DHAGEYSO:-Fadeexadii iyo Fidnadii Dowladda Federaalka

Golaha wasiirada e dowlada Federaalka ayaa ansixiyay waxay ugu yeereen (Siyaasadda Qaran ee Jinsiga(Gender)2016).
Siyaasadda Qaran ee Jinsiga(Gender)2016 ayaa la xariirtta qowmu luudnimo iyo fidno loo soo qaaday ummada Soomaaliyeed.
Waxay ahayd  arin qarsoodi  ah oo la dhuumanayay laakiin ALAHA weyn ayaa kashifay kuwan xun.
Horey ayaa waxaa looga hayaa xildhibaan ka tirsan Dowllada Federaalka inow yiri “Waa horumar la gaaray in laba nin is guursadaan” Daahir Amin Jesow.

Wasaarada Haweenka& Horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxay soo saartay waxay ku magacaabeen ( siyaasadda Qaran ee Jinsiga(Gender) 2016),taasoo ay ansixiyeen Golaha wasiiradu bishii May 2016,

hadaba kadib markii ay akhriyeen culumadu siyaasadaas waxay ku arkeen waxyaabo badan oo khaladadaad ah oo aanu halkan idiin ku soo gudbinayno:

1.Siyaasadaasi waxay dalbanaysaa in la ansixiyo hishiisyada caalamiga ah ee dumarka sida CEDAW 1979 , goaanadii bakiin 1995 iyo shirkii qaahira1994….iwm, kuwaas oo khilaafsan shareecada islaamka iyo dhaqanka soomaaliyeed ee suuban, oo xitaa ay jiraan dawlado gaala ah oo aan ansixin hishiiska   sida maraykanka iyo veticanka(fetikaanka),waxaana ka mida waxyaabaha hishiisyadaasi ay ku khilaafsanyihiin shareecada islaamka iyo dhaqanka suuban ee soomaalida qodobadan soo socda :

  1. In la sahlo waxkasta oo fududeynaya sinida laguna dhiirigeliyo dhalinyarada isticmaalka waxyaabaha uurka joojiya sida cinjirka galmada iyo kiniinyada iwm.
  2. In la baneeyo sinada loona arko xaq biniaadamku leeyahay
  3. In la baneeyo 2 qof oo isku jinsi(2 rag ah iyo 2 dumar ah) ah in ay is guursadaan
  4. Waxay amrayaan in la daahiyo guurka sharciga albaabadana loo furo sinada iyo galmada xaaraanta ah
  5. In la baabi’iyo masuuliyada uu ninku ku leeyahay qoyska
  6. In laga qaado masuuliyada ay aabayaashu ku leeyihiin caruurtooda gaar ahaan gabdhaha.
  7. In dumarku ay xor yihiin marka laga dhinto ama la furo taasoo macneheedu tahay in aanay cido lahayn
  8. In gabadhu is guurinkarto waxna guurinkarto waxna furikarto
  9. In iskuulada lagu dhigo waxa la xiriira galmada iyo isticmaalida kondhomyada
  10. Waxay waajibiyeen inay dumarku qabtaan jagooyinka ugu sareeya ee dowlada
  11. In la siiyo dumarka maqaam diineed oo la mid ah tan raga sida inay misaajid imam ,khadiib iyo muadin ka noqon karaan.

 

 

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS