Dhacdadaan oo si weyn looga hadal haayo Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka dhacday Isgoyska Ex –Kontarool Afgooye.
“Marxuumka la dilay waxa uu watay Mootada 3 Lugooleyda ah ee Bajaajta loo yaqaan 2 Askari ayaa Joojisay oo ka dalbaday 2 Dollar baad ah isaguna waxa uu sheegay in uu hayo 1 Dollar kadibna mid ka mid ah Askartii ay rasaas ooda uga qaaday” sidaas waxaa yiri qof goob jooge ahaa.
Waxaa joogta iska ah dhibka lagu shacabka Soomaaliyeed ay ku hayaan Maleeshiyo beeleedka dowladda federaalka,Maleeshiyaadkan ayaa ah kuwa dhaqan xun arxana daran,waxaana loo tababaray inay shacabka dhibaan,waxaana intooda badan soo tababaray ITOOBIYA,KENYA IYO UGANDA.
Ma jiro qof ka tirsan dowlada oo ka hadlay dhibka lagu hayo shacabka Soomaliyeed,wax loo qabta iska daaye.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS