Taliyihii hore ee Sirdoonka DF-ka ayaa xubin ka ah Ururka Damul Jadiid ee talada haya wuxuu kasoo jeedaa Bariga gobolka Galguduud, waa shakhsi ay isku dhowyihiin Xasan Gurguurte heyb ahaan, 8 sanadood ka hor ayaa waxbarasho loogu diray wadanka Masar isagoo intii uu jaamacadda dhiganayay wajahayay cudurro dhanka dhimirka ah.
Tuuryare ayaa isagoo dhimirka la’ laga dhigay guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalbka sida bilo kadibna waxaa loo dallacsiiyay taliyaha Nabad sugidda.
Cabdi Raxmaan Tuuryare oo dadka yaqaan ay sheegaan in uu qabo cudurka waallida ayay xaaladdiisa caafimaad sii xumaatay markii amniyaatka Al Shabaab ay dagaal dhib badan lagaleen.
Col.Tuuryare ayaa darajo been abuur ah ka helay Xasan Gurguurte markii loo dallacsiiyay Jeneraal, waa shakhsi intii uu xilka hayay falal dambiyeedyo xanuun badan ka galay shacabka magaalada Muqdisho.
Wuxuu caan ku ahaa Tacdiibinta dhalinyarada isagoo marmarka qaar lacago baad ah ka qaadan jiray waalidiinta wiilashoodu ku xiranyihiin xabsiga godka jilacoow iyo xabsi ku dhax yaal xarunta madaxtooyada.
Cabdi Raxmaan Tuuryare wuxuu madax u ahaa koox burcad ah oo shacabka Muqdisho u yaqaanaan “Ashahaadda ladirir” halka warbaahinta Afka xukuumadda ku hadasha ay ugu yeerto “hay’adda Nabad sugidda qaranka”.
Maleeshiyaadka sida tooska ugu xiran Mareykanka ee Alpha Group ayaan toos u hoos tagi jirin Tuuryare.
Xasan Gurguurte ayaa wareegtada kasoo baxday u cuskaday xeerar uu qorayo dastuurka gacan ku sameyska ee u degsan DF-ka.
Isla wareegtada ayaa lagu sheegay in Gen:Gaafoow oo ah nin da’a ah oo daalan oo si KMG ah loogu magacaabay xilka taliyaha guud ee Nabad sugidda.
Weerarada is daba joogga ah ee ciidanka xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho ayaa loo aaneynayaa in shaqada laga eryo Cabdi Raxmaan Tuuryare.
Xarakada Al Shabaab waxay weeraradii ugu dambeeyay ku bartilmaameedsatay halbowlayaal muhiim ah sida Hoteellada SYL iyo Ambaasadoor oo lagu dilay xildhibaanno iyo Saraakiil muhiim u ahaa DF-ka.
Dilalka joogtada ah iyo qaraxyada lagu bartilmaameedsado mas’uuliyiinta Dowladda iyo dadka la shaqeeya ayaa noqday kuwa aan xisaab laheyn.
Khubarada dhanka ammaanka waxay aamisanyihiin in sirdoonka Shabaabul Mujaahidiin ay muquuniyeen sirdoonka DF-ka, taliska Tuuryare wuxuu ku guul darraystay in uu ka hortago weeraro waaweyn iyo shirqoollo abaabulan oo loo maleegayay madaxda DF-ka sida qaraxii diyaaradda Daalo.
Waxaa caawa dagaalo iyo qaraxyo ka socdaan qeybo ka mid ah Muqdisho waana howl weli hortaala Gurguurte iyo Gaafow oo daal badan ka muuqdo.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS