Qurba-Joogta Soomaalida Oo Loogu Baaqay Inaysan Tikit Ka Iibsanin Diyaaradda Ethiopian Airlines

 

36393802

Iyadoo maalmo ka hor ciidamo Ethiopian ah dad badan ku xasuuqeen deegaanka Jaamac Dubad ee hoostago degmada Gaashaamo, arintaasi waxay dhalisay naceyb loo qabo Itoobiya iyo in dadka ku fakaraan inay naafeeyaan dhaqaalaha Itoobiya.

Muwaadiniin Soomaali ah oo abaabulan isla markaasina xambaarsan fariimo muujinaayo naceybka Itoobiya ayaa baraha bulshada ee Soomaalida ku wada xiriirto ka bilaabay olole loogu baaqaayo qurba-joogta Soomaalida inaysan tikit ka iibsannin shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines si loo muujiyo dhibaatada Itoobiyanka ka geysanayaan dhulka Soomaalida degto.

Sidoo kale, qolooyinkan wado Ololaha lagu naafeynaayo dhaqaalaha Itoobiya ayaa ugu baaqay Soomaalida dal-joogta ah inay joojiyaan iibsiga Qaadka Itoobiya iyo ganacsiga kale ee Itoobiya kala dhexeeyo.

Ma la oga sida uu u dhaqan geli doono ololahan cusub, waxaana laga yaabaa haddii uu u dhaqan galo sida la qorsheeyey in diyaaradda Ethiopian Airlines ay joojiso duulimaadyada ay ku timaado magaalada Hargeysa taasoo fursad weyn u noqon doonto shirkado kale oo maalin walbo duulimaad ku taga Hargeysa iyo dhamaan gayiga Soomaaliyeed.

Oday joogay xasuuqii Ka Dhacay Gaashamo Laguna Dhaawacay Oo Kawaramay Siday Wax U Dhacen

Cabdi iley waa Jaahil Aan waxna Qorin waxna Akhrin Ogaadeen Horay u dhameeyay

 

 

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS