Daba-Qoodhi Waa Nacas

 

36399280 (1)

Cabdi ilay iyo dhibaatada uu ku hayo shacabka Ogadeniya waxba kama badalayso geedi socodka halganka ay JWXO hormuudka ka tahay, sababtoo ah taariikhda shucuubtii soo halgantay ayaa tusaale inoogu filan, lama hayo gobanimadoon lagaga guulaystay daba-qoodhi, sababtoo ah, qofka gobanimadoonka ah wuxuu ku dagaalamayaa xaq iyo mabda’a sax ah, meesha uu midka daba-qoodhiga ah ku dagaalamayo guno la siiyay ama cabsi uu ka qabo inuu gumaysiga dhibaateeyo isaga iyo reerkiisa.

Hadaba waxaan bulshada wadaniyiinta ah waydiin hayaa su’aalahan hoose:-

1: Ma dhici kartaa in aan gumaysiga ka xorowno oon la mid noqono umadaha xorta ah isla markaana aynaan u marin wadadii ay u mareen shucuubtaa xorowday ?

2: Ma dhici kartaa inaan gumaysiga la dagaalano isla markaana aanay jirin dhibaato ay inoo gaysanayaan gumaysi kalkaalku ?

3: Ma dhici kartaa shacab gobanimadoon ah inuusan ka soo bixin qaar badanoo uu gumaysigu ku shaqaysto ?

4: Dhibaatada daba-qoodhiga Hawaarinta, bakhti-afuufka iyo kooxaha ushaqeeya cadawga ee shacabkeena gumaada, ma mid u gaar ahbaa shacabkeena mise waa mid ay soo wada mareen dhamaan shucuubtii soo halgantay ?

5: Haday tahay mid la soo wada maray siday uga soo gudbeen?

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

“Uskag iyo Qarmuun badan iyo ur iyo shiir xoog leh
Alle nimaan aqoon iyo Kufaar Eeyga cunabaa leh
Ayeydii inuu soo xiree alambaquu hooya
Xabashidana Uunsiga u shido Ina Ileeyaa leh”

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS