Dowlada Federaalka ee la shaqeysa gumeystaha Soomaaliya kusoo duulay ayaa qirtay in golaheeda wasiirrada ay ansixiyeen waxa loogu yeero qaanuunka Jinsiga.
Max’med Cabdi Xayir Maareeye oo ku magacaaban wasiirka warfaafinta ayaa shir jaraa’id ku sheegay in xeerkaasi jiro balse uusan wax dhib ah laheyn.
Maareeye oo ah calmaani ayaa carrabka ku adkeeyay in wax dhib ah aysan laheyn in Raggu isguursadaan haweenkuna ay u dhaqmaan sida ay doodaan!.
“Runtii si khalad ah ayaa loo fasiray xeerka golaha wasiirrada ay ansixiyeen” ayuu yiri Maareeye.
Dowladda Federaalka ayaa Wadaadada iyada taageersan ka codsatay in ay sharaxaad dheeri ah ka bixiyaan sababta ay u diidanyihiin xeerka Jinsiga ee ogolaanaya qaniisnimada,Wasiir Maareeye wuxuu diiday in qodobada ku qoran qaanuunka ay golaha wasiirrada ansixiyeen uusan khilaafsanayn shareecada Islaamka!.
Wasiirka Warfaafintu wuxuu Difaacay dhammaan qodobada ku qoran xeerka lameel mariyay taas oo biya dhaca warkiisa ka dhigaysa “waa caadi in Raggu isguursadaan Haweenkuna isku tagaan”.
Dad badan oo layaabanaa waxa kasoo yeeray golaha wasiirrada DF-ka ayaa lasii yaabay sida kooxda Villa Somalia ay ugu adkeysanayso gefka diimeed oo ay ku dhacday waxaana taasi loo fasiran karaa in Hoggaanka DF-ka ay isku wada raacsanyihiin faafinta liwaadka.
Liibaan Jeexoow Cabdi