Xukuumadda Asmara ayaa guulo waaweyn ka sheegatay dagaallo ay lagashay ciidanka dowladda Itoobiya ee dariska la ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Ereteria ayaa lagu sheegay in dagaal 12,June,2016 ka bilaawday deegaan xuduudeedka Tsorona uu sababay khasaara lixaad leh oo gaaray ciidanka Itoobiya.
Asmara waxay sheegtay in dagaalka ay lagashay ciidanka Itoobiya uu jawaab u ahaa daandaansi ka dhan ah dhulka Ereteria iyadoona Itoobiya ku eedaysay in weerar ballaaran ay dhankeeda kusoo qaadday.
Dowladda Ereteria waxay sheegtay in 200 askari Itoobiyaan ah ay ku dishay dagaalkii Tsorona islamarkaana 300 oo kale ay ka dhawaacday Itoobiya.
Wasaaradda warfaafinta xukuumadda Asmara ayaa ugu baaqday Itoobiya in ay joojiso daan daansiga haddii kale ay ciidankeedu sii wadi doonaan dagaalka.
Wasiirka warfaafinta Itoobiya ayaa laba maalmood ka hor sheegay in ciidan badan lagu dilay dagaal xuduudeedka labada dal dhaxmaray balse ma sheegin tirada rasmiga ah ee Itoobiya laga dilay.
Dhinaca kale waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa ugu baaqday labada dal ee dagaallamaya in si degdeg ah ay xabadda ku joojiyaan.
Itoobiya iyo Ereteria waxaa u dhaxeeya colaad soo jireen ah tan iyo markii Ereteria ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Itoobiya sanaddii 1994.
Liibaan Jeexoow Cabdi
Over 200 TPLF Army Soldiers KilledMore than 300 wounded.
16 June 2016 – The Sunday attack of June 12, 2016, launched through the TPLF regime on the Tsorona Front was quashed on Monday (13 June) morning entailing heavy losses to its troops.
TPLF troops were compelled to retreat to locations beyond from where they initially unleashed the attack.
In this reckless attack whose ultimate aim is difficult to comprehend, more than 200 TPLF troops have been killed and more than 300 wounded. These are conservative estimates.
Why did this callous bloodshed happen? And, for what purpose?
Those who have instigated this reckless act have attempted to provide the TPLF with political, media and diplomatic smoke-screen, both before and after the attack. They have also deceitfully tried to apportion equal blame to the aggressor and the victim. The Government of Eritrea will address these dimensions of the attack in subsequent statements.
Ministry of Information
Asmara
16 June 2016