Ummad hogaankeeda xunyahay loogama fadhiyo inay haagaagto ama wadada haboon cagta saarto , waana halkay dadka Soomalida ahi maanta ka litaan Gumaytayaashuna fahmeen. waxay qorshaysteen in aanu hogaan ka noqon gayiga Somaliyeed laga bilaabo Beel-daajiye ilaa madaxweyne ilaa kuwa ay samayteen ama raali kayihiin oo danahoodana kufushadaan mooyee, xattaa mid danta dadkiisa iska dhaafee tiisa gaarka ah ama naftiisaba tooda ayuu ka hormarin.
Waa inuu ahaada Danayste,Dayuus , Calooshii ushaqayta , Diinlaawe,Damiirlaawe iyo Fulay kuwaasi waa sifooyinka ama calaamadaha laga rabo suu imtixaanka u baaso ama u gudbo.
Waxaa layiri Sixroolayaasha beenta ku shaqaysta markay rabaan inay samaystan muridiin mudiiciin ah waxay ku yiraahdaan ninka xaaskaaga soo wareeji haduu inyar sakatiyo way ku ridaan tijaabada ,haduu aqbalo isagay qaawiyaan ,xaaskisana waa lagu ag qaawiyaa haduu muujiyo dareen raganimo ama dadnimo ma gudbayo hadii kale haa wuu gudbi .
Iskama lihi waa dhacdooyin xaqiiqa ah in askar wayaana ahi dad masuul sheeganhaya qaabkaas ookale oola dhaqmeen ama oola dhaqmidoonan sababtuna waa; shakhsi noocaas ahayn hawshay ka rabaan ma anfacayo. waxaanu leenahay Somaliyeey Wayaanu waa Waraabe, waraabana xoolaha ka u carara ayuu cunaa .
Shacabka Somaaliyeed waa shacab geesi ah mintid ah lakiin hogaan xuma ayaa haysa ,waxaa tusaale loo soo qataa hongaan xumada: kun Libaaxooy Dawaco hogaaminhayso iyo kun dawcooy libaax hogaaminhayo ayaa islaayay waxaa jabay kunkii Libaax ee dacawadu hogaanminhaysay maanta taas ayaa nahaysta. waxaana hogaan xumado qayb ka ah shacabka laftirkiisa , gacmihiisana isku gunaanadi.
Ilayn waxaad baadil ku taageerto dhibkisuu aduu dib kuugu soo laaban haba kaa daaho mararka qaarkood, waa sunna rabbaaniyah. nin qabiil ,laalush iyo gumaystayaal teegeersanhaya ayaad maalinkasta Durban intaad u tuntaan doorataan ,isagu dayntuu lahaa ama laga lahaa waa inuu adiga kuu iibiyo ,Dalka ibiyo, iyo Diinta Ibiyo taas ayaanad ku kaalmaysay, Dambigana waad lawadaagtaa ALLAH hortisaa maalinta qiyaamaha, maxaa yeelay Nabigu wuxuu yiri SWC dadka waxaa ogu ayaan daran ka Diintisa Aduunyo dhafsada waxaase ka sii ayaan daran ka Dintisaa ku badasha Aduunyo ninka kele maamusho.
Macnahu waa midba midbuu kuu sii akhiro seegay isaga Gaal gumaysta ah ayaa soo dirsay danahiisa ku gudanyahay isaguna aduu ku dirsaday oo difacaya. bal eeg GEBRE shaqadii Madaxweyne ,wasiir ,baarlamaan ,oday dhaqameddyana, Beeldaajiye ,Isam, Ugaas ,Malaaq ,Islaan w iyo xataa xamaalada wixiiba isagaa haysta waxaad modaa beer xayawaanka lagu xanaaneeyo inuu maamusho.
Dadka damiirka leh ee dadnima ku jirto waa inay isdoontaan isna gabrasato maanta magac Somaliyeed urur wata ee Xabashi waxay tahay u sheegi kara ama Somaali ka damacsantahay waxaa ka jira ururka ONLF iyaduna sidaasay u fahantahay in ay ONLF tahay xididka qoyan ee biyaha dabada kula jira ee geedkii Somaaliyeed ay dhex ka jartay ka soo bixi doono maxaa yeelaya nin waliba markuu ibsaday wixii ugadmayay mid Diinta gata mid Badda gata mid Dadka gata mid damiirkii gata mid Gabdhaha gata iwm wiilashaas ONLF dan shisheeya waa laga fushanwaayay .
Mabda,a adag ee ku qotama midnimad iyo sharafta somaaliyeed waxaan ka ahayn ma maro .waxay donayaan inta hagaagsan ee halyeeyada inay hooy u noqdaan hal meel laga hago halganka soo celinta xorriyadii somaliyeed mar hadii garashii ,fikirkii iyo caqligu joogo cududii way imaan goorteeda sidaasayna u tidhi Xabshidu kii isoo qabta iina soo dhiba waxbaan ka dhigi waa dhaan badangaalle jirin .
Guuldarradu ma ah in awood lagugu muquniyo ee waa niyadda jab iyo isku kalsooni la,aan inay kugu dhacdo ood isdhiibto ciidan badnaashana ma ah ee waa towfiiqda alleh Nabi MOHAMED csw 1000 ayuu 300 iyo dhawr iyo toban kuna jabiyay.
NABI DAAUD waxaa la wariyay 80,000 inuu ahaa cidanku 76000 inay biyihii wabiga cabeen kana carareen waxaa ku soo haray 4000 Jaalut oo tiradaa hore in ka badan watay AHMED GUREEY 12000 ayuu kula dirriray 120000 kuna jabiya Dagaalkii shimbiroole ha maqlin sheekada cadaw-kaalka ee waa la iga hub badanyay waa la iga ciidan badanyahay.
WA BILAAHI TOWFIIQ.
QORE:Axmed Sheekh.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS