Ninkii idilaalay ayaa nawada dilay Qore:Gumaysidiid

36338469

Waxaan ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo kudhashay dhul ladhacay oo Soomaaliyeed (Ogaadeenya) isla markaana waxaa guriganaga taalay tacsi aan dhamaad lahayn waxaa isku xigay xuskii Awawgay, Xabaal qodkii aabahay iyo Xinjirtii walaalkay isku xero ayay ahaayeen xiliyar gudihii, markii aan xoogaystay anigoo xasuusan wixii nagu dhacay waxaan sheeko dheer kadhagaystay goobaha lagu kabdhoodo waxaanan ogaaday wixii nagaadhay inuu ahaa wax wadar ah oo qayrkay ila qabo balse dadkanaga waxaa kamuuqatay in ay jiraan walaalo lama ilaawaan ah oo dartood dhibaatadu noogu dhacday markii nalaga guulastana loo gudbi doono (Soomaaliya)

Markaan hana qaaday anigoo kabuuxa wixii dhacay aqaanana cadawgayga iyo nasteexayga ayaan lalughelay dad diyaar u ah in ay jawaab kufilan kabixiyaan wixii naloogaystay kana xisaabtamaan. waxaanan diiday in la igu qasbo isir aanan ahayn (Itoobiyaan) waxaa xiligaan hano qaaday shacabka Soomalida Ogaadeenya mayalka uqabtay Ururka ONLF ee gobanimo u dirirka ah, dadkuna aadbay u taageereen si muuqata iyo si dadbana waa ula shaqeeyeen aniguna dadkaas taageeray ayaan ka mid noqday.

Mudo markii uu socday halganka hubaysan ee ONLF hormuudka ka tahay maalin maalmaha ka mid ah soanadkuna uu ayhay 2007 ciidan Tigray ah ayaa reerkanaga yimid oo gabogabeeyay dadkiina qaar ay laayeen, qaar ay jidhdileen oo sakaraad ah iyo qaar ay jidhdileen ayay ka dhigeen anigu waxaan ka mid noqday kuwii ay jidh dilka xun u gaysteen mudo markii aan dhaawacyadaas u jiifay kaymaha ayaan go’aansaday in aan meel uun dhakhtar u aado waxaanan arrintaas u sheegay hooyaday iyo adeerkay waxay igu yidhaadeen Nairobi iyo Muqdisho mid uun tag.

Arrintaas ayaan fahmi waayay waxaanan weydiiyay waalidkay oo maxaan ka doonayaa Muqdisho iyo Nairobi ma hawl kale ayaad iiga diraysaan maan tago Hargeysa, Garowe ama Gaalkacyo? waxaana ii jawaabay adeerkay oo igu yidhi dhakhtarkaaga unbaad aadaysaa, hadana waxaan ku celiyay su’aal kale oo ah maxaa diidaya inaan aado Hargaysa, Garoowe iyo Gaalkacyo iyagaa ii dhaw maadaama aan ubaahnay baadhitaan bas ah.

Jawaabtan ayuu adeerkay isiiyay isagoo hoos dhawraya dhulkana xariiqaya wuxuuna igu yidhi waxaan kayaabanahay in “Nasteexaagu nacab kuu noqdo nacabkaaguna nasteex kuu noqdo” sababtoo ah Soomaalidu waxay doonayaan in ay Ethiopia iska gadaan waxayna aaminsanyihiin ruuxii Ethiopia wax yeelaa inuu qabaa’ilaadka kale ujabin doono sidaa daraadeed waxaan jeclahay inaadan aadin meelahaas.

Waxaan ku idhi madoonayo inaan wadanka kamaqnaado mudo 15 bari kabadan ee adeer ii ogoloow inaan halka aan ku qanacsanayay aado ilahayna u talo saarto wuuna ii ogalaaday inaan qorshaysto safarkayga, waxaan aaday magaalada labaad ee Soomaaliya Hargeysa waxaanan dagay Hotel aroortiina Hospital ku dhaw ayaan tagay markaan soo laabtay waxaa iiyimd Ciidan wata xog buuxda oo ku saabsan caafimaadkaygii iyo wiilkii Hotelka iga kireeyay oo leh ninkan ma aqaano waxaanan ku idhi dadka hotelka jooga oo dhan miyaad taqaanaa?  wuuxuna igu yidhi saaxiib waxaad tahay lahjadaada ayaa lagu arkaa cid su’aal kaaga baahana majirto

Ciidankii ayaan raacay waxayna igeeyeen xabsi halkaas waxaa iigu yimid rag dhar cad ah oo Ethiopian ah iyo saraakiil ciidanka maamulka Somalilnad ka mid ah su’aalo kusaabsan waxaan ahay ayaa la iwaydiiyay, nimanka maamulka Somaliland ka socday waxay iweydiiyeen su’aalahan

1. Ogaadeen waa tehaye shuftay matahay ?

2. Yaa kuu ogolaaday inaad Hargeysa timaado?

3. Waynu colownaye xageen ku heshiinay?

Waxayna ii raacinayeen hadalo kale oo handadaad u badan waxayna aad ugu celcelinayeen lahjadaadu inay ku dacwaysay ma ogtahay?

Nimanka Tigrayga ah ee dhar cadka ah iyaguna waxay iweydiiyeen su’aalahan

1. Ma Soomaali ayaad tahay mise Ethiopian?

2. Dadka ku soo dacweeyay in ay been sheegayaan ayaa dhici kartee anaga manala shaqayn?

3. Waxa nalooga kaa sheegay waxa aad adigu noo sheegto ayaa nooga muhiimsan runta noosheeg IWM.

Nasiib wanaag waxaan si aad ah u aqaanaa luuqada Amxaariga ninkii ay turjumaanka u wateena anaa kaga fiicnaa dhamaan su’aalihii nimanka Soomaalida ah iweydiiyeen kama jawaabin balse kuwii Ethiopian-ka waan kajawaabay waxaanan ku idhi waxaan ahay Ethiopian waanan idinla shaqayn dadkanina way igu been abuurteen oo anigu shacab ayaan ahay, wixii intaas kadambeeyay waxaan ku wareegay Xabsiga Ethiopia ee magaalada Harar waxaanan kujiray mudo kadibna waxaa la igu qasbay in aan marka hore qirto inaan ONLF ka mid ahaa waanan qatay qirashadaas qasabka ah si aan dhinac uun uga ciil baxo.

Mudo kadib waxaa la ii wareejiyay xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga (Jeel-Ogaadeen) waxaanan ka mid noqday kunanaanka shacabka ah ee siyaalaha kala duwan loo soo xidhay halkaasna lagu ciqaabo balse mudo kooban kadib waxaa la ii qaaday Xero tabobar waxaana la iiga furay duruus isugu jirtay taariikh, wax barasho mid ciidan iyo mid kaleba waxaanan dhamaystay  tabobarkii la iigu talo galay, intii aan xabsiga ku jiray ee la iciqaabayay waxaan aad uga fikirayay dhacdadan aan ka sheekaynayo waxaase maankayga gubay in aan Soomaali ma ihi naftayda ku badbaadiyo.

Ugu dambayntii markii aan Soomaali ma ihi ku badbaaday miciina aan biday cadowgaygii isoo jidhdilay xabsi ciqaabeedna aan galay wixii shalay ila xumaa way ila saxmeen wixii ila saxnaana way ila khaldameen, markii ay ihortaagnaayeen nimanka Soomaalida ah iyo nimanka Ethiopian-ka ah waxaan hadaladooda raxmad ka dareemayay kuwa Ethiopian-ka ah oo nasteex isu badalay ehelka kuwii aan soo moodayna waxay isu badaleen nacab waliba xiqdi la higoonaya waxaanan aad maskaxda ugu soo celcelinayay hadaladii adeerkay ee ahaa Nasteexaagu nacab ayuu kuu noqon nacabkaaguna nasteex ayuu kuu noqon 

Waxaa ii dhamaaday tabobarkii la iigu talo galay waxaanan sidaas kaga mid noqday Ciidanka gaarka ah ee (Liyuu Police) waxaana la igu yidhi waxaad ka qayb galaysaa dagaalka ONLF lagula jiro balse waligay dagaal ONLF kama qayb galin la iimana dirin waxaan ka qaybgalay xasuuqa shacabkayga waxaan kaqaybgalay dagaalkii xuduudaha waxaanan gaystay dhibaatooyin badan.

Gabagabadii waxaa isoo martay fursadii iigu waynayd een si shaqsi ah uga faa’iidaysto waxaa isku dhacay shacab ay Hageysa u damaqanayso oo Ogaadeenya dagan iyo Ciidanka aan ka tirsanahay waxaanan ku ciil beelay gacantayda markii dagaalku dhamaadayna waxaa ii yimid mid kamid ah ciidanka wuxuuna igu yidhi waryaa dadka aadbaad u laysaye ma nimankii ku gatay ayaad heshay? waxaanan ku idhi ninkii idilaalay ayaa nawada dilay waxa kasta oo iga dhacayna waxaa ka mas’uul ah ninkii cadowga ii loogay ee xumaanta itusay iguna kalifay in aan hadafkaygii ka weecdo.

Sheekadan waxaa ii soo gudbiyay Gaaxnuug oo ah wiilka qisadu qabsatay akhristaw waa qormo wadata qiso yaab leh adba la xidhiidh xaqiiqda dhabta ah xumaantaad gaysato marbay gurigaaga imaan

By Gumaysidiid