DAAWO:-Amina Guhaad ciqaabtii loogu gaystay & Rafaadkii ay ka soo martay Itoobiya.

Aamina oo aad u xishoonaysa ayaa warbaahinta u sheegtay in ay lug kaga soo baxday gudaha Ogaadeenya gaar ahaan gobalka Jarar oo ay asal ahaan ka soo jeedo waxayna sheegtay Dhagaxbuur ilaa Doloow in ay soo lugaynaysay aynan garanaynin inta malmood ee ay soo socotay.

Aamina waxay sheegtay dhibaatooyin aad u badan in ay Askagta gumaysiga Itoobiya gaystaan ayada oo sheegtay in habeenkii gabdhaha la baxaan maalinkiina meel ku xiraan, waxaa kale oo ay sheegtay in ay dambiyo aanan lahayn dusha laga saari jiray si dhibaatada lagu hayo loogu sii badiyo ayada oo sheegtay in ciid loo xambaarin jiray kadibna sawir ka qaadi jireen ayaga oo markaas oran jiray waxaan ku qabanay alaabtan oo ay u waday ONLF.

Aamina ayaa soo bandhigtay meelo kamid ah jirkeeda oo ay ka muqdaan Katiinadii lagu xirayay, waxaa kale oo ay sheegtay in Afka laga sharootayn jiray, Dhagaha laga cufayeen jiray, indhahana laga xiri jiray kadib naqaska ayaa igu dhagi jiray ayay tiri Aamina oo wal-wal ka muuqdo, waxayna sheegtay in ay aad u niyad jabsan tahay xaga jirdhkeeda dhibaatadii soo gaadhay awgeed.

Maha oo kali ah Aamina dadka dhibaatadan noocan oo kale ah loo qaysto shacab aad u badan ayaa xabsiyada gumaysiga Itoobiya ka buuxa oo wax ay disho, waxaa jira  kuwa lagu waayay oo ilaa hadda aan lagaranaynin geeri & nolol toona, mana jirto hay’ad xuquuqul insaan oo ka hadasha ama soo ogaan karta xaaladdan murugada badan ee ay ku kacayaan Askarta gumaysiga Itoobiya.

 

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS