Soomaaliya iyo Itoobiya Dagaalkii Dhex Marey Sanadkii 1977-kii Ciidamada Soomaaliya ee Dagaalka ku jirey ka Sakow Waxaa Dawladii Soomaaliya ay Hubeysay Jabhado Kasoo Hor Jeeday Dawladii Itoobiya oo ay ka Mid aheyd Jabhad Oromo Ah.
Sida ku qoran warbixinaha ka hadlaya dagaalkii cuslaa ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhex marey sanadkii 1977-kii Qorshihii ugu horreeyey ee ku saabsanaa dagaalkaas ayaa wuxuu dhacay bishii Nofember sannadkii 1975-kii, markaas oo Degmada Qoryooley Gobolka Shabeelaha Hoose lagu qabtey fadhi saddex maalmood socday oo ay ka soo qeyb-galeen rag gaaraya dhawr boqol oo nin oo degaanka soomaali galbeed ka yimid iyo qaar qowmiyada Oromada ka socday. Halkaas ayaa waxaa laysku tusiyey in liidashada ay dowladda Itoobiya liidatey xiligaas oo dhibaatooyin badan ay ka jireen ay suurta-gelineyso in haddii dagaal lagu qaado lagaga adkaanayo.
Dhowr maalmood dabadeed boqollaal rag ah ayaa waxaa la farey in ay xuduudda ka tallabaan, dabadeedna waajibaad la siiyey ay gudaha Itoobiya ka soo fuliyaan. Generaal Maxamed Nuur Galaal oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ayaa waqtigaas ciidankaas sii dhoweeyey oo wuxuu uga soo harey degmada Bar-daale ee Beydhabo iyo Luuq u dhexeysa. Hadalladuu ku sagootiyey waxaa kamid ahaa: Dowladdii soomaaliyeed iyo shacabkeedii, wixii ay idiin heli kareen waa ay idin siiyeen, wixii intaas dhaafsiisan waxaad ku leedihiin Itoobiya ee u doonta. Ciidamadii waxaa ay ka tallaabeen xuduudda koonfureed ee Itoobiya kuwaas oo sitey hub cusub.
Ciidamadaasi markey gudaha Itoobiya galeen waxaa ay isu qey-biyeen labo qeybood, waxaana ay kala aadeen Baali iyo Siidaamo. Qeyb ka mid ah ciidankaasi waxaa watey nin oromo ah oo la yiraahdo Ruube waxaana ay ka koobnaayeen 750 nin oo Awr u raran tahay. Ciidankaasi waxaa ay gaareen galbeedka gobolka Baali, halkaas oo ay labo kooxood isu qeybiyeen. Koox uu hoggaaminayey Ruube waxaa ay ku nagaadeen degmada Delo, kooxda kale oo uu hoggaaminayey nin la yiraahdo Siraaji Xaaji Isaaq Daadi waxaa ay aadeen dhanka waqooyiga iyo agagaarka degmada Ginir. Ruube intuusan Baali gaarin wuxuu farriin u diray nin la yiraahdo Waaqow Guuto oo howshan odey ka ahaa . Waaqow markiiba wuxuu ciidankii ku soo xoojiyay rag kale oo tababar ugu jiray xeryo Soomaaliya ku yiil. Ciidammada Siidaamo waxaa dusha ka heystay nin la yiraahdo Cabdullaahi Xaaji Xasan (Geri) kaas oo isagu ka mid ahaa raggii ku soo tababartay Waqooyiga Kuuriya.
Intii uu ciidankaasi dhexda sii socdey meelo dhowr ah ayey isaga hor yimaadeen ciidamadii dowladda Itoobiya, waxaana dhex marey dagaallo. Markii ay dagaaladaasi dhaceen, dowladdii Soomaaliyeed waxaa ay guddoonsatey in ay dagaalka ballaariso oo ay iska hormariso jabhado sita magacyo kala duwan oo ka dagaal gala gobollo kala duwan. Go?aankaasi waxuu ahaa kii sababey in ay dowladdu sameyso magacyadii jabhadaha dagaallamayey ay wateen oo kala ahaa (Western Somali Liberation Front W.S.L.F.) iyo (Somali Abo Liberation Front S.A.L.F.). Fadhi mar dambe loo qabtey W.S.L.F.buu Madaxweyne Siyaad Bare alaha u naxariistee wuxuu ku sheegay in ujeeddada uu magaca Abboo u bixiyey ay aheyd iyadoo laga rabey Oroma-da dhulka buuraleyda ah deggan in ay dagaalka ay Soomaalidu ku qaadeen Xabashida ay gacan ka geystaan, waayo Soomaali keligood kama ay dagaallami karaan Baali iyo Siidaamo haddii aysan Oromada gacan ka helin. Hadalkaa waxaa sheegey Duraan Axmad Xaashi oo fadhigaa goob joog ahaa. Jabhadda W.S.L.F. wuxuu magaceeda baxay bishii janaayo sanadkii 1976-kii mar fadhi lagu qabtay tuulada la yiraahdo Yaaq-bariweyn ee u dhow degmada Wanla weyn. Halkaas waxaa lagu doortey guddi uu magacaabay madaxweyne Maxamad Siyaad, waxaana ku ayiday rag isaga taageersanaa. Fadhiga isaga iyo saraakiil sare ee dowladdiisa ah ayaa maamulayey. Waxaa la doortey 25 xubnood oo ah gole dhexe, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 10 nin oo jaamacado ka oo qalin jebiyey, 5 ka mid ah waxaa ay wax ku soo barteen dalka Masar, waxaa kale oo ka mid ahaa hal qof oo haween ah. Ugu yaraan 3dex ka mid ah guddiga waxaa ay ku soo tababarteen dalka Waqooyiga Kuuriya. Intooda badan da?dooda aad bey uga yareyd in ay hoggaamiyaan halgan noocaas oo kale ah.
Xoghayaha guud ee golaha waxaa loo doortey Cabdullaahi Xasan Maxamad oo xilligaas shaqaale ka ahaa wasaarada waxbarashada Soomaaliya. Cabdullaahi wuxuu kormeere ka ahaa dugsigii sare ee Jamaal Cabdi Naasir ee Allaahida,Inkasta oo magacaabidda Cabdullaahi ay ka timid madaxweynaha, misana ninka taladeeda lahaa, sida la wariyey wuxuu ahaa Gaashaanle Sare Maxamuud Shiikh Yuusuf (waxuu ku dhintay diyaaraddii la dhacday jeneraal Cismaan Saalax). Uurdoox oo xabsiga ka soo baxay waxaa loo doortay ku xigeen. Fadhigu ma’aheyn mid ay dood ka furan-tahay.
Magaca ururka oo keliya ayaa laga doodey, mar dambena waxaa leysku raacey W.S.L.F. Fadhigaas waxaa leysku afgartey dhulka la yiraahdo Soomaali galbeed inta uu noqonayo. Waxaa la xadeeyay xuduuddii dhulka waxaana lagu heshiiyay sidatan : dhanka waqooyi wuxuu ku eg yahay webiga Hawaash, koonfurna degmada Feerfeer, dhanka bari degmada Ceelcad, gabeedkana degmada Mooyaale. Xilligaas wuxuu ahaa xilli aanan la?aasaa-sin weli jabhaddii oromada ee Abbo qeybteedii siyaasadda, inkasta oo ay ciidamadoodii howlgallo ku jireen. In badan oo ka mida dhulka fadhigan lagu xadeeyey waxaa lahaa reer Abbo.
Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii koowaad ee warbixintan la soco qeybta labaad Insha alah.
W/Q Abdullahi Nuur Colombo