Faysal Cali Waraabe oo lagu eedeeyay inuu soo dhoweeyay xasuuqii Jaamac Dubad (Gaashaamo)

36354980

Gudoomiyaha Ururka UCID ee maamulka Somaliland oo horay looga bartay inuu si caadifadaysan uga hadlo dhacdooyinka saamaynta kuleh Taageerayaasha maamulka Somaliland, ayaa lagu eedeeyay inuu Taageeray falkii ciidamada Itobiya ku xasuuqeen dadka deegaanka degmada Gaashaamo.

Sida ay baahiyeen qaar kamida shabakadaha maamulka Hargaysa waxaa uu Faysal Cali Waraabe sheegay in wixii Jaamac Dubad kadhacay khaladkeeda ay leeyihiin dadka deegaanka, waxaana uu wax lala Yaabo kutilmaamay dadka kaqaylinaya dhacdo kadhacday Gudaha dal kale, iyadoo waliba dadka loo Qaylinayo ay leeyihiin sababna u yihiin inay dhacaan waxa dhacay.

Faysal Cali Waraabe ayaa colaad ba’ani kala dhaxaysaa Gudoomiyaha xisbiga Wadani oo ay isku Hayb yihiin dadkii lagu laayay deegaanka Jaamac Dubad ee degmada Gaashaamo, waxaana sida shabakadaha warkani baahiyay sheegeen uu Faysal u arkaa arintaasi mi uu kuxanuujin karo Gudoomiye Ciro iyo beeshiisa.

Hadalkan oo sida muuqato ah mid siyaasadeed ayaa sidoo kale uu Faysal doonayaa inuu Itobiya kala kaashado sidii Cabdirixmaan Ciro looga Hor istaagi lahaa inuu noqdo madaxwaynaha maamulka Somaliland oo doorashadiisa sanadka soo socda laqabanayo, waxaana uu Faysal Qorshaynayaa in Ciro iyo beeshiisa uu Itobiya u tuso inay cadaw kuyihiin Itobiya hadii uu Hogaanka maamulka qabtana ay meesha kabaxayaan iskaashiga Labada dhinac kadhexeeya.

Si kastaba ha ahaatee Faysal Cali Waraabe ayaan isagu kahadal dhacdada Jaamac Dubad marka laga reebo xogta ay kasoo xigteen qaar kamida shabakadaha maamulka Somaliland, kuwaasi oo colaada Ciro kala dhaxaysa darteed uu u siyaasadeeyay mashaqada kadhawaajisay guud ahaan Taageerayaasha maamul beeleedka Hargaysa.

Waxaa meel walba oo Soomaaliya ah ka soo muuqanya sida siyasiga Soomaaliyeed u damiir iyo damqasho beelay,dulina ugu yahay Itoobiya iyo kuwa xun ee soo duulay.