AQRI SIYAASADDA QARAN EE (Genderka)

36438790 (1)

HOOS KA AQRI DUKUMENTIGA PDF AH

ATTACH_FA66D8-1BEE21-437274-3DF229-4CDB31-518571 (2)

WAXAA SOO DIYAARISEY

WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA XUQUUQDA AADANAHA

2016

JAMHUURIYADDA FEDERALKA SOOMAALIYA

HORUDHAC……………………………………………………………………….3

Masuuliyadda Wasaaradda Haweenka & Horumarinta X.Aadanah

SHARCIYADA SIYAASADDA ………………………………………………….3

1.3. Dhaqanka Bulshada …………………………………………………………….4

1.4. Xaalka Naafada dagaalkii Sokeeye ka dib ……………………………………4

1.5. Xogaha…………………………………………………………………………….4

1.6. Qiimeynt Xaalada Dalka ……………………………………………………….5

       1.6.1. Fursadaha jira …………………………………………………………….6

       1.6.2. Caqabadaha ……………………………………………………………….7

2.0. Ujeedadda Hageysa Siyaasadan …………………………………………….…7

2.1. Hadafka, Ujeedada, Himilada iyo Mabaadi’da hageysa siyaasadan ………7

2.2. Ujeedada ………………………………………………………………………….7

2.3. Himilooyinka Siyaasadda Genderka Qaranka …………………………………..7

2.4. Mabaa’dida hagaya Siyaasadda ………………………………………………8

        Sinnaanta Genderka ……………………………………………………………….8

        Maamul Wanaaga iyo Dimuqraadiyadda ……………………………………8

        Ku Dhaqanka Sharciga …………………………………………………………8

        Isoo Dhaweynta Farqiga u dhaxeeya Genderka ………………………………..8

3.0. Qorhaha fulinta Siyaasadda ……………………………………………………9

4.0. Arrimaha ahmiyadaha gaarka ah leh …………………………………………9

4.1. Genderka iyo Kobcinta Dhaqaalaha ………………………………………………9

      Qorshaha Fulinta …………………………………………………………………9

4.2. Genderka iyo Caafimaadka …………………………………………………………9

4.3. Genderka iyo Waxbarashada ………………………………………………………10

4.4. Genderka iyo kaqeybgalka Siyaasadda ……………………………………………11

5.0. Doorka iyo Waajibaadka Hey’adaha  …………………………………………12

6.0. Kormeerka iyo Qiimeynt ……………………………………………………….14

6.1. Tusayaasha Qiimeynta Guud ………………………………………………..14

7.0. Xiliga loogu talagalay hirgelinta Siyaasadda Genderka Qaranka ……………15

8.0 Gaba-gabo iyo Gunaanad………………………………………………………………1

 ARAR

Siyaasadan waxaa saldhig u ah iyo marjac loo noqdo Dimoqoraadiyadda , heshiisyada caalamiga ah iyo shuruucda dalka u yaala.

HORUDHAC

Maasuuliyada Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya waa mashiinka qaranka ee kor u qaadista sinaanta Genderka iyo awoodsiinta Haweenka Soomaaliyeed, sameynta, horumarinta iyo dhaqangalinta siyaasadaha iyo shuruucda lagu dhowrayo xuquuqda Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed, waxaana markii ugu horeysey la aasaasay sanadkii 2002 xiligaasoo dalka uu yeeshay dowlad ku meel gaar ah.

Howlaha Balaaran ee Wasaarada waxaa ka mid ah

  1. Kor u qaadista iyo taabagalinta sinaanta Ragga iyo Dumarka
  2. Awoodsiinta Haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda dalka ,guurka iyo furiinka.
  3. Daryeelka iyo hirgalinta barnaamijyada lagu taageerayo agoonta iyo carruurta nugul.
  4. Horumarinta Haweenka ganacsatada ah iyadoo loo marayo u abuurida haweenka ganacsiyo yar yar.
  5. Horumarinta, iyo hirgalinta Siyaasadaha iyo Shuruucda lagu dhowrayo xuquuqda Haweenka iyo Caruurta.
  6. U qareemida ansixinta Axdiyada caalamiga ah ee mamnuucaya xadgudubyada haweeenka loo geysto.
  7. Horumarinta Barnaamijyada wacyigalinta ah ee looga hortagayo tacadiyada dumarka iyo carruurta loogeysto Qoysaska saboolka ah.
  8. U ololeynta iyo horumarinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
  9. Xoriyad siinta guurka Jinsiyadda Rag iyo dumar sida isguursiga laba isku jinsiya.
  10. Xoriyad siinta bulshadda iyo in laga fogaado xukunadda Diiniga sida in qof dhagax lagu dilo marka uu la galmoodo qof uusan shareecadda Islaamka ku qabin.
  11. Xoriyad siin haweeneeyda laga dhinto ama la furo iney guursan karto ninka iyadoo la gelin curaar waqti [cudo]
  12. In Xarumaha Waxbarashadda lagu soo siyaadiyo maadooyin la xiriira wacyigelinta galmadda.
  13. In goobaha bulshadda sida Hoteladda loo ogolaado Cinjirka galmadda si looga hortago cuduradda halista ah ee Galmadda laga qaado sida HIV Aids.

 

  • In Masuuliyadda Caruurta lagala wareegi karo Aabaha gaar ahaan tan gabdhaha si ay uga badbaadaan gudniinka fircooniga iyo nin qasab loogu daro.

Hadabba, sameynta siyaasada Genderka ee heer qaran waxay ku soo aadey xili ay Soomaaliya ka soo baxdey in ka badan labaatan sano oo dagaalo sokeeye la soo maray kuwaasoo bur-buriyey qaab dhismeedkii bulshada haddey noqon laheyd mid dhaqan, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.

Dhaddiga iyo laboodka colaadu waxay u saameysey siyaabo kala duwan,inkastoo ay labaduba waayeen daryeelkii qaranka kaasoo horseedey burburka naf iyo maal farbadan. Waxaa muhiim ah in la tilmaamo colaadu in ay meesha ka saartey qiimihiii ay lahaayeen Ragga Soomaaliyeed, hase yeeshee, taasi kama saamaxeeyso in ay dayacaan doorkii ay ku laahaayeen bulshada.

Inkastoo dumarka Soomaaliyeed ay colaadu si daran u saameysey ragga laftiisu kama nabad gelin lakiin dumarka waxaa u dheeraa in ay la kulmeen dhibaatooyin dhinaca xuquuqul aadanaha ah sidda xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

inkastoo ay colaaduhu si ba’an u saameeyeen dumarka hadana haweenka Soomaliyeed waxa ay muujiyeen karti iyo adkeysi badan.Tussaale ahaan waxay noqdeen kuwa masaruufa qoysaskooda taasoo ah mas’uuliyad dheeraad ah oo dumarka soo food saartey si ay u badbaadiyaan jiilka soo koraya. Siddaas oo ay tahay waa la cadaadiyaa dumarka qeybna kuma lahan go’aamada lagama marmaanka ah ee looga arinsado arimaha dalka iyo dadka.

Colaadu waxay kaloo meesha ka saartey horumarkii laga sameeyey dhinacyada waxbarashada,caafimaadka, cadaaladda iyo shaqaaleynta, dagaalka sokeeye ka hor waxeyna sababtey isku dheeli tir la’aan xuquuqdii Allah siiyey labka iyo dheddiga. In laga hadlo isu dheelitir la’aanta xuquuqda labka iyo dheddigu waxa ay muhiim u tahay soo kabashada iyo horumarka nabad waarta.

Xiliyadii dhawaa waxa ay Soomaaliya ku talaabsatey horumar la taaban karo marka laga eego dhanka amaanka, waxbarashada, siyaasada cusub ee furfuran iyo kaalmooyin laga helay beesha caalamka kuwaas oo horseedey fursado siyaasadeed iyo kuwa dhaqan dhaqaaleba.

SHARCIYADA SIYAASADDA:

Bina’aadamka Allaah ayaa karaameeyey siiyayna xuquuq lama taabtaan ah. Sidoo kale dastuurka federaalka ee ku meel gaarka ah waxuu siinayaa labka iyo dhedigga xuquuq siman. Lakiin ma jiro hab farsamo oo diyaar ah kaa soo xaqiijinaaya xuquuqaha ku xusan dastuurka federaaalka ee ku meel gaarka ah.

Waxaa lagama maarmaan ah in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay saxiixdo dhamaan sharuucaha caalimga ah iyo kuwa heer gobol sida kan ciribtirka hayb sooca ka dhanka ah haweenka (CEDAW),heshiiska xuquuqul insaanka Afrika (ACHPR) heshiiskii xuquuqda dadka iyo haweenka 2003 ( the Mabuto pratocol), heshiiskii Solemn ee sinaanta labka iyo dhedigga ee Afrika (SDGEA), heshiiskii ka hortaga cadaadiska iyo faraxumeynta ka dhanka ah haweenka iyo caruurta , mabaa’didii talaabooyinka Beijing iyo qaraaradii qaramada midoobey oo tirsigoodu ahaa 1325 iyo 1820.

Siyaasadan waxaa lansixinayaa iyadoo axdiga ciribtirka hayb sooca ka dhanka ah Jaweenka (CEDAW) taasoo la magacaabey gudi ay u dhanyihiin dhamaan agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha xukuumada federaalka Soomaaliyeed kuwaasoo muhiim u ah u ololeynaytan ansixinta dowladda iyo fulinteedaba.

Sidaasi si lamid ah, dowlada Soomaaliyaga oo masuul uga ah sameynta siyaasadaha iyo sharuucda lagu dhowrayo xuquuqda haweenka iyo caruurta ayaa dhameystirtey Sharciga mamnuucaya tacadiga Genderka kaasoo horyaala golaha wasiirada xukuumada federaalka si loo ansixiyo, wuxuuna sharciyaasi wax ka qaban doonaan tacadiyada Genderka sida kufsiga oo ah tacadi ka dhanka ah xuquuqda Haweenka iyo Carruurta, mudadii khilaafka wadanka ka jiray noqdey mid saameyn weyn ku yeesha haweenka Soomaaliyeed.

Ula jeedada laga leeyahay siyaasadda Genderka ee heer qaran (NGP) waa sidii ay hay’adaha dowladdu ay si dhab ah ugu hirgelin lahaayeen dhamaan heshiisyada caalimga ah oo la xiriira Genderka.

1.3. Dhaqanka Bulshada:

Qaab dhismeedka bulsho ee Soomaaliya waxaa laf dhabar u ah qabiilka oo ay hormuud ka yihiin raggu. Colaadu waxey dhidibada u sii adkaysay qaab dhismeedkii bulsho ee qabyaaladeysnaa kasoo hayb soocaayey haweenka dhiirina gelinaayey sinaan la ‘aanta xuquuqda dhediga iyo labka. Qaab dhismmedkan ku saleysan qabyaaladu wuxuu hoos u dhigayaa qiimaha dumarka wuxuuna ka hor joogsanyaa ka qeyb qaadashada go’aamada wax ku ool ka ah . Waxaa intaa u dheer haweenka iyo gabdhaha saameynta ay ku yeeshaan caadooyinka foosha xun oo ay ka mid yihiin gudniinka fircooniga ah, guurka gabdhaha aan qaan gaarin iyo guurka qasabka ah.

Gudniinka fircooniga ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay wadamada aadka looga isticmaalo ayaa dowlada Soomaaliya golaheeda wasiiradda faderaal ay meelmariyeen bishii December 2015 siyaasadda qaran ee ka hortaga gudniinka fircooniga kaasoo ay soo diyaarisey wasaaradda Haweenka iyo Horumarina Xuquuqda Aadanaha oo markii hore u soo diyarisey qaab ahaa guud ahaan baabi’inta gudniinka gabdhaha hase ahaatee ay xukuumadu ugu dambeyntii ugu codeysey meelmarintiisa baabi’inta gudniinka fircooniga iyagoo baneeyey gudniinka suniga sida ay ku ansixiyeen siyaasada qaranee gudniinka gabdhaha. Dowlada Soomaaliya waxaa waajib ku ah in siyaasadda qaran ee gudniinka gabdhaha ay dib u eegis ku sameyso si ay u mamnuucdo dhamaan nuucyada gudniinka.

Caadooyinka faquuqaaya haweenka waa kuwo kusaleysan dhaqan oo aan diin meelna ka soo gelin maadaama ay ka horjoogasanyaan haweenka iyo gabdhaha fursadaha waxbarshada, caafimaadka, shaqada iyo ka qeyb galka siyaasadda. Waxeyna siyaasadan dhiirigalineysaa sidii looga gudbi lahaa dhaqankan qabiilka ku saleysan baabi’intiisa wuxuuna fursad siin doonaan Haweenka Soomaaliyeed iney raga kala mid noqdaasn dhinacyada go’aan gaarista.

1.4 Xaalka naafada dagaalkii sokeeye ka dib

Qasaaraha ugu weyn ee laga dhaxley dagaladdii sokeeye ayaa waxaa kor u kacay tirada naafada oo isugu jirta rag iyo dumar wiilal iyo gabdho kuwaas oo u baahan xanaano gaar ah. Lakiin nasiib darada kaloo jirta waxey tahay in bulshada Soomaliyeed aaney u dabacsaneyn naafada siddaa daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in dowlada federaalka Soomaliya ay daboosho baahida gaar ahaaneed ee naafada iyadoo la qaadayo talaabooyinka ku haboon si wax looga qabto. iyadoo la raacayo dastuurka federaalka iyo sharuucaha kale ee u yaala. Waxaa soo dhaweyn mudan in dhawaan golaha xumuumadu ay ansixiyeen siyaasadda naafada ee heer qaran, iyadoo haatana la wado sharcigii lagu dhowrayey xuquuqda naafada Soomaaliyeed, waxaa kaloo jira dadaalo ay wado wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda aadanaha xukuumada federaalka Soomaaliyeed oo ah  barnaamijyo wacyigalin ah oo lagu dhowrayo xuquuqda naafada Soomaaliyeed iyo sidoo kale abuurista barnaamijyada horumarinta waxbarasho iyadoo loo furayo goobo waxbarasho oo u dhameystiran wax alla wixii qalab ahaa oo naafo loogu talagalaey si ay u helaan waxbarasho tayo leh oo ay dalka iyo dadkaba uga faaiideyn karaan iyagana unoqoneyso shaqo abuur. Mudooyinkan dameb naafada waxa ay sameysteen ururo u ololeynaya iney helaan baahiyaha aasaasiga ah kuwaasooku xiran hay’adaha dowlada una suurtagalisey dowlada iney la socdaan baahiyaha gaar ah ka ay ku haminayaan in laga caabiyo, waxaa jira dad naafa ah oo ku haminaya iney shaqeystaan oo waliba goobaha dadweynaha caadiga ah kula wadaagaan shaqada, iyo sidoo kale loo tixgaliyo naafada ka qeybgalka siyaasada gaar ahaan dhinacyada ay awooda uleeyihiin iney wax ka qabtaan.

Siyaasadan Genderka waxa ay xoojineysaa in dadka naafada ah rag iyo dumar u sinaadaan ka qeyb qaadashada go’aamada siyaasada muhiimad gaar ahna loo arko naafada.

1.5 Xogaha

Dalka kama jirto xog laysku haleyn karo oo ku saabsan arimaha la xiriira Genderka. Maadama gobolada qaar aysan ku xooganeeyn awooda dowlada, taasoo keeneysa in xogaha sida loogu talagalay loo helo, Sidaa daraadeed waxaa jira dadaal ay dowladu wado taasoo ah xog lagu ogaanayo xaalada gender ee dalka ka jirta sida hab raac lagu soo ururiyo xog dhab ah oo kala duwan oo ku aadan xadgudubka iyo faraxumeynta haweenaka iyo gabdhaha meel kasta ay joogaan miyi iyo magaalaba, baahida aasaasiga ah ay qabaan Genderka .

Dowlada si ay u taabagaliso la dagaalanka tacadiyada Genderka ku salaeysan waxa ay sameysay sharciga mamnuucaya tacadiga Genderka (sexual offence bill) kaasoo horumar ficil leh ka sameynaynayo ka hortaga iyo ka jawaabida tacadiyada Genderka oo ay ku jirto faraxumeynta lagula kaco haweenka iyo gabdhaha. wuxuu sharcigan horyaalaa golaha wasiirada iyadoo dhaqangalintiisa la bilaabayo sanadkan 2016.

Xogta noocaas ahi waxey ka saacideysaa masuuliyiinta dowlada in ay fahmaan arimaha u garka ah ee ku taxaluqa Genderka si ay ula yimaadaan siyaasado cadcad iyo barnaamijyo waxa looga qabanaayo arimahaas.

1.6 Qiimeynta Xaalada Dalka

1.6.1 Fursadaha Jira

  • Dalku wuu ka soo baxey ku meel gaarkii waxuuna leeyahay hada xukuumad iyo dowlad rasmi ah.
  • Amniga dalka oo soo hagaagaya
  • Xukuumada hadda jirta oo diyaar u ah in ay horumariso sinaanta xuquuqda Genderka.
  • Haweenka oo qeyb ka ah golayaasha sare ee dowlada sida xukuumada, baarlamaanka iyo gudiyada qaranka kuwaasoo u heelan in la yagleelo lana hirgeliyo siyaasada Genderka.
  • Dastuurka federaalka ku meel gaarka ah oo dhabaha u xaaraya in la helo sinaanta xuquuqda Genderka
  • Madaxda sare oo fahamsan cawaaqib xumada ka dhalan karta xadgudubka ka dhanka ah haweenka diyaarna u ah in ay wax ka qabtaan
  • Ururada bulshada oo tayo fiican leh qaasatan kuwa ay hormuudka ka yahiin haweenku diyaarna u ah in ay qeyb libaax ka qaataan hergilinta siyaasad Genderka.
  • Beesha caalamka oo diyaar la ah gacan wax ku ool ah sameynta iyo hergleinta siyaasad qaran oo la xiriita Genderka (NGP)
  • Xiriirka Wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo wadamada deriska ah wuxuu fursad u siinayaa dadkeena in ay wax ka bartaan waaya aragnimada dalalka deriska.
  • Fahamka bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan qiimaha waxbarashadu u leedahay gabadha oo kor usoo kacaya. Kaasoo horseedi doona sinnaanta waxbarashada ee gabdhaha iyo wiilasha

1.6.2 Caqabadaha:

Wax ka qabashada sinnaan la’aanta xuquuqda labka iyo dhediga waa lagama maarmaan si loo gaaro dib u soo kabasho, nabad iyo horumar waara xiliga colaada -ka dib. In kasta oo ay fursado jiraan haddana waxaa jira caqabado badan oo u baahan in laga gudbo si loo gaaro sinaanshaha Genderka ee Soomaaliya colaada-kadib. Caqabadaha ugu waaweyn waa kuwa soosocda:

  • Ma jiro dhaqangalintay Qorshaha qaran ee ka hortaga iyo baabi’inta xadgudubyada ku salaeysan Genderka.
  • Ma jiro erey bixin Af-Soomaali ah oo dhiiri gelaneysa isku dheeli tirida xuquuqaha Genderka.
  • Dhaqanka Soomaalida oo u arka haweenka inaaney laheyn karti hogaamineed oo ay ku xukumi karaan dalka iyo dadka.
  • Ma jiro dhaqan-galinta hab raaca ay isticmalaan hay’daha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheynba sida: (siyaasado, qorshayaal iyo hagitaan) oo ku wajahan isku dheeli tirka xuququda Genderka haddey noqon laheyd dhanka dowladda xukuumada iyo shacabka
  • Nidaamka qabiilliga ah oo hortaagan in ay ku yeeshaan haweenku door wax ku ool ah go’aamada muhiimka ah
  • Hogaamiye dhaqameedka oo ka soo horjeeda in ay haweenka qeyb ka qaataan siyaasada.
  • Ma jiraan hay’ado Genderka ka shaqeeya oo tayo leh mana jiraan xarumo hoggaamiya cilmi baaris ku saabsan arrimaha Genderka
  • Wacyigelin la’aan iyo fahmi daro ka jirta bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda in dib u soo kabashada iyo horumarka dalka lagu gaari karo isku dheeli tirka xuquuqda Genderka
  • Xirfadleyda Soomaalida ee arimaha Genderka oo yar tasoo keeneysa in aan wax laga qabanin sinnaan la’aanta Genderka
  • Ma jiraan sharuuc u gaar ah oo wax ka qabata sinnaan la’aanta Genderka iyo horumarinta sinnaanta Genderka. Hadaba si kor loogu qaado sinaanta Genderka iyo awoodsiinta Genderka waxaa si degdeg ah loogu baahan yahay shuruuc munaasib ku ah arimah la xariira Genderka.
  • Dad badan ayaa si qaldan diinta u cuskada si ay u horistaagaan haweenka in ay qeyb ka qaataan siyaasadda iyo go’aamada muhiimka ah
  • Haweenka oo ay ku yar yahiin inta leh xirfad shaqo iyo aqoon ay ku qabtaan hogaanka iyo shaqooyinka sare
  • Shaqaalaha caafiamadka, waxbrashada iyo macalimiinta oo aad u yar.
  • Ma jirto dhaqaale iyo kaalmo lagu dhiiri gelinayo waxbarashada gabdhaha.
  • Kaabayaasha dhaqaalaha oo burbursan iyo la’aanta gaadiid isaga goosha magaalooyinka iyo deeganada ku xeeran ayaa waxuu saameyn ku yeeshey wax soosaarka haweenka iyo suuq geynta ganacsigooda.
  • Ma jiraan taakulayn dhaqaale sida deymo yaryar oo maaliyadeed kuwaasoo horumarinaaya dhaqaalaha haweenka lafdhabarta u ah (micro-credit)
  • La’aanta xog faahfaahsan tasoo horseedeysa in la waayo cid u dooda xuquuqda Genderka iyo qorsheynta, hirgelinta arimaha xasaasiga ah ee la xiriira Genderka
  • Dumarka qaarkood oo aqbalay in aaney door ku laheyn hogaanka.
  • Bulshada oo ka horjeeda in uu isbedel ku yimaado xiriirka ka dhaxeeya Genderka iyo doorka mas’uuliaydooda
  • Faham  la’aanta  doorka  muhiimka  ah  ee  haweenka  ka  qaadan karaan dhanka wax soo saarka iyo taranka bulshada Soomaliyeed
  • Dhallinyarda dhalatay  xilligii colaaddaha  ka dib  oo badankooda

ah kuwa aad u nugul

  • Saboolnima xad dhaaf ah iyo amniga oon laysku halyn karin.
  • Tirada wax qorta oo aad u yar iyo shaqo la’aan baahsan
  • Sababaha asalka u ah tacaddiyada ku saleeysan Genderka oo la fahamsaneyn iyo doorarka kooban ee dhanka wax ka qabashada tacaddiyada ku saleeysan Genderka ku dhaca haweenka, gabdhaha iyo wiilasha
  • Ma jirto xirfad iyo aqoon ku wejahan dhiraandhirinta qorsheynta iyo hirgelinta arimaha quseysa Genderka haddey noqon laheyd xukuumad, shacab iyo bulshada rayidka ahba.
  • Caqabadaha ka jira dhanka arimaha bulshada dhaqaalaha iyo dhaqanka waxey xadidaan fursadaha iyo adeegyada ay heli lahaayeen haweenka iyo gabdhaha.
  • Ma jiro hab lagu kormeero ama lagu qiimeeyo ee siyaasadaha iyo barnaamijyada ay fulliyaan xukuumadda iyo hay’adaha aan dowliga aheyn.
  • Ujeedadda hagaysa dukumentiga siyaasaddan
  • Hadafka, ujeedada, himilada iyo mabaadi’da hageysa siyaasadan

Hadafka siyaasaddan waa mid horseedaysa u xaq soorida Genderka taabagelinayna horumar bulsho oo la taaban karo. Iyadoo la xaqiijinayo in ay jirto qiimeyn sax ah oo muujineysa doorka ragga iyo dumarkuba ay ku leeyahiin dib u dhiska horumarinta qaranka colaadii sokeeye ka dib.

2.2 Ujeedada

Ujeedada siyaasadan waa in la hirgeliyo hanaan hogaamiya sameynta sharuuc, siyaasaddo iyo barnaamijyo suurta geliya u xaq soorida iyo u sinaanta fursadaha ee ragga iyo haweenka dhamaan nolasha qeybaheeda kala duwan.

2.3 Himilooyinka Siyaasadda Genderka Qaranka

Himillooyinka siyaasaddani ay hiigsaneyso waxaa ka mid ah:

  • in ay ka cirib tirto bulshada Soomaaliyeed kala faquuqa Genderka
  • In ay hoos u dhigto sinaan la’aanta xuquuqaha Genderka ee u dhaxeeya ragga iyo dumarka, wiilasha iyo gabdhaha si loo gaaro nolol lagu naaloodo oo waarta .
  • In loo ololeeyo siddii loo heli lahaa faham buuxa oo laxiriira arimaha Genderka loona horumarin lahaa xuquuqul aadanaha ee Genderka sidda diinta islaamku qabto.
  • In kor loo qaado ka qeyb galka haweenka ee ku aadan go’aamada muhiimka ah dhamaan nolosha qeybaheeda kala duwan.
  • In la diyaariyo tilmaamo muujinaya qorshayaal cadcad iyo hirgelin dhab ah oo lagu xoojinayo haweenka.
  • Waa in lagula xisaabtamo dowladda mas’uuliyadeeda ku aadan hirgelnita xuquuqda Genderka, kor u qaadida fekerka ay bulshadu kahaysato xuquuqaha Genderka lana helo habdhaqan-bulsho oo kaa ka bedelen si loo gaaro sinaan iyo cadaalad.

2.4 Mabaa’dida hagaya siyaasadan

Siyaasadda Genderka Qaranka waxa hagi doona:

  • Shareecada islaamka,dastuurka KMG ah iyo sharuucada caalamiga ah ee xuquuqul aadanaha
  • Xuquuqda haweenka waxey ka mid tahay xuquuqul aadanaha Talaabo kasta oo la qaadaya waxaa hagaya xaqsoor iyo cadaalad
  • Genderku waa in ay u sinaadaan qeyraadka dalka iyo fursadaha shaqo,waxbarasho caafimaad iyo ka qeybgalka siyaasadda dalka iwm.
  • Dhiiragalinta iyo kobcinta awooda dhaqaale ee haweenka
  • Xaqiijinta tallabooyin waxku’ool ah oo lagu hubinaayo u sinaanta fursadaha.
  • In laga dhabeeyo sidii lagu ciribtiri lahaa faquuqa laxiriira siyaasada,shuruucda iyo dhaqankaba.
  • Heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya ay qaybta ka tahay ama saxiixday.

Sinaanta Genderka

Sinnaanta macnaheedu waxa weeye in aysan jirin takoorid ku salaysan Genderka qofka  iyo In la hubiyo u hogaansanka mabda’a sinnaanta xaquuqda Genderka ee u dhexeeya ragga iyo dumarka, gabdhaha iyo wiilasha ee ku aadan xuquuqdooda, sinaanta fursadaha iyo xuquuqaha kale ee dastuuriga ah ee qoondeynta kheyraadka iyo helitaanka fursadaha waxbarashada, caafimaadka, shaqada iyo cadaalada.

Maamul wanaaga iyo Dimuqraadiyadda

Maamul wanaagu wuxuu yeelan karaa qeybo badan sida mid shaqsiyadeed oo reer qura ku kooban ama mid wadareed sida maamulida bulsho weyl leh deegaan iyo dal u gaar ah sida daleena  Soomaaliya, qofka ama dadka wax maamulaya waa iney leeyihiin damiir wanaagsan, dareen Allah ka cabsi ah, khibrad maamul aqoon diineed iyo tu maadi oo heersare ah waana iney u dheertahay dareen iyo garasho for oo wadaninimo, sidaa darteed waa in maanka lagu hayaa aragtida kuwajahan isla xisaabtanka, hufnaanta iyo tixgelinta Genderka marka la qorshaynaayo lana fulinaayo barnaamijyada iyo mashaariicda.

Kudhaqanka Sharciga

Dastuurka federaalka ku meelgaarka ah iyo shuruucda kale ee dalka u yaalaa waxay si qoto dheer u hubin doonaan sinnaanta Genderka iyo u sinaanta fursadaha ee ragga iyo dumarka, wiilasha iyo gabdhaha, siyaasadana waxa ay dhiiri galineysaa u hogaansamida Dastuurka Kumeelgaarka ah iyo shuruuucda kale ee dalka u yaala.

Isasoo dhoweynta farqiga u dhexeeya Genderka

Si laysugusoo dhoweeyo farqiga u dhexeeya Genderka waxaa laga maarmaan ah in la ambaqaado talaabooyin lagu hirgelinaayo ka miradhalinta sharciyada dastuuriga ah dhamaan arimha laxiriira horumarka.

3.0 Qorshaha Fulinta Siyaasadda

Si loo gaaro hadafka iyo himilooyinka siyaasdan waxa laqaadi doonaa talaabiyinka soosocda:

  • In lasmeeyo wacyigalin ku saabsan arrimaha Genderka si taas loo gaarana waa in la faafiyaa nuqul kooban oo siyaasadan ah si kor loogu qaado wacyigaalinta.
  • In la dhiso guddi u xilsaaran isku duwidda iyo kor kala socoshada arimaha Genderka.
  • In lasameeyo hab xog gudbineed lagu qiimeeynaayo lagulana soconaayo arimaha khuseeya Genderka kadibna xogta lasoo ururiyey loogu gudbiyo gudiga.
  • In loo magcaabo uqaybsaneyaal dhamaan hay’adaha dowlada ee heer federaal iyo heer dowlad goboleedba kuwaasoo u xilsaaran arimaha Genderka si fulinta iyo hirgelinta barnaamijyada ku aadan Genderka ayu  noqdaan kuwo wax ku’ool ah.
  • In lasmeeyo golaha daneeyayaasha si loo fududeeyo wada tashi, dib u eegis iyo warbixin joogta ah oo ku saabsan hirgelinta siyaasadda.
  • In lasoo saaro habraac hagaaya miisaaniyad ku suntan ka jawaabida baahiyaha Genderka.
  • In lasameeyo cilmi-baaris iyo diiwaangelin ku wajahan arimha Genderka si ay qayb uga noqoto siyaasaddaha iyo barnaamijyada Genderka loogu talagalay.
  • In la dhaqan geliyo dhamaan heshiisyada caalamiga ah iyo kuwa heer gobol iyo aaladaha kor uqaadaya horumarinta Genderka.

4.0 Arimaha ahmiyadaha Gaarka ah leh

Arimaha khuseeya Genderka oo mudan in wax laga qabto waa tayeynta dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo ka qaybgalka siyaasadda. Mas’uuliyadda hirgelinta arimahaani waxay saaran tahay wasaaradaha xukuumada federaalka, hay’adaha kale ee dowlada, dawladaha hoose, bulshada rayidka ah iyo shacabkaba.

4.1 Genderka iyo Kobcinta Dhaqaalaha

Qorshaha fulinta

Si loo gaaro ama loogu helo adeeg caafimaad oo asaasi ah dhamaan ragga , dumarka, wiilasha iyo gabdhaha oo ay naafadu ku jirto waxaa la isticmaali doonaa qorsheyaasha soo socda:

Si loo gaaro koboc dhaqaale oo wax tar u leh labka iyo dhedigaba xataa kuwooda naafada ah waxaa la qaadi doonaa talaabooyinka soo socda:

  • waxaa kor loo qaadi doonaa tirada haweenka ee shaqeya iyadoo lala kaashanayo gudiga shaqaalaha raiydka ah, waxaa siddoo kale wax laga qaban doonaa cabashooyinka haweenka ganacsatada ah iyadoo loo maraayo rugta ganacsiga.
  • waxaa la abuuri doonaa sanduuq dhaqaale oo gacan ka geysta maalgelinta gacsiyada yaryar ee hweenka.
  • Waxaa la sameyn doonaa habraac lagu ogaanayao waxna looga qabanayo baahida dhaqaale ee ka jirta deegaananda ka baxsan magaalooyinka oo haysata raga iyo dumarkaba
  • Waxaa la abuuri doonaa fursado lagu hormarinaayo dhaqaalaha degaanada ka baxsan magaalooyinka kasoo looga golleeyahay in lagu dhimo faqriga laguna xadado in ay dadka ka soo barakacaan deeganadooda rag iyo dumarba.
  • Si loo dhiiri geliyo haweenka waxaa la sameyn doonaa qoondo-shaqaaleyn gaarahaan xilalaka sarsare oo go’aan qaadashada leh hadey noqon laheyd hay’adaha dowlada iyo kuwa aan dowliga aheynba.
  • Waxa la sameyn doonaa kormeer Goob-shaqo si loo ogaado tirada haweenka iyo ragga ee laga shaqaaleysiiyey hay’ adaha dowlada iyo kuwa aan dowliga aheynba..
  • Waxaa la abuuri doonaa barnaamijyo iyo tababaro lagu kobcinaayo xirfaddaha ganacsiga iyo shaqada oo loogu tala galey haweenka iyo raga oo ay ku jiraan kuwa naafada ah.

4.2 Genderka iyo Caafimaadka

Sidda laga soo  xigtey  hay’adda caafimaadka aduunka (WHO) caafimaadku ma ahan maqnaanshaha cudurka oo kaliya ee waa hab nololeed saameeya maskaxda, jirka iyo daryeelka bulshada.

Qorshe Fulineed:

  • Dhammeystirka iyo dhaqan gelinta siyaasadda Caafimaadka Qaranka ee ku saleeysan xaquuqda Genderka
  • In loo fududueeyo bulshada adeega daryeelka caafimaadka aasaasiga ah
  • In la siiyo shaqaalaha caafimaadka tababaro la xiriira muhiimada Genderka
  • In la horumariyo lana wacyigeliyo qodobada adeegyada taranka caafimaadka ee dhalinyarada, haweenka iyo ragga ay ku jiraan kuwa naafada ah.
  • In la sameeyo kaabayaal caafimaad oo qalabeysan gaarsiisana degaanada ka baxsan magaalooyinka.
  • In la sameeyo qorsheyaal lagu ciribtiraayo caadooyinka xunxun sidda gudniinka fircooniga ah iwm.
  • In la joogteeyo lana qiimeeyo heerarka caafimaadka iyo saameynta ay ku leeyihiin Genderka
  • In lagu baraarujiyo shaqaalaha bixiya adeega caafimaadka iyo kuwa dejiya siyaasadda caafimaadka in ay maanka ku hayaan arimaha la xiriira Genderka marka ay qorsheynayaan iyo marka ay fulinayaan adeega caafimaadkaba.
  • In dalka oo dhan lagu balaariyo adeegyada daryeelka caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka si ay u yarato heerka dhimashada dhalaanka iy hooyada
  • In la fududeeyo hab raac quseeya dhiirigelinta iyo daryeelka taas oo loogu talagaley in kor loogu qaado  iyo xafidida shaqaalaha caafimaadka.
  • In si siman u helaan ragga iyo dumarkuba macluumaadka la xiriira ka hortaga HIV / AIDS iyo daaweynta dadka cudurkaas qaba
  • In la horumariyo maareynta kiisaska la xiriira ku xadgudubka Genderka (GBV)
  • Horumarinta xuquuqda naafada rag iyo dumarba wiilal iyo gabdho lana hubiyo in ay helaan daryeel caafimaad iyo adeegyada kale oo mhuiimka ah.

4.3 Genderka iyo Waxbarashada

Si loo gaaro ama loogu helo adeeg waxbarasho dhamaan ragga , dumarka wiilasha iyo gabdhaha oo ay naafadu ku jirto waxaa la isticmaali doonaa qorshe yaasha soo socda :

Qorshe Fulineed:

  • Naqshadaynta iyo fulinta barnaamijyada si helida waxbarashada aasaasiga ah ee gabdhaha iyo wiilasha loo hormariyo iyada oo xoogga la saarayo qorista iyo daryeelida gabdhaha ku jira iskuulada.
  • In la dhiiri geliyo in wiilasha iyo gabdhuhuba ay si lacag la’aan ah ku helaan waxbarashada asaasiga ah .
  • Si loo helo waxbarsho nacfi leh waxaa lagama maarmaan ah in kor loo qaado tayada waxbarashada.
  • In la fududeeyo horumarinta manhaj waxbarasho oo mideysan kaasoo ka turjumaya muhiimda uu leeyahay xuquuqda Genderka,nabada iyo amniga.
  • in la sameeyo hab waxbarasho oo rasmi ah iyo mid aan rasmi ahayn ee loogu talagalay dumarka iyo ragga, isla markaasna la kormeero saameyntooda.
  • Dhisida iskuulaad iyo xarumo daryeela wiilasha iyo gabdhaha oo ay ku jiraan kuwa naafada ah.
  • Genderka iyo ka qaybgalka siyaasadda

Siyaasadda Genderka waxa ay qeexaysaa in qof walba oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay in uu ka qeyb galo siyaasadda dalka iyo go’aan ka qaadashadeeda.

Waxeyna si gooni ah ugu adkeynaysaa in ka qeybgalka dumarka dhinacyada go’aan qaadashada loola simo ragga.

Waxey sidoo kale adkeyneysaa siyaasadan in ka qeybgalka Haweenka siyaasada dalka heer degmo, heer maamul-goboleed iyo heer federal in haweenka qoondahooda ah 30% ay waajib tahay in laga siiyo, islamrkaana lagu xuso dastuurka qabyada ah ee dalku leeyahay.

Qorshe Fulineed:

  • In la sameeyo habraac sahlaya siddi ay dumarka iyo ragguba si sinaan iyo cadaalad ku dheehan tahay uga qeyb geli lahayeen siyaasada hadey noqon laheyd mid heer, degmo, gobol iyo mid heer federaalba.
  • In loo ololeeyo sidii ay dumarka uga heli lahayeen koota 30% heer gobol iyo mid heer federaal hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheynba.
  • In la wacyi geliyo madax dhaqmeedka, culumada, waxgaradka iyo bulshada inteeda kale in ay muhiim tahay in dumarka ka qeyb galaan siyaasadda iyo go’aankeeda
  • In la sameeyo sharci tilmaamaya xoojinayana hay’adaha ammaanka iyo caddaaladda si ay u horumariyaan sinnaanta Genderka.
  • In la taageero tayeynta hay’adaha gudiga xuquuqul insanka ee madax banaan.
  • In lasameeyo qorshe xoojinaya hay’adaha dowlada si ay ugu bixiyaan adeegyada asaasigaa sisiman.
  • In loo fududeeyo sharci dejiyaaysha goloha shacabka sidii ay ku samayn lahaayeen sharci katurjumaaya baahida Genderka.
  • In gacan laga geysto tayaynta hay’adaha warbaahinta sidii ay usoo gudbin lahaayeen warbixinada xasaasigaa ee laxiriira Genderka.

5.0 Doorka iyo Waajibaadka hay’adaha.

Hay’addaha

Doorka iyo Waajibaadka

Waxbarashada

Baarlamaanka

Dejinta Sharciyada laxiriira waxbarshada

Wasaarada Waxbarashada

  • Curinta  iyo  fulinta  barnaamijyo  lagu  horumirinaayo sidii gabdhaha iyo wiilshaba ku helilahaayeen waxbarashada asaasiga ah.
  • In fursadaha waxbarsho ay u sinaadaan lamka iyo dhadiga
  • In qoysaska marka ay caruurtooda ay wax barayaan ay fursada wadaajiyaan caruurtooda wiil iyo gabarba ayaga oo aanan u fiiran wiil iyo gabarba.
  • In sharci ama qasab laga dhigo waxbarashada gabdhaha ilaa dugsi sare.
  • In lagu daro arimaha khuseeya Genderka manhajka waxbarashada ee waxbarashada asaasiga ah iyo kuwa sareba.

Ka Qeybgalka Siyaasadda

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

  • In la taageero wacyigalinta dadweynaha si ay u aqbalaan sinaanta, Fursadaha, Xaquuqda Genderka iyo dhaqan wanaaga goobaha shaqada.
  • in nidaam qeybsiga koonta ah 30% lagu badalo qeybsiga kuraasta heer degmo ilaa federaal
  • u doodidda  xilalka aan doorasho ku imaan ee magacaabista ah haweenka laga siiyo qeybta ay ku leyahiin.
  • In dumarka loo abuuro fursada shaqo abuur ah oo maadaama ay yihiin kuwa qeybta ugu weyn ka qaato korinta carruurta iyo quudinta qoysaska In dumarka ay qeyb weyn ka noqdaan marka laga tashanayo awooda horumarinta dhaqaaalaha ee dalka

Awooda Dhaqaalaha

Wasaaradda Maaliyadda Wasaaradda Qorsheynta

Wasaarada Ganacsiga Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha

  • in la ururiyo loona qoondeeyo dhaqaale loogu tala galay arimaha la xiriira Genderka
  • In la ogaado dhaqaalaha gudaha ee kusoo xerooda xisaabta sanduuqa qaranka doorka ay ku leyahiin ragga iyo dumarka.
  • In la sameeyo cilmi-baris qaybta miisaaniyadda waaxyaheeda kala duwan ee la xirrirta Genderka
  • In la hubiyo maalgelinta siyaasaddeed ee la sameeyey faa’iidooyinka ay ka heleen ragga iyo dumarku

 Caafimaadka

Wasaaradda

Caafimaadka iyo Adeega bulshada

  • In la sameeyo hab ku haboon bixinta adeegyada caafimaadka oo dhan
  • In la sameeyo qaab ku haboon horumarinta caafimaadka taranka lana yareeyo umul raaca iyo dayaca ay ku dhimanayaan dhalaanka.
  • In miisaaniyadda dowladda lagu daraa miisaaniyad gaar ah oo lagu daryeelayo haweenka, carruurta, dhalinyaradda,  iyo waayeelka oo ka madax banana mida guud.
  • In shaqaalaha caafimaadka qeybaha ugu badan ay ka mid noqdaan haweenka.

Hubin

Baarlamaanka

 Wasaaradda Cadaalada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

  • In la dhaqan geliyo Shuruucda la xiriira arrimaha Genderka
  • In la sameeyo habraac lagu kormeeri karo sinnaanta xuquuqda Genderka iyo usinaanshaha fursadaha
  • In la hubiyo sharciyada la xiriira Genderka in aaney faquuqeyn qeyb ka mid ah Genderka
  • In la abuuro jawi saamaxaaya hirgelinta Siyaasaddan
  • In lagu dadaalo sidii lagu heli lahaa jawi nabadeed iyo        caddaalad si  ragga iyo dumarkaba ugu naaloodaan nolo qiimo iyo sharaf leh

6.0 Tayayn

Waa muhiim in lahelo tababaro iyo aqoon kororsi ku jaan go’an siyaasada iyo meelmarinta go’aamada ku wajahan horumarinta Genderka Qaran. Tababarka waa in la gaarsiiyo bulshada qaybaheeda kala duwan waana inuu noqdo mid si qoto dheer u gudbiya fariinta sinaanta jisiga iyo dhamaan wax yaaba xooga lagu saarayo arimaha Genderka Soomaaliya.

7.0 Maalgelinta

Masuuliyadda maalgelineed ee dhaqangalinta Siyaasada Genderka Qaran ee Soomaaliya waxa ay saaran tahay  dhamaan hay’adaha  dawladda federaalka  Soomaaliyeed.Tani waxay muhiim u tahay gaaritaanka hadafka guud ee ay xambaarsantahay Siyaasada Qaran ee Genderka.

Sidaas daraadeed  waa in dawladdu ku qancisaa ganacsatad, hay’adaha samafalka  sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen waajibaadka ka saaran horumarinta bulshada ayna uga qeybqaadan lahaayeen maalgelinta mashaariicda lagu horumarintayo arimaha Genderka Soomaaliya.

Waxeyna Dawladdu la kaashan doontaa  ururada bulshada rayidka ee fuliya hawlaha lagu horumarinayo sinaanta Genderka iyo dhowrista xuquuqda Aadaha  u qareemida barnaamijyo ballaaran oo lagu xoojinayo barashada arimaha Genderka, u sinaanta Ragga iyo Dumarka adeegyada caafimaadka, waxbarashada, Ganacsiga, shaqaaleysiinta, iyo ka qeyb-galka siyaasada rag iyo dumarba si siman

8.0 Kormeer iyo Qiimeyn:

Arimaha gendergu waxey ku dhex jiraan dhamaan qaybaha khuseeya horumarka nolosha aadanaha.Sidaa daraadeed qiimeynta horumarka lagu talaabsadey iyo saameynta hirgelinta arimaha la xirrira sinaanta xuquuqda Genderka waa mas’uuliyad saaran dhincyada ku howlan horumarka bini’aadamka. Hase yeeshee waxaa si gaar ah mas’uuliyadi uga saaran tahay gudiga Genderka oo ay hogaamiso wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka oo ku hamineysa in siyaasadani ay horseedo xiririinta kormeerka iyo qiimeynta siyaasadda Genderka qaranka taas oo aan ka baxsaneyn habraaca qiimeynta iyo kormeerka ee dowlada. Guddigu waxuu ka shaqeyn doonaa lana socon doonaa kormeerista Genderka ee waxayaha iyo hay’adaha kale,waxaa jiri doona in la qaabeeyo tuseyaal muujinaya natiijada ka soo baxda qiimeynta. Waxaa kaloo dib u eegis lagu sameyn doona hirgelinta siyaasaddan iyadoo la racayo qorshe fullineed xilile/waqtile ah.

6.1 Tuseyaasha qiimeynta guud:

Tusseyaasha soo socda waxey xog ku kordhin doonaan kormeerka iyo qiimeynta siyaasaddan

  • Qiyaasta ragga iyo dumarka ka shaqeeya hay’adaha dowliga ah, kuwa aan dowliga aheyn iyo kuwa gaarka loo leeyahay
  • Tirada heshiisyada,siyasadaha, sharciyada,qorsheyaal fulineed ayay hirgeliyeen hay’adaha dowlada, ururada rayidka iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
  • Olololayaasha iyo wacyigelinta la sameeyey ee ku aadan horumarinta sinaanta Genderka iyo sida ragga iyo dumarkaba uga qeyb qaateen
  • Tirada culumada iyo hogaamiye dhaqameedka taageerey sinaanta xuquuqda ragga iyo dumarka sidda diinta islaamka qabto
  • Tirada isbedelada la xiriira Genderka oo ay soo rogeen ayna dhaqan geliyeen ha’adaha dowlada
  • Qiyaasta haweenka ka howlgala hay’adaha amniga iyo nidaamka cadaalada
  • Tirada hay’adaha dowlada ee ay u diiwaan gashan yahiin xog ku aadan qeybaha Genderka
  • Tirada waaxyaha Genderka ee hay’adaha dowlada iyo kuwa gaar loo leeyahay heerka maaliyadeed ee hay’adaha dowlada ay u qoondeeyeen arimaha la xiriira Genderka
  • Gudiga xuquuqul insaanka ee madax banaan oo la sameyey shaqeynayana
  • Heerka uu gaarsiisan yahay warbixnada khuseeya haweenka iyo gabdhaha ee laga sii daayo warbaahinta
  • Tirada warbaahinta ee tixgelisa arimaha la xiriira jinisiga kuna darta warbixinohooda.

7.0 Xiliga loogu tala galay hirgelinta siyaasadda Genderka qaranka

  • Xiliga loogu tala galay in lagu hirgeliyo siyaasadan waa inta u dhaxeysa 2016 iyo 2021
  • 2022 waxaa la sameyn doonaa qiimeyn dhexe
  • 2025 waxaa la sameyn doon qiimeyn kama danbeys ah

8.0 Gaba-gabo iyo Gunaanad

Ugu horeyn waxaan u mahad celinayna Allah Subxaana Watacaalaa oo inoo saamaxay in aan diyaarino siyaasaddan oo muhiim u ah bulsha weynta Soomaaliyeed wax ku oolna u leh in ay daraaseeyaan Siyaasada Qaran ee Genderka

Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa dhamaan dadka gacantaka geystay diyaarinta, xog-uriirinta iyo dhemeystirka siyaasaddan.

F.G: Wixii fikrad; talo iyo tusaalaba waxaad noogu soodiri kartaa ciwaanka hoos kuxusan:

ministry@mwfw.gov.so

Dhamaad