Ciidamada Itoobiya oo Weerarkii Halgan Kadib ka guuraya magaalooyin badan

pizap.com14655521519161

Wararka laga  helayo  koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya isu diyaarinayaan inay ka guuraan magaalooyin badan  weerarkii Halgan ka dib.

Ciidamada Itoobiya ay isaga carareen deegaanka Mubaax ee Dulleedka Magaalada Aadan Yabaal ee shabeelaha Dhexe.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay ka war heleen Ciidamada Itoobiya oo guud ahaan isaga cararay deegaanka iyagoo u ruqaansaday Magaalada Muqakori  ee Gobalka Hiiraan.

Warbaahinta Maraykanka ee VOA-DA ayaa saaka barnaamijkeeda subax ku sheegtay in Halgan iyo Baladweyne kusoo degteen diyaarado qaaday dhaawacyada Askarta Itoobiya.

Diyaaradaha ayaa shalay iyo maanta gaaray Magaalooyinkaasi taasina waxa ay muujinaysaa in dagaalka qasaaro xoogan oo ugaystay Ciidamada Itoobiya.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin afhayeen uhadlay ayaa sheegay in dagaalkii shalay ku dileen in ka badan 60 askari.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS