Ethiopia oo Hawada ka saartay Talafashinka Horn Cable Tv (HCTV)

pizap.com14665219889691

Thaicom 5 ka codsatay Xiritaanka Talafashinka HCTV.

Warqada ayaa u qorneyd Sida Tan”Madaxa xafiiska wasaarada Isgarsiinta, arrimaha dhaqanka iyo dalxiiska ee dawlada Kilalka shanaad ee Ethiopia Eng Idiris Ismaaciil Cabdi ayaa warqad uu u diray maamulka Sattelite-ka Thaicom 5 oo ah codsiga hawada laga saaray HCTV waxay ku sheegeen in HCTV ku yaalla deegaan aan shuruuc warbaahineed iyo kala dambayn shaqo saxaafadeed toona ka jirin oo ka tirsan dhulka dawlad iskeed isku magacawday oo ay uga jeedaan Soomaaliland .

Waxyana intaasi ku dareen in HCTV uu baahiyey warar ka dhacay gudaha Kilalka Shanaad ee Ethiopia kaasi oo qalalaase ku keeni kara xasiloonida deegaanadaasi intaasina waxay sababi kartaa ayey yidhaahdeen in xasuuq la mid ah kii Rwanda ka dhacay uu deegaanaasi ka qarxo..

Waxa warqadan lagu sheegay in wararka deegaanadaasi oo ah Gaashaamo inkasta oo aan magac ahaan loo xusin loo tabiyey wararkooda qaab ka baxsan anshaxa iyo xirfada saxafinimo ayna ka buuxeen eex waa sida warqada lagu sheegay.

Warqadan wasaarada ka soo baxday waxa kale oo lagu xusay in deegaanaasi oo nabad cago badan aan ku taagnaynin ka jirto uu HCTV warkiisu dhib u gaysan karo. waxayna intaasi ii raaciyeen inay cabasho HCTV ka dhan ah ay uga gudbiyeen dawlada Federaalka ee Soomaaliya balse may xusin jawaabta ay ka soo bisay Soomaaliya.

Waxa warqada oo ku qoran luuqada Ingiriisa lagu soo gaba-gabeyey inay ismaamulka kilalka shanaad uu rajaynayo in tallaabo deg-deg ah uu Thaicom 5 ka qaadi doono HCTV.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS