Marka aan go,aansado inaanan ka hadlin sawaxanka iyo qeylada aan nuxurka laheynba waxaa isoo kicinaya maan gaabnimada soomaalida aan ka dhashay haddaba qormadeydan aan caawa ku iba furi doonohaddii alle idmo faallooyinkeygi aan waayo idin la wadaagi jirey waxey ku saabsan tahay xasuuqii ka dhacay dagmada xarshin tuuloouin hoos yimaada halkaas oo ay xabashidu ku gumaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsanin.
Gumaadki halkaas ka dhacay iyo dadka lagu laayey ma aheyn wax igu cusub oo muddo dheer ayaan la soo noolaa murugada iyo in dadkeygu wayaane ku hoos jiraan xasuuqna kala kulmaan
Balse tacsi kadib waxa isoo jiitay ayaa ahaa dhibanayaashii hore waxaan si cad uga soo warin jirnay iney yaqaaneen cidda xasuuqday oo itoobiya ah cid kalana maaney dilkooda wax uga saari jirin waxeyna ka daba tagi jireen kumanaankii ay xabashidu inaga dishay.
Waxaan mar qudha ku soo baraarugay baanaanbaxyadii burco ka dhacayey oo dhibaatadaas looga soo hor jeedey hase ahaatee danbiilihii galay aan sinaba wax loo sheegine lagu wareegeystay qabiil iyo meel aan dakanaduba jirin taas oo aan u fahmay in laga baqay haddii la odhan lahaa itoobiya ayaa wax na yeeshay armey duullaan kale idinku soo kicisaa oo ay birco barqin timaaddaa waxaaneyse fahmin fahmina doonin in ay itoobiya raga laayey iyadu sameysatay una sameysatay soomaali oo kaliya waxeyna illoobeen in liyuu police aanu jirin qabiil ay u geysteen dhibaatada ay u geysteen beesha reer Burco ku baroor darsanayaan ee Ogaadeenya dagta.
Waxaa kale oo aaney fahmin in raga ay ka cabaadayaan ay xukumaan oo ay hor boodayaan rag iyagoo halgamaa ah oo xabashi aan indhaha saari Karin hargeysa iyo burco ioosaaso iyo meelo badan oo ay fasax ku joogaan intey qabteen oo ay laba dibble u xidheen ay xabsiyada jijiga geeyeen iyagoo aaney cid u wakiilatay qabashadooda jirin oo inta xabsiyadii lagu bahdilay maskaxdii wanaagsaneydna laga baddalay la soo saaray maskax odhaneysa cadowgaaga koowaad labaad iyo sadexaad waa soomaali
Nabigeenna muxamed SCW ayaa yidhi qof walba oo daalim gacan siiya allaah isaga ayuu ku sallidaa
Ninkii aad shalay bilaashka xabashida ooga lib doonatay oo gaaloobay gaadhi iyo hubna loo soo dhiibay ayaa xuduudaha waqooyi ka soo howl galay waana midhihii aad beerateene iimaansada
DADKA REER WAQOOYI
Waxaan leeyahay dadka ree waqooyi gaar ahaan beesha isaaq waxaan ka mid ahay dadka aaminsan inaad qeyb ka tihiin dhibta soomaaliya iyo soomaali oo idil heysata waxaa dhaqan idiin noqotay gaalo jeceyl iyo inaad dhiiga shucuubta soomaalida ah gumeysi diidka ah cadowga kula shirkowdaa waxaa taariiqdiina ku xardhan xurgufta iyo naca aad u heyn jirteen una heysaan hadba qofka soomaaliga ah ee ay cadow shisheeye is qabtaan waxaa la gaadhey markii ay maskaxdiinu shaqeyn laheyd waxaana is weydiin mudanWAA MAXAY COLAADDA IDINKA DHEXEYSA IDINKA IYO GOBANIMO DOONKA?
Waxaad aaminteen in gaaladu idinka raali noqon haddaad soomaalida la dhibtaan balse xaqiiqdu saas wey ka fogtahay waxaadna wax ku noqon kartaan inaad soomaalida danaheeda qaddarisaan oo aad iyaga kaashataan
Haddii hadalkeyga wax ka jirin maxaa loo waayey qof ree waqooyi ah oo yidhaahda war qabiil nama leyne xabashi ayaa ina leysay waligeedana aynu is leyn jirnaye maxeynu ka sameynaa
Midda kale qabiilka lagu heesayo magaciisa isba xabashi maalin iyo habeen wey dishaa isna wuu dilaa qabiilna uma saariyee maa xabashida la iska celiyo maxaa lala cabaadayaa sidi sabigii
Soomaalida aan ka midka ahay waxey xasuustaan xorriyaddii lixdanka eed ka nabsi gasheen markii la idiin dhaliyey in qaarkiin ku gabyaayey isagoo ka xun gumeysiga waqooyi galbeed saamihiisa ka qaadanayo waa kii lahaa {SIDII NAAG DHALI WEYDOO INTUU SHEEKHU U DHAAWAY DHAWAAN EEBE WAX SIIYEY OO DHABTA WIIL YAR KU HEYSA INGIRIIS DHALADKIIYOW HALKEEN KAA DHUNKADAA}
Waxaa kalmaddan isoo xasuusisay gabadh TV yada ka ooyeysay oo laga xumaaday oohinteeda balse qeybti danbe ee oohinteeda ku dhaawacday quluubta soomaali badan oo aan ku jiro markey tidhi ITOOBIYAAY WALAALO AYEYNU NAHAY ABAAL BAAN IDIIN HEYNAA XIDHIIDH SOO JIREEN AH AYEYNU LEENAHAY HUBKIINII AYAA NALUGU DILAY
Waxaan is weydiiyey tolow hubka itoobiya ma jin ayaa ku dilay itoobiya hubkeeda insi kale kuma aamintee itoobiya wixi dhacay iyadaa geysatay iyadaana ka masuul ah haddii aney iyadu sameynin may siyaasiyiinta hargeysa ka hadlaan?
waxaan haddana xasuustay inay itoobiya meesha wax ka dhaceenba ay ciidamadeeda federaalka ah joogeen dadkana wax ka laayeen iyagu
Waxaa kale oo aan xasuustay in mishkiladda dadkan loogu marmarsanayo ee loo leynayaba aaney soomaali ka bilaabane ay ka billaabatay niman faynaas la yidhaahdo oo xabashi ah oo ah kuwa xuduudaha ogaadeenya xoolaha safarka ku dhaca oo ay laayeen isaaqu
GABAGABADII
Waxaan leeyahay soomaali hurdada ha kacdo yaaney noqon laxdi gowraceeda ku baraarugtay qorshaha xabashidu damacsan tahay wuu ka fogyahay waxa ay moodayaan soomaalidu
soomaali shalay waa la qeybsaday si tijaabo ah dadki qeysadayna itoobiya kamid bay aheyd haddii ay itoobiya xaq u yeelatay dhulkii ay shalay gumeysiga ku timid inay yeelato meynu kuwii kalana u yeedhano iyagaaba magic iyo manfacba itoobiya ku dhaamee waa hadduu gumeysi dal ku xalaaloobayo
Waxaa maanta la marayaa in la waayo qof soomaali ah oo soomaali weyn ku fikiraya ama mustaqbalka rajo ka qaba waxaana la ogaaday inay soomaalidu qeybsami karto ayna ogoshahay in la qeybsado waxaana soo socota qeybsigii labaad ee dhabta ahaa haddaan la is daba qaban waliba ogaadeeniyada aad itoobiya uga tanaasusheenn ee xittaa saxaafaddiinu diiday inay ka hadasho eed moodid in haddey soo hadal qaadan ay afka kaga gubanayaan iyada nafteeda looma ogolaan doono inay xabashi iska heysato ee waa laga qaadan doonaa sidii shalayba loo siiyey
Soomaalinimadu yaaney noqon wax la iska sheegto ha noqoto wax macne iyo mug ku fadhida oo ha la fahmo waxa dadka soomaaliyeed ka dhexeeya hadii kale waligeen beyhoof iyo mala awaal aan waxba ka jirin ayeynu dabada heyn iyo qaxooti iyo silac
Qormadanu ha noqoto mid loo fahmo sida aan ula jeedo oo ah inay soomaalidu wax fahanto ogatana inay dalka iyadu leedahay meel kasta oo qof soomaali ah dagaankeeda leeyajay soomaali waa gurigeeda waana marag ma doon taasu dalka ha loo fakaro fikir ayuu u baahan yahaye
Waad mahadsan tihhin wassaalaamu caleykum
W/D daljir keyd