kampala ee wadanka Uganda oo uu booqasho ku joogo ayuu yiri “Wadamada Bariga Afrika waan ka taagaraynaa la dagaalanka Argagaxisada waxaana aaminsanahay in argagaxisadu ka dhalatay cunsurinimada”.
Madaxweynaha dabadhilifka Turkiga ayaa muujiyay sida uu uga walaacsanyahay lacagaha malaayiinta dollar ah ee Midowga Yurub uu ka joojiyay ciidamada kusoo duulay soomaaliya.
“go’aanka ay beesha caalamku ku gaartay in la dhimo mushaarka ciidanka Midowga Afrika ee soomaaliya waa khalad weyn”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Erdogaan.
Dowladda Turkiga ayaa safka hore uga jirtay dowladaha daadihinaya gumeysiga soomaaliya la geliyay iyadoo dhaqaale badan siisa DF-ka.
Shirkado Turkiga laga leeyahay ayaa boob ballaaran ku haya kheyraadka dalka Soomaaliya,dowladda Turkiga waxay toos u maamushaa garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo dekadda caalamiga ah oo ay lacago malaayiin dollar ah ka qaadato.
Liibaan Jeexoow Cabdi.