Magaalo xeebeedka MARKA CADEEY oo Gashay Gacanta Alshabaab

ciidamada-xasan-sheekh-300x159

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya Ciidamada Xarakada Alshabaab inay la wareegeen Magaalada Marka cadeey ee xarunta Shabeelaha Hoose.

Dad ku sugan Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay ciidamo badan oo Alshabaabul Mujaahidiin katirsan ay gudaha u galayaan magaalada Markii ay ka yimaadeen dhanka badda.

Ciidamada Amisom ayaa ku sugan Xerayada Ayuub oo dhan kaga Taala Magaalada.

Dadka magaalada ku haray oo mudooyinkaan bandow uu saarnaa ayaa isusgu soo baxay wadooyinka waxaana ay ku yaaceen xarumihii maamulka iyagoo qaatay wixii yiilay.

Lama oga sababta ciidamada dowladda kaga baxeen Marko balse waxay kusoo aadeysaa xili xalay dagaal culus uu ka dhacay Laanta Buure ee Shabeelaha Hoose.

Magaalada Marka oo ah magaalo xeebeed istiraatiiji ah ayaa magaalada Muqdisho u jirta illaa 100KM.

Magaalada Waxaa Ragaadiyay Dagaal Beeleedyo dhex maray Maleeshiyaad kuwada Tirsan Dowladda mana Lahayn wax maamul ah in Muddo ah.

Sida muuqata waxaa gabogabo maraya is waalkii iyo gabgabtii Amisom,waxayna u sii dhamaan doonaan mudooyinkan dhaw  Muqdisho iyo dhakaas Xalane,waxaana arintaas sadaaliyay Saraakiil khibrad u leh dagaalada lala galay Isbahaysiga Itoobiya horkaceyso.

Voice Of Somalia-SOMALIA LEAKS