DHAGEYSO:- Qiyaanada Doorashada Soo Socoto Lala Damacsan Yahay

Iyadoo laga duulayo hal ku dhigga ah ‘’Qeybi oo xukun’’,ayaa Ka dib dagaalkii itoobiya iyo Soomaaliya 1964 iyo 1977 oo ay soomaalidu ku sigteen qabsashada Caasimada Ethiopia Addis Ababa, ka dibna ay fara gelin toos ah oo dhan walba ah kusoo sameeyeen Wadamada Ruushka iyo Mareykanka si loo hakiyo awoodda Sida duufaanta u socotay ee Dowladii Soomaaliya oo uu hoggaaminayay S/Guuto Maxamed Siyaad Barre, iyadoo quwadaha ugu tuunka weynaa dowladaha aduunka  Sida USA iyo RUSSIA ayaa waxay go,aan kama danbeys ah ku gaareen sidii Soomaali loo kala Diri lahaa oo loogu goo goyn lahaa Gobolo iyo tuulooyin, si loo waayo awood dambe oo Soomaaliyeed oo qalqal gelin karta Wadanka Ethiopia.

Waxay maanta taagan tahay in la yiraahdo amaanka Soomaaliya oo dhan waxa lagu wareejinaya Itoobiya,gaar ahaan magaalada Muqdisho oo waligood laga diidanaa.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS