WARBIXIN:-Jeneraal Gabre oo Go’aamo Kasoo Saari Doono Shirka Hoggaamiyaasha Soomaalida Uga Furmay Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay maanta waxaa ka furmay shir loogu magac daray ‘Shirka madasha wadatashiga’, shirkan waxaa laysugu keenaya dhammaan hoggaamiyaasha dabadhilifyada Soomaalida.

Shirka Baydhabo ayaa waxbadan ka bedelan shirarkii waqtiga looga dhammaynayay hoggaamiyaasha dabadhilifyada ee horay uga dhacay Muqdisho,Kismaayo iyo Garoowe.

Jeneraal Gabre madaxa sirdoonka melleteriga Itoobiya ee Soomaaliya ayaa madasha shirka ku sugan isaga ayaa ugu dambeyntii gaari doono go’aanka shirka.

Sida muuqata kuwa sheegta mas’uuliyiinta ee Xasan Gurguurte ugu horreeyo waxaa laga saxiixi doonaan qoraal ah in ay u hoggaansanyihiin awaamirta beesha Caalamka.

Madasha shirka lagu qabanayo oo ah baydhabo waxaa ammaankeeda gacanta ku haya ciidanka Xabashida Itoobiya, dowladda Itoobiyana waa midda leh qaraarka kama dambeysta ah ee sida laga yeelayo soomaaliya.

Sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha Itoobiyaanka shirka Baydhabo waxaa lagasoo saari doonaa ajandaha kama dambeysta ah ee ku aaddan qabashada doorasho madaxweyne oo Soomaaliya ka dhacda.

gabre_kismayo
(Gabre isaga ayaa ah xaakimka dhabta ah ee soomaaliya)

Jeneraal Gabre ayaa marka ay ismari waayaan Hoggaamiyaasha Soomaalida dabadhilifyada isagoo garaaran bistooladiisa uu caan ku yahay wuxuu si qasab ah ugu amraa madaxweynayaasha Soomaaliya in ay saxiixaan oo ay ogolaadaan waxa loo yeeriyo.

Warbaahinta Soomaalida kuwooda jiha wareerinta ku caanbaxay ayaa magac iyo sumcad wanaagsan u yeela dabadhilifyada gabre ku shaqeysto sida iyagoo ku hadaaqa “shirka madasha wadatashiga oo Hoggaamiyaasha Soomaaliyeed go’aamo kasoo saareen”!.

Xaqiiqda ayaa ah in uusan jirin wax go’aan ah oo ay gaareen camiillada Soomaalida, Axmed Madoobe oo madax u ah maamulka Kismaayo ayaa ah Ninka ugu roon oo isagoo beenloow ah marmarka qaar run sheega.

Shir bilo ka hor Muqdisho ka dhacay ayaa markii laysku mari waayay amar lagusiiyay Xasan Gurguurte iyo saaxibadiis in ay saxaafadda lahadlaan oo ay sheegaan in la heshiiyay markaas ayuu Axmed Madoobe yiri “annaga waan heshiin weynay waana naloo taliyay,beesha caalamka ayaa maamulka soomaaliya la wareegaysa”.

Liibaan Jeexoow Cabdi