Gumeysiga Ethiopia Wax Mala Qeybsan Karnaa?

36507366.jpg

Gumeysiga duleysan ee Ethiopia wuxuu si joogto ah u xasuuqa dadkeena, wuxuu kufsadaa hablahaana iyo hooyoyinkeen, wuxuu Si joogta ah u garaaca kuweeni u maxabiista ka dhigtey sidoo kale dadkena Ethiopia waxay kula kacdaa wax kasta oo ay awoodi kartaba wax ay la hadhey oo ay ina yeeli kareyseyna ma jirto, dhinaca kalana Ethiopia waxay dooneysa inay inaga dedo dhiiga dadkeena ee ay daadineyso macnaha ay inooga dadeysa maaha qalbiyadeena oo ay Oohinta ka dhawreyso ee waa si inagana dagnaan inoogu qabto dhamaantena jidkaas inagag takhalusto sidaasna dalkeena ku qaadato.

Ethiopia dhiiga dadkeena oo faraheeda ka qoyan ayaa hadana inoola timaada Falal dhalanteed ah oon sabiga loogu sheekeyn karin sida inay horumar ina gaadhsiisay anba inoo hayso Nolosha oo aynaan la’aanteed Noolan karin marar badan waxad arkeysa dad si sahal ah dhalanteedka gumeysiga u qaatey uuna doodaya sidii dad xor ah oo kale,lana imanaya weydiimo dadka xorta ah oo kaliya isweydiin karaan

Sida Ethiopia wax ma la qeybsankarnaa? weydiinta intanan ka jawaabin iftimin aan kuyar sameyso ugu horeyn markad tidhahdo Ethiopia wax ma la qeybsankarnaa waxad xukuntey xuquuq aad leedahay taas oo aanu lahayn la gumeystu si kale aan u idhahaade sifooyinka kuwa la gumeysto kuma jirto wax kala doorashadu ila intey xorobayaan saas darteed mid la Gumeysto waad iska saartey, markad tidhi “Ethiopia wax ma laqeybsankarnaa , waa marka labaade ee waxaad qirtey in Ethiopia ogoshahay in wax lala qeybsado waayo weydiintu maba Timaaden hadii aaney Ogoleyn dhankaasna waxad sifo wanaagsan ka siisey gumeysigii qabsadey dalkeegi dadkaagina xasuuqey.

Aan usoo daadago Jawaabta oo buuxda Maya Ethiopia waxba lama qeybsan karno sababta oo ah  wax qeybsigu shuruudo ayaa leeyahay cida aad wax la qeybsaneyso intaanad   wax la qeybsan waa inad haysa waxaad la qeybsaneysey Inkastoo damiir xumo tahay inaad tidhahdo waxad gaar uleedahay cidkale ma la qeybsada hadan maba hayn Dhulkeeni aad Tidhi Ethiopia ma la qeybsanaa ee adigan kuweydiiye maxaad la qeybsanba?

Ugu danbeynti wax mudan in yaddana aynu fahano noocyadda dagaal ee Gumeysigu inagula jiro inay ku jiraan kuwo u doonayo inuu misaanka maskaxdeena ku dheeliyo si kale aan u idhahdee dagaalada gumeysiga Ethiopia waxa kujira kuwo u saxaafadda Ogadeniya iyo noockasta oo warbaahineed ee dadkan u adeegaya u doonayo inuu ku jaan gooyo nooca barnaamijyadoodu sidu ugu furi lahaa dariiqyo liita oo ka fal celintoodu aaney macno inoo sameyneyn.

Qoddobkaas oo u baahan qoraal kan ka madaxbanaan ayaan insha Allah qoraalo kale idinkula wadaagi hadii balse ugu danbeynti qoraalkeygan waxan kusoo xidhi lahaa waa inaynu dhaqanka Ethiopia dib u eegna si dhaba ahna u fahana damaceedu inaanu ahayn inay ina gumeysato oo kaliya balse gumeysigeedu yahay jidkey u mareysey dabar jarkeena

W/Q Maxamed Abdi.

pizap.com14684009903141

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS