CUTUBKA KOOWAAD: WAAJIBNIMADA SOONKA

36325799

CUTUBKA KOOWAAD: WAAJIBNIMADA SOONKA

In la soomaa bisha Ramadaan waa waajib iyo fariido ku sugan kitaabka Ilaahay iyo sunnada rasuulkiisii (SCW), muslimiintana isku wada raacsan tahay:- Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:

“Kuwa Ilaah rumeeyow waxaa laydinku waajib yeelay inaad soontaan, sidaynu ugu waajib yeelnayba ummaddahii idin ka horreeyey, u jeeddada waajibinta soonkaa dushiinna waa inaad cabsi Ilaah ka kororsataan, uuna idin noqdo -tababar- si aad xumaha iyo xildarrada isaga dhowrtaan, soonkaa oo ayaamo tirsan ah – ciddii uu markaa xanuun hayo ama socdaal ah waxaa bannaan inuu afuro dibna ka qalleeyo.

Qofkii aan karinse gabow awgi ama cudur ku lammaanan miskiin ha quudiyo maalin waliba oo soon laga dooni… kiise quudiya tiro miskiin ka badan waa kheyr iyo abaal uu naftiisa u hormarsan… Qofkii karase soonkaa uu fadli iyo kheyr badan.

Bisha Ramadaan oo ah bishii aynu Qur’aanka soo dejinnay, Qur’aankaa oo hanuun ah, kalana caddeyn xaqa iyo baadilka… kolkay bishaa soo gasho qof kastoo muslim ah, qaan gaar, fayow, degaanna ah waa inuu soomaa… Qofkiise uu xanuun hayo ama socdaal ah waxaa u bannaan inuu afuraa, dibse ha ka qalleeyo, wuxuu Ilaahay dooni sida idiin fudud iyo dhib la’aan, oo idinlama doonayo culeys… wuxuuna dooni inaad tirada soonka dhammeystirtaan, deetana takbiir falid iyo Alla weyneyn guda gashaan iyo idinkoo uga mahad naqa galladdaa waafajinta soonka.”

Wuxuuna yiri nebi Maxamed nabad iyo naxariis dushiisa ha ahaatee:

Imaam Muslimna wuxuu ku soo wariyey xadiiska Lafdiga ah:

Macnaha xadiiska waxaa weeye:

“Tiirarka Islaamka ku dhisan yahay waa shan, qiritaanka in ilaah xaq loogu caabudo uusan jirin Alla keliya mooyee, Maxamedna yahay rasuul Ilaahay soo diray, oogitaanka salaadda, bixinta sakada, soomidda bisha Ramadaan iyo gudashada Xajka – qofkii awooda.” Xadiis laysku raacsan yahay.

Mid waliba oo shantaa tiir ka mid ahina ujeeddo iyo xigmad ballaaran ayaa ka dambeysa, nasiib darrana waxaa ah in dadka samankan badankood macnaha iyo fahankeeda ka marriin iyo maskax habaabeyn, madow iyo mugdi badanna ay ka gashay… qaadeenna dhabbo caro Ilaah keeni, laguna naar tegi.

Wuxuu Ilaahay amray, tiirka horena yahay ee Islaamka in Ilaah la mideeyo, ee aan cibaadada uu inoo abuurtay cid kale loo leexin, lala wadaajin, taa oo shirki lagu gaaloobi ah, wuxuu sharcigu dhigay in lagu gaar yeelo Ilaah baryada gaar ahaan arrimaha ayan cidaan isaga aheyn karin sida caafimaadka, hanuunka, carruur weydiisiga iwm aan cid kale laga baryin, nebi Ilaah soo diray, malag daraja leh, awoowe hore, weli saalax ah, wuxuu ahaadaba, cidna aan lala wadaajin baryada darajaday doonaan ciddaa ha lahaatee waxaan bannaaneyn iyadana ee falka gaalada iyo mushrikiintii iyo qowlka Rasuulka (SCW):

Ama inaad cid u heyso maxabbad iyo kalgaceyl ka badan taa qofka la doonayo inuu Ilaahii abuurtay u hayo, tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:

Ama inaad cid kaga raalli noqoto ood ku raacdo inay waxay doonaan kuu xalaaleeyaan waxay doonaanna kaa xaaraantimeeyaan tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:

Ama inuu qof dejiyo, ama soo saaro, ama banneeyo, ama ka raalli noqdo, sharci ama distoor, ama xeeraan ku saleysneyn, khilaafsanna kitaabka Ilaahay, iyo sunnada rasuulkiisii (SCW), tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:

Arrimahaa oo shirki lagu gaaloobi ah siday Ilaahay iyo rasuulki (SCW) inoo sheegeen, aayadaha Qur’aanka iyo axaadiista rasuulka (SCW) ay muujin.

Waxaa kaloo ka mid waxyaabaha burin ashahaadada inaadan dan u gelin, tixgelin, ku dadaalin, ka jeesato barashada kitaabka Ilaahay iyo ku camalfalkiisa, tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:

Sidayna weesadu u leedahay waxyaaba buriya bay ashahaadaduna u leedahay arrimo buriya, qofkana waxaa laga dooni inuu barashada kitaabka Ilaahay ku dadaalo, ehlu cilmiga daacadda ahna la xiriiro, fuliyana wuxuu Ilaahay ugu yeeri taa oo ah macnaha qaybta hore ee ashahaaada.

Macnaha qiritaanka in nebi Maxamed yahay addoon iyo rasuul Ilaah soo diray ma aha marqaati fur oo keliya, balse ujeeddada ka dambeysa waa wuxuu ina faray oo aynu ku fartoonno, wuxuu diidayna ka dheeraanno, sunnadiisana baranno, raacnana, maxabbad ka badan taynu u heyno maalkeenna, waalidkeen iyo owlaaddeenna u heyno, rasuulkaa Ilaahayna ku dayanno, hadalka Ilaahay iyo hadalka nebi Maxamed aynu cidna ka hormarin.

Ujeeddada tiirka labaad ee Islaamka oo ah salaalaadda, waa siduu Ilaahay inoo sheegay:

Oo macnaheedu yahay:

“Oog salaadda, waayo salaaddu waxay qofka ka reebtaa faxshi iyo foolxumoo dhan – xumaha ka hor istaagtaa iyo munkarka.”

Qofkii ayan salaaddiisu xumaha ka reebin, salaad lama iman.

Balse waa salaad dhimman, khashuuc la’aan iyo qalbi maran lagu tukaday, raadna aan laheyn.

Waxaad arki qof salaadda kula tukan, aan waqtigiisa kaga faa’ideysaneyn barashada wuxuu Ilaah faray, baar fariisi u carari, ama haasaawe xaaraan ah, sidaana waqtigiisa ugu cayaari, baarkaa oo heesa in laga sii daayo laga yaabo, heesahaa miyuusigga wata ee xaaraantaa ah, qof dumar ah ee aan xijaabkii Islaamka xirneyn ay ragga u adeegeyso, taa oo xaaraan kale ah. Waxaad arki qofkaa inuu iska geli guri uusan laheyn idin la’aan, taa oo xaaraan ah, gacan qaadi dumar uu gayo, taa oo xaaraan ah, la haasaawo iyo fadhi wadaagi dumar uu gayo, guurna ka dhaxeyn, taa oo xaaraan, hannaanka noloshiisa ay xaaraan u badan tahay kaddibna ku oran waan tukadaa oo Muslim dhan ayaan ahay!

Waxaa laga yaabaa ragga qaarkood intay damiir iyo qalbad beeleen, inayan xaasaskooda, gabdhahooda, iyo dumarka kale ee ku hoos nool ayan ugu yeerin, ku qasbin inay xijaabka Islaamka oo ah maro ama shuko waasic ah oogadadooda wada asturta qaataan, iyo inay ragga gaya – guurna ka dhaxeyn – ka xaroodaan. balse u qiraya inay la sheeko wadaagaan, ninka sidaa ahna ee u gogol dhiga ragga iyo dumarka inay faaxishad iyo zino ku dhacaan, wuxuu qaaday dhabbaha dayuuskii uu rasuulkii Ilaahay (SCW) inuu sheegay inuusan janno galeyn, kaa oo kale, sheydhaan kaaliyaha ah. ragga iyo dumarka isku fitneyn. amarka Ilaahayna khilaafsan, zinada u gogol dhiga, bal salaaddiisa ka warrama? Waxaynu ognahay in qofka muslimka ahi salaadaha faradka ah Ilaahay toddobo iyo toban jeer ka baryo kolkuu akhrinayo Faataxada inuu ku hanuuniyo dhabbaha toosan ee ah Qur’aanka iyo Sunnadii rasuulkiisii (SCW) barashadooda iyo ku camal falkooda isla markaana ka duwo, uusan qaadinna marriinkii kuwa loo carooday oo ah Yahuudda, waayo iyagoo cilmi u leh diinta baynan ku camal falin… iyo kuwa ka habaabay xaqa oo ah Nasaarada (Kirishtaanka) ee khalad iyo qallooc iyo cilmi la’aan Ilaah ku caabuday… Qofka salaad kastoo uu tukado intaa Ilaah ka baryi, aanse siraadka toosan doonaneyn, daneyneyn, barashada kitaabka Ilaahay iyo Sunnada rasuulkiisii (SCW) raadsaneyn, si uu ugu dhaqmo, noloshiisa adduun iyo aakhiraba u hagaagta, hadduu barto ama xaqa la gaarsiiyo aan ku dhaqmeyn, maxaydun ka oran salaaddiisa?

Waa salaad qalbi maran iyo khashuuc la’aan lagu tukan, qofkana uusan dareensaneyn cadamada, weynida, jalaalka, jamaalka, iyo cisada Rabbiga uunkoo dhan barbaariyey, qofkaana waa qofay mugdi iyo madow ay kaga jidho in dadku labo makaan masiirkoodu kala noqon iyo hoygay ku dambeyn janno nasiino iyo nasteexa leh, ama naar nabsi iyo naclad Ilaah ay kuu wehliso…

Sakada iyo soonka oo iyagana shanta tiir ee islaamka ka mid ah si gaar ah ayeynu buuggan uga hadli. Xajkana waa cibaado jaamic ah, kulmineysa ujeeddooyinka ashahaadada, salaadda, soonka iyo sakada.

Waxaynu u noqon mowduucii kitaabka, kolkaan idiin soo koobay tiirarka Islaamka ee laba tiir ka mid ah soonka iyo sakada aynu si gaar ah buuggan ugu hadli doonno, waxaynu oran:

Waxay Muslimiinta isku wada raacsan yihiin inay fariido waajib ah tahay soomidda bisha Ramadaan, qofkii diidaa ee taa inkiraa ee soomi diidana, waa qof diintii Islaamka ka noqday ee gaaloobay.

Waxaana loo soo jeedin inuu ka noqdo diiddada iyo jaaxidaadda soonka, hadduu ku adkeysto, diiddada soonka iyo inuusan waajib aheyn waxaa lagu xukumi dil, noqonna ruux gaalnimo ku dhintay riddoobay oo lama dhaqayo, lama kafnayo, laguma tukanayo, lagumana aasayo qubuurta muslimiinta, Ilaahay baynu taa ka magan geliye.

Waxaana la waajib yeelay in la soomaa bisha Ramadaan sannadkii labaad ee hijriyadda, wuxuuna soomay rasuulkii Ilaahay (SCW) sagaal Ramadaan, soonkuna waa ku waajib qof kastoo Muslim ah, qaan gaaray, garasho leh, ee soonka kara.

Sidaa awgeed buusan ugu waajib aheyn qofka gaalka ahi oo aan laga aqbaleyn hadduu soomo illaa uu ka islaamo, iyo qofka aan tukan, salaaddana ku waajibtay, waayo ka tagidda iyo iska deynta salaadda waa kufri iyo gaalnimo, tixraac xadiiskan rasuulka (SCW):

Iyo sidoo kale qowlkan rasuulka (SCW):

Wuxuuna yiri sarreeye Ilaahay:

Sidoo kalena wuxuu yiri:

Aayadahan iyo axaadiista aynu soo sheegnay waxay muujin kufriga iyo gaalnimada qofka aan tukan, sida awgeed kama ansaxayso soomid qofka aan tukan, saa waa gaale oo waa inuu tukadaa salaaddana jamaaca ahaan u daa’imaa:

Waxaa sidoo kale diinta looga bixi oo kufri iyo gaalnima ah inaad bisha Ramadaan oo keliya soonto, salaaddana tukato, Ramadaanka kaddibna ay taladaadu tahay inaad salaadda ka tagto, qofka sidaa oo kale ah bisha Ramadaan caabudo sharei jeebkiisa ah ayuu sameystay iyo diin hor leh, hadduu sidaa la soo banbaxana, bareer u doorto, kana toobad keeni waayo, waa gaal murtad ah, waxaan seef aheynna ma leh. Waxaynuna ugu yeeri kaa bisha soon caabuda, iyo matukadahaba inay Ilaahay ka baqaan, sharcigiisana u hoggaansamaan iskana jiraan naartaa:

Loo diyaariyey oo loogu tala galay gaalada, oo ay kitaabka Ilaahay iyo sunnada rasuulkiisa (SCW) bartaan, hannaanka noloshooda ka qaataan, habdhaqankoodana waafajiyaan, si ay ugu galaan fadliga iyo naxariista Ilaah, innagana macigood, fadliga iyo naxariista Ilaah jannadaa:

“Loogu tala galay kuwa Eebbahood ka baqa.”

Kumana waajib aha soonka ilmaha saqiirka ah, tan iyo intay ka qaan gaari, wuxuuna qaan gaar noqon kolkuu shan iyo toban sano gaaro, ama timaha hoose – caanada – ay ka soo baxaan, ama shahwad yeesho – mino.

Waxaa u dheer qofka dumarka ahi intaa oo calaamad qaan gaar ah hadday caadadii isku aragto – dhiigga xeydka – hadduu qofka saqiirka ahi calaamad ka mid ah calaamooyinka aynu soo sheegnay isku arko wuu qaan gaaray.

Hayeeshee waxaa habboon in ilmaha yar la amro inay soomaan -hadday awoodaan, dhibna ku aheyn – si ay yaraanta ugu caadeystaan salaadda iyo soonkaba. Kumana waajib aha soonka qof caqli beelay waalli darteed ama maan doorsamay ama qof cantatabay ee aan waxba kala garaneyn…

Sidaa awgeed, hadduu qofku yahay da’ isku dardarsamay aan waxba kala garaneyn, soon lagama doonayo iyo quudinba.

LA SOCO QEYBTA XIGTA,INSHALLAH