Nin Ganacsade ah oo magaciisa sababo amaan u diiday in la sheego ayaa dhibaato weyn ka sheeganaya Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, isagoo kashifay dhac ka jira gudaha degmadaasi.
Ninkan ganacsadaha ah ayaa ku waramay in ciidamada Itoobiyaanka ay xoog kaga qaateen raashiin fara badan ayna u sheegeen in deyn ay ku tahay, balse ilaa hadda aysan jirin wax lacag ah oo ay iska bixiyeen.
“Mid ka mid ah saraakiishooda ayaa ii yimid, wuxuuna igu yiri, raashiinka quutul daruuriga wuu naga go’an yahay, adiga ayaa lagaa sii qaadayaa, ka dibna lacagta dib ayaan kaa siineynaan, laakin waxba kama hayyo ilaa hadda” ayuu yiri ganacsadahaas.
Ganacsadahan ayaa ka baqay haddii uu diido dalabka Ciidamada Itoobiya in dhibaato loo geysto.
Mar la weydiiyay waxyaabaha ay ka qaateen ayuu sheegay in la yaab ay ku noqotay Ciidan dhan oo isku sheegaya in howlgal ay u joogaan Soomaaliya oo hadane awoodin iney daboolaan baahida askartooda, waxaana uu intaas ku daray waxa ugu badan ee laga qaadayay iney ahaayeen raashiin la cuno.
Iyadoo AMISOM-tu ayba dhaqaalo ahaan iska liidato, ayaa hadane dawladda Itoobiya waxey Soomaaliya ku soo gurtay Ciidamo fara badan oo aan hoos tagin Midowga Afrika, balse biilka Ciidamadaas iyo sahaydooda ma lagu dabooli karaa dhaca dukaamada yaryar ee Ganacsatada Soomaalida?
Ciidamada Itoobiya ayaan go’odoon ku ah mgaalo kasta ay ka oo ay gaareen,waxaana xirmaya jidadka soo gala oo dhan,waxaana ka guura dadka degan.taasi caqabad adag ku tahay ciidamada xabashida.