Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Cabdiwali Gaas Ee Puntland iyo Kuwa Cabdi Samad Gallan ayaa ka qarxay deegaan ku dhaw Magaalada Carmo ee Gobalka Bari.

hqdefault (1)

Dagaalka ayaa aad uxoogan waxaana ka qayb qaadanaya gawaarida Dagaalka ee Labada Dhinac.

Warar ayaa sheegaya in khasaaro xoogan uu durba sababay dagaalka oo noqonaya midkii ugu horreeyay ee dhaxmara maleeshiyaadka maamulka Puntland iyo kuwa dagaal Ooge Cabdi Samad.

 Dagaalka ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Cabdisamad Gallan Gudoomiyihii Hore Gobalka Barri uu soo gaaray Magaalada Carmo isagoo wata Ciidamo aad u hubaysan.

Waxa uu dagaalka sidoo kale kusoo aadayaa xili Hoggaamiyaha Puntland uu ku maqanyahay Magaalada Baydhabo halkaasi oo uu shir kaga qeybgalayo.

Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa laga mamnuucay tabin wararka ku aadan dhaq dhaqaaqyada uu Gobalka ka wado Cabdi Samad Gallan.