Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sare u qaadday gumeysiga ay ku heyso Shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah kadib markii ay qabsadeen magaalooyin iyo gobollo istiraatiiji ah.
Ninka sida dadban umaamula Soomaaliya Jeneral Gabre ayaa markale xusul duub ugu jira sidii uu maamul midaysan ugu yagleeli lahaa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan maalmo ka hor waxaa gaaray saraakiil Itoobiyaan ah oo Addis Ababa loogasoo xil saaray maamul usameynta gobollada Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya ayaa tagay Beled Weyne si uu maamul udhisidda qeyb uga noqdo
Jeneraal Gabre iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya ayaa Ugaaska Beesha Xawaadle amar kusiiyay in ay ogolaadaan amarka Itoobiya oo ay iska xaadiriyaan shir ka dhici doono magaalada Jowhar.
Gabre ayaa lafilayaa in uusoo gaba gabeeyo diidmadii salaadiinta Beesha Xawaadle ee ku aadaneed ka qeybgalka shirarka maamulka loogu dhisayo labada gobol.
Marka ay siyaasadda iskumari waayaan siyaasiyiinta DF-ka waxaa garta kala gooya Jeneraal Gabre xaakimka dhabta ah ee Soomaaliya.
Jenaral Gabre oo si toos ah amar usiinaya Ugaaska beesha Xawaadle
Muuqaal lagasoo duubay madasha shirku ka dhacayay ee magaalada Beled Weyne waxaa kasoo muuqanayay Gabre iyo Max’med Cabdi Afeey oo ah madaxa IGAD ee Soomaaliya sidoo kale waxaa madasha ku sugnaa Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya.
Xasan Gurguurte ayaa horay ugu fashilmay iyo kuwa sheegta Dhaqanka Hiiraan uu ku qanciyo ka qeyb galka shirka magaalada Jowhar balse Gabre ayaa hadda muruqiisa u isticmaalaya siyaasadda dabadhilifnimada ku dhisan ee Soomaaliya.
Hoos ka Daawo Saraakiisha Itoobiya ee Beled Weyne u tagay Maamul dhisidda.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS