Boqolal kamid ah shacabka Kenya ayaa isku soo bax looga so horjeedo dilala sharci darrada ah oo ay gaysanayaan Ciidamada Booliska Kenya ka dhigay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Mudaaharaadayaasha ayaa socod ku maray waddooyinka Nairobi, iyagoo haysta Boorar dalbanaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha Joseph Nkaissery is casilo ka dib dhimashadii Willie Kimani oo ahaa qareen ,iyo darawalkiisa.
Waxa ay si gaar ah u canbaareeyeen dilalka loo gaysanaya cid kasta o dhaliisha dowladda.
Jooji dilalka ayaa lagu qoray boorarka halka qaar kalena ay xirteen Funaanado Lagu qoray “Ha Jooji dilka bilayska.”
Maydadka Kimani,Josephat Mwendwa iyo darawal tagsi oo lagu magacaabo Joseph Muiruri ayaa la helay toddobaadkii la soo dhaafay. kadib markii Saddexda nin la waayay Bishoo June 23-keedii