Dad badan oo Soomaali ah ayaa la shaqeeya shisheeyaha soo duulay ee doonaya in uu dalka qabsado dadkeena muslimiinta ahna gumeysto.
Madaxda iyo askarta Soomaalida ah ee hor socda dowladaha Soomaaliya ku soo duulay ayaa haadaan ka riday dalka waana kuwa iyo wixii la mid ah cidda daba dhilif loogu yeeri karo.
Dr Xanafi Cabdi sheikh Aadan oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa ka sheekeeyay damiir xumada daba dhilifka.
Wuxuu ku sheegay qof aan hami lahayn oo aan meelna hiigsanayn marka laga reebo raadinta wuxuu dhuunta mariyo.