Ciidamada Eritrea oo Loo Dhaqaajiyay Furimaha Hore ee Dagaalka.

Kumanaan ciidamada kala duwan ee dalka Eritrea ah ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay u dhaqaaqay Jiidaha hore ee dagaalka sida ay xaqiijiyeen warbaahinta dalka Eritrea.

Ciidamadan oo ka kala baxay daafaha dalka iyo magaalooyinka waawayn ayaa saacadihii lasoo dhaafay marayay Jidadka, iyaga oo ku wajahan deegaamada dhaca xadka dalkaasi uu lawadaago dalka Itobiya halkaasi oo Woyanuhu in muda ah ku aruurinayay ciidamo tira badan.

Ciidamadan oo wata Gaadiidka Gaashaaman iyo Gawaadhida xamuulka ayaa magaala kaste iyo Tuulo kaste oo ay maraan waxaa si diiran ugu soo dhowaynayay shacabka oo ku faraxsan difaaca dalkooda oo maamulka Woyanuhu daan daansi joogta ah kuhayo.

Xaalada deegaamada dhaca xadka ayaa waxaa ka aloosan xiisad colaadeed waxayna dhowaan dawlada Eritrea kadigtay dagaal lamida ama ka cuslus kii 2000-inuu mar kale kadhex bilawdo Labada dal ee colaada Gaamurtay kadhexasyso, waxayna Eritrea ku Hanjabtay inay cashar u dhigi doonto ciidamada Woyanaha ee kusoo Gardaroonaya dalkooda.

Isu Hub iyo ciidan aruursiga Labada dhinac ayaa u muuqda mid gaadhay Heerkii ugu dambeeyay waxaana halis ah hadii xaalku sidan sii ahaado in si fudud dagaal lagu Hoobto uu Labada dhinac kadhex Qarxo.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS