Sheekh Aaden-Sune Oo Weli Hargeysa ku Xiran & Suldaan Suugaan Ku Cabiray Tacadiga Lagu Hayo Sheekha

pizap.com14668528743441

Bil ku dhawaad waxa magaaladda Hargeysa xabsi ku yaalla ku jira Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aaden-Sunne) oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Hargeysa.

Sheekha oo goor habeenimo ah gurigiisa  ay ugu galeen ciidamada boolisku ayaa ilaa iminka xukuumaddu cadaynin waxa sababay xadhigiisa, hasayeeshee waxa uu ka mid yahay laguna bartay khudbadihiisa in uu kaga hadlo wadci iyo waxyaabaha ku cusub  gayiga Soomaaliyeed.

Inkasta oo dhawr jeer loo balanqaaday eheladiisa in la soo dayn doono isla markaana uu madaxweynuhu amar ku siiyay taliyaha booliska iyo wasiirka arrimaha gudaha in ay ooda ka qaadaan, hadana lama oga waxa ku sii hakiyay xabsiga

Hadaba caaqil deeq cabdilaahi oo ka mid ah cuqaasha somaliland ayaa suugaan ku cabiray xadhiga sheekha iyo  tacadiga loo geysto culimada

“Bulshayey damani
Xadhigii dulmiya
Lama daawadee
Miyad diir naxdan
Away danabyadii
Diintiyo xaqaba
U difaaca haa
Cabdi waxid doon
Iyo aadan diric
Shekhii dalkaba
Diinta u hayee
Dacada u ahaa
Geesigii dulmiga
U hor diidi jiray
Iyo dhaqanka daran
Iyo ducufka gaal
Markuu soo dangalo
Waxaan looba diran
Sheekhii dubaha
La dul joogi jiray
Yaa jeel u diray
Hadii aan dawada
Degdeg loogu helin
Dabarkiyo xadhkaa
Degdeg looga jarin
Waa inoo dagaal”

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS