Maydadka ciidamdii Itoobiya ka dhintay Halgan (Hiiraan) oo la geeyay Addis Ababa.

XOG: Askar Itoobiya Kaga dhimatay Weerarkii Halgan Oo La Geeyay Addis Ababa “Tirada”

Xero ciidan oo ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa laga dejiyey Meydadka askar badan oo Itoobiyaan ah kuwaasi oo ku dhintay weerarkii 9-kii bishan ka dhacay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Xogta la helay  waxay sheegaysaa in halkaasi la geeyay 73 Meyd oo askarta Itoobiya ah ayna ku jiraan Haween.

Itoobiya  ayaa caan  ku ah  qarinta iyo caburinta saxaafada runta ka sheegta sida wax yihiin,laakin waxaa sidaa run ku noqonaya warkii ay sheegtay  Xarakada Alshabaab,waxaana been ku noqonaya warkii ay sheegeen kuwa kala hadlay sida Dowlada Federalka,Amisom, oo sheegay tiro kala duwan,meeshana ka saaray in Itoobiya ciidan ka dhintay dagaalkii taariikhda  dagaal ee Somalia iyo Itoobiya ee ka dhacay Halgan(Hiiraan)

Meydadkan ayaa lagu aasi doona qabuuraha ciidanka Itoobiya ee Addis Abba, waxaana aaskooda ka qeybgali doona mas’uuliyiin kala duwan.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS