Erdogan oo xariga ka jaray xarunta ugu weyn NATO ee geeska Afrika.

36316099

Madaxweynaha Turkida  Erdogan ayaa shalay xariga ka jaray ama furay xarunta ugu weyn ee NATO ku yeelatay Soomaaliya,xaruntaas oo ah xarun loogu tala galay in NATO ay ka dhigato saldhig ay ku fushato howlaheeda muhiimka ah ee geeska Afrika.

NATO ayaa ku gadaal aadan Turkida si danaheeda guracan uga fushato Soomaaliya,waxaa kale Turkida ku gadaal aadan Contractors-ka oo dhan,Soomaalidana waxaa lagu qalday Muslinimo aan meesha ka jirin iyo naxariis been ah.

Turkiga ayaa horey u qabsaday ilihii dhaqaale ee ugu muhiimsanaa Soomaaliya,sida Dekada weyn ee Muqdisho iyo garoonka Adan Cade,hadana wuxuu heshiis la galay WFP oo raashin dhacay soo marsiisay Turkida si dadka Soomaaliyeed loogu siro.

Turkida dadka hagaya ee Soomaaliyeed dhamaantood waa qurbajoog,waxaana intooda badan loo qoray Mushaar ay  ku buun buunaniyaan in Turkido tahay walaal Soomaalido leedayahay.

Erdogan oo dadka Muqdisho ugu yeeraan”UUR DUKHAAN”oo  kalmado la isku geeyay oo ka tujamaya xumanaata oo qarsanayo  iyo kuwa ku gadaal aadan oo mudo ka dib soo bixi doonaaa.

Erdogan ayaa Ugandha iyo Kenya soo maray intii uusan Muqdisho imaan ka hor,wuxuuna ka codsaday  inay Soomaaliya sii joogaan ciidaanka Amisom,wuxuuna u balan qaaday inow dhaqaale ka siin doono ilaalinta Dekada Xamar iyo Garoonka Adan Cade oo gacantooda ku jira.

Su’aalo aan rabo inaan weydiiyo Qurbajoogta horboodaysa Erdogan ” UUR DUKHAAN”

Meeqa reer  oo Soomaaliya  ah ayuu qaabilay Turkigii 30-kii sano Soomaalido dhulkeeda ka qaxaysay?

Mise qof oo Soomaali ah ayaa haysata dhalashada Turkiga??

“Urduqaan wanaag uma arkiyo imashihiisiiyeIslaam nimo hadday kaa tohoo diini ku eryayso
Istanbuul wargaysyada ahoo Nabiga eedeeyay(Scw)
Wax ka qabo kuwaasaa annaga kaaga awla ahe
Umaddaa Bashtuun iyo shacbiga ree Afganistaanna
Ayagaba asxaan uma gashide waad ajalaysaaye
Iblaysyiyo waxaad ugu tagtaa ururki Naytaade
Ashahaado beenloow shacbiga haw insaarixine
Arligaan la dhici baad mindhaa qayb ollogaysaaye
Is caddee ninyohow xaal kalaa kuu amuumadane”

Abwaan CabdulQaadir Shiikh Xuseen.

36316112

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS