Yuu ahaa Maxamed Cabdulle Xalane?
Maxamed Cabdulle Xalane wuxuu 1943-kii ku dhashay Ceelbuur, wuxuunna Xoogga Dalka ku biiray bishii Juun 20-keeddii 1960kii. Waxaa lagu dilay dagaalkii kowaad ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1964.
Jaalle Siyaad oo ka hadlaya taariikhda Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu yiri:
Aan ka taariikheeyo Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu ahaa nin askari ah oo Amxaaradu ku dishey Tog-wajaale; wuxuu ka mid ahaa horay joogtey; waxay ahayd koox ay cadowga is-hor fadhiyeen, waxaa dhacday in kooxdii la laayey; saddex qof keliya baa ka haray; meesha kooxdaasu joogtey oo ay go’doonka ku noqdeen waxay ahayd meeshii calanka Soomaaliyeed uu ku mudnaa; Maxamed Cabdulle Xalane markii raggii la baabi’yey oo ay ogaadeen in ayan meeshii hayn karin, inay colkoodii weynaa ku durkaan mooyee, ayuu wuxuu diidey calankii inuu meesha kaga tago. Markaas ayuu qaatay calankii oo xariggiisii soo degsaday si uus ula tago oo uusan gacan cadow ugu dhicin; Maxamed Cabdulle Xalane way arkayeen cadowgu, markaasay ku fureen boobe naftiisii gooyey; Maxamed isaga oo calankii ku duuban oo aan sii deynin ilaa ay nafta tii u dambeysey kabaxday ayuu la soo gurguurtey; naftiina waxay kaga baxday markuu calankii ku soo ridey godkii labaad; hadalkii markii naftii ka sii baxaysay uu reebay ee lama illoobaanka ah oo da’ walba da’da ka dambeysaa ay dhaxlidoonto wuxuu ahaa: CADDOWGU BIRLAB KAMA SAMAYSANA.
Maxamed wuxuu ku soo simay colkii si uusan calanku cadow gacantiisa u gelin. Inkastoo naftiisii uu waayey ceebtii waa ka soo hoyiyey calankiisii Maxamed. Xasuusta uu reebay darteed, maanta nin dhintay iyo nin nool, waa isaga keliya, nin lagu xasuustaa Billad Dahab ah Maxamed Cabdulle Xalane, tan iyo maanta dalkeenna; waxaa kaloo lagu xasuustaa Xiddigle-nimo uu ku qaatay dagaal geesinnimo ah; tan saddexaad oo lagu xasuustaa waxa lagu magacaabay Xarunta Tabbbarka Kacaanka; Xarunta Xalane.
In la idiin ka taariikheeyey mooyee xaaladdeenna iyo tan cadowgu sida ay kala ahaayeen (xagga tirada hubka iyo raashinka), cadowgaa gumeysi xoog badan dabada ku hayey ‘Soomaali in la baabi’yaana taladoodu ahayd. Kuweennu godkii ay galeen say ugu jireen baa dagaalku ku dhammaaday; saddex bilood baa korkooda ku go’day. Anigu waxaan shaahid ka ahay inaan nimankii dhalinyarada ahaa oo dharkii iyo dhidid dhawrkiiba ka dhammaadeen ugu tagay godkii; cunnadooduna bariid garcadde ah bay ahayd, dawadana daciif baan ka ahayn. Haddana uma ay suuragelin cadow dalka inuu cagta soo dhigo. Waad ogtihiin waanad maqasheen baan u malaynayaa kuwaa dhaawac ah oo xabbadi ku taal inay inta qorigoodii qaateen ka baxeen isbitaalka oo ay yiraahdeen kolleyba haddaan dhimanaynno, intaan sariir ku dhiman lahayn; aan goobta ku dhimanno oo dagaal ku galeen sidaas kuna biskoodeen; waana joogaan qaarkood haddeer.
Markii aan ugu tagay godadka oo aan iri qaarkood: “waryaa waa adiga qaawane sidee ugu adkaysanaysaa qorraxda iyo dhaxanta?”, waxay igu jawaabeen: “waxaa i illowsiiyey dhaxanta iyo qorraxda sharafkayga iyo waddankayga iyo immaankayga; ma xanuunsanayo: adaa moodey inaan xanuunsanayee ha ka biqin meeshayda laga soo geli mahayo iyadoon maydkayga laga tallaabsan”
Weligey illoobi mahayo hadalkaas inta adduunka noloshayda ka hartay.
English:
Who was Mohammed Abdulle Halane?
Maxamed Cabdulle Xalane, born in 1943 in Ceelbuur, joined the Somali Armed Forces on the 20th of June 1960. He was killed in the Somali-Ethio border dispute in 1964. The monument of the Tomb of the Unknown Soldier (Taallada Daljirka Dahsoon) was erected in honour of him and the countless unknown servicemen that died during these wars.
Late Somali President, Mohammed Siad Barre, speaking about his history, said:
Let me tell you the story about Maxamed Cabdulle Xalane; he was a Somali soldier, killed by the Ethiopians in Tog-Wajaale (a border town that seperates Ethiopia and the region of Somaliland). He was part of a Somali border guard squad. Once on a given night, they were attacked and killed; save three of them who dug in a trench near where the Somali flag was flying high. One of those three was Maxamed Cabdulle Xalane.
Once they knew that they could not hold of the advancing Ethiopian army, they collectively decided to retreat to a much safer location ’till reinforcements arrive. Maxamed Cabdulle Xalane quickly decided to remove the flag from the flagmast lest it falls in the hands of the enemy. Half-way whilst trying to lower the flag; the enemy spotted his action and sprayed him with machine-gun fire. Heavily wounded, he still managed to remove the flag, draping himself with it, and painfully crawling back to the trench where the rest of his compatriots were located. Unfortunately, he did not make it as he breathed his last after throwing the Somali flag in to the trench. His final words will be be rembered through the ages as he loudly uttered: “The enemy is not made of steel”.
Even though Maxamed lost his life; his action to safeguard his national flag will be remembered with a golden medal, and the official naming of this building (Military Training Centre) to Xalane Military Training Centre.
It is best to remember the situation at that time. Our enemy vastly outnumbered us in terms of weaponry and food supplies. They harassed our people and wished to exterminate us. Our soldiers, who were outnumbered, have shown steadfastness in the face of adversity. They never left their defence positions and were in aweful state physically. I painstakingly witnessed their suffering. Once on a given day ([during the war], I went to their trenches to check upon their state. They ate meagre portions of plain-cooked rice and had little to no medical supplies. Given their disadvantaged situation, they were still buoyant and still maintained a high level of morale and refused to let the enemy enter Somali soil.
I am sure you heard and already know that even the badly wounded ones, refused to sit idle. Instead, they left the hospitals, took their weapons and returned to the front-lines; with the mindset that if they are going to die, why not die in a battlefield instead on a hospital bed. They are still present amongst you [speaking to the public].
I remember asking them, whilst they were holed up inside the trenches: “Waryaa, you are barely clothed; how are you going to bear the heat of the sun or the nightly cold”, they replied: “What makes me forget the effects of the cold and the heat is my honour, my country [patriotism], and my faith [Islamic faith]. I am not sick and by the will of God will not be sick. You might think so but do not be afraid for the enemy will never capture this trench unless it is over my dead body.
I will truly never forget those words until my last day.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS