Amisom Waa Dibin-daabyada Ummada Soomaaliyeed.

FB_IMG_1466012606007

Ciidamada loogu magac daray nabad ilaalinta ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan Amisom (African mission for Somalia) waxa ay wadanka soomaliya soo galeen dabayaaqadii sanadkii 2007 iyaga oo markaas mabda’ooda lagu sheegayo inuu yahan nabad ilaalin oo kaliya iyo sugida madaxda qaranka iyo waliba waardiyaynta goobaha muhiimka ah ee ay kamid ka yihii madaxtooyada, xarunta barlamaanka, iyo airpotyada.

Hadaba iyada oo laga joogo tan iyo markii dalka ay yimaadeen mudo ku siman sagaal sano waxaad mooda in Ciidamada Amisom ay baal maraeen hawshii loo xil saaray ee ay markii horeba kusoo galeen dalka, Amisom waxaa ay ku dhex milmeen siyaasada dalka iyaga oo ka mid noqday dhibaatooyinka uu dalka ka dagi layahay, waxaa lagu ogaa nabad ilaalin waxay isu badaleen qas wadayaal iyagoo si badheedh ah u dila dadka shacabka ah ee aan waxba galabsanin, waxay ku kaceen falal aadanaha ka dhan ah sida kufsi iyo layn maato iyagoo si ula kac ah baaburtooda qufulani maalin walba ay dariiq yada ku jiidhaan dadka shacabka ah.

Waxaa ilaa hada aan cadayn xiliga ay ka baxayaan dalka Soomaaliya, awal hore hawl galkoodu waxaa uu ku koobnaa caasimada qaranka ee Muqdisho hadase waxaa ay ku baaheen badi gobolada dalka, waxaa ay isku hawleen in ay meelo nabdoon ka abaabulaan dagaalo iyo isku dhacyo cusub si mashruuca joogitaan ugu sii balaadho, mushaarka iyo tirada ciidankana loogu badiyo.

Waxa ay lacago farabadan ku helaan shaatiga soomaliyeed iyo in ay soomaliya u yihiin hiilo ugu soo gurmatay inay badbaadiyaan, majirto cid daba gasha ama la xisaabtanta shaqooyinka ay dalka ka hayaan waxaa ayna si madax banaan u fuliyaan hawl galo iyaga u gaar ah oo aan madaxda soomalidu la socon, waxaa ay ka qayb galaan shirarka caalamiga ah ee Soomalida loogu qabto daafaha caalamka si lamid ah maamulada dalka iyo madaxda dawlada dhexe.

Waxa ay heleen awood xad dhaaf ah iyagoo ku takri fala hantida ay magaca soomaliyeed ku helaan, waxaana la sheegaa in askari walba uu mushaar ahaan u qaato 1028$ doolar oo ay usii weheliyaan gunooyin, daryeel iyo waliba qalab casri ah oo ay ku gaashaaman yihiin oo yarayn kara khatartooda dhimasho iyo dhaawac, halka askariga soomaliyeed uu qaato mushaar ahaan 100$ dolar oo aan joogta ahayn, ma jirto wax daryeel oo u helo askariga soomaliyeed hadii uu ku dhaawacmo inta uu ku gudo jiro hawsha qaran.

Hadaba sidee suuro gal ku tahay dalka noocaas ahi inuu helo dawlad xoog leh oo xor ah hadiiba aanay jirin waxa gacanta ugu jira dadkii dawlaadaas loo dhisi lahaa, maxaase uu noqon kara dal siyaasad ahaan, maskax ahaan iyo ciidan ahaanba aan madax banaanayn ?

Hadiise ciidii ku haysatay ee ku gumaysanaysay aad magan uga tahay kana doonaysid xoriyad suuro gal ma tahay inaad xorowdo ?

Hamiga ah in Amisom soomaaliya xasiliso waa hungo iyo riyo maalmeed aan waxba ka soo naaso cadayn, xaqiiqaduna ma aha nabad ilaalin iyo sida la inoogu sheegayee balse waa mashruuc dibin daabyo oo aan lahayn meel uu ku dhamaado ilaa iyo in ujeedoyin dahsoon oo aanan ogayn lagu gaadho mooye, waa gumaysi dadban oo marmarka qaar ay soo daahirto damac yadiisa dahsoon.

Hadii aan xisaabino halka askari oo Amisomka ah wuxuu la muushaar yahay 10 askari oo Soomaliyeed, hadii askari walba oo Amisom ah uu mushaarkiisu yahay 1,028$ dolar tirada askartooduna tahay inta la hubo 22,000, walaal wadani bal waxaad isku dhufataa 1,028$ dolar iyo 22,000 askari ? Jawaabtu waxay noqon haysaa sidan hoose:

1,028×22,000 = 22,616,000 taas macnaheedu wuxuu yahay kharashka ku baxaa waa 22,616,000$ dolar calaa bil.

Qiyaas hadii lacagtaas lagu kharas gareeyo dhisida ciidan qaran oo Soomaliyeed oo askari walba uu si toos ah mushaar ahaan ugu qaato 100$ dollar, waxaa ay noqonaysaa in soomliya ay yeelato ciidan dhan 200,000 kun oo askari ayadoo askari walba uuu qaadanayo mushaar ahaan 113,08$ dollar.

Waxaa halkaas ka cad in meesha aysan jirin qaranimo Soomaliyeed oo la rabo in la dhiso, wax yeelo iyo lburburin mooye, wa’ayo Soomaliya oo dhan waxa ugu badnaan ku filan 30,000 oo askari oo soomaliyeed tababar fiicana qaba mushaar fiican qaata, marka hadii wadamada la magac baxay deeq bixiyayaal iyo beesha caalamka Ilaahay baa deeqda bixiyee waa inay ka dhex baxaan soomaliya iyo arimaheeda iyadaa dhisan ciidan tiro iyo tayo leh oo Soomali ah.

Guntii iyo gabagabadii waxaan kuso afmeeraya qormadan waa in umada Soomaaliyed ay u fahantaa in ciidamada shisheeye aysan inoogu iiman inay ina cawiyaan ama wax ina taraan oo inoo gargaaraan, ee wa mashruuc la inoogu talagalay oo an waligiis dhamaanaynin, marka waa in umada soomaaliyed ay saas u garataa una kacdaa sidii ay uga gashaaman lahayd dibin daabyada had iyo jeer lala daba socdo ee khatar ku ah jiritaankeena umadnimo iyo dawladnimaba.

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Liibanabdi29@gmail.com