Suldaan Maxamed Garyare oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Alfurqaan ayaa ugu horeyn faaqiday waxa ka dhalan kara Go’aanka Britain ay kaga baxday midowga Yurub.
Waxa uu sharaxaad ka bixiyay waxa ka dhaxeeya oo ay ku midoobeen dalalka ku jira Midowga Yurub.
Marka lagu dhawaaqay aftida Dadweynaha Britain ay kaga baxeen Midowga Yurub waxaa dalkaas laga dareemay qalqal dhaqaale.
Midowga Yurub waxa uu qeyb ka jaray lacagta ku baxda Amisom Waxaana Ingariiska qeyb ka ahaa dalalka maalgaliya Ciidamada Amisom.
“Gudahooda ayaanan dhaqaalo jirin oo iyagii ayaa isku barakacay, maanta ajandaha ah in afrikaan soomaaliya jooga dhaqaallo la siiyo meesha wey ka baxday waana fadli usoo hoyday muslimiinta”ayuu Garyare hadalkiisa raaciyay
Ingariiska waxa uu kamid yahay dalalka isbahaysiga ku ah gaashaanbuurta Nato.
Hadaba sideeyba Nato usaameyn kartaa qaraarka britan ku gaartay inaysan kasii mid ahaan Midowga Yurub”?
Arimahaasi oo dhan waxaa wareysi dheer kala yeelanay Siyaasiga Suldaan Garyare oo ku sugan dalka dibadiisa.