Waxaa Fashil kusoo idlaaday shir magaalada Beled Weyne uga socday saraakiil katirsan dowladda Itoobiya iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ee gumeystaha taageersan.
Jeneraal Gabre oo ah madax sirdoonka melleteriga Itoobiya ee Soomaaliya ahna xaakimka dhabta ah ee DF-ka iyo maamul goboleedyada dalka kajira ayaa amar kusiiyay odayaasha dhaqanka Hiiraan in ay aqbalaan dhismaha maamul midaysan oo loo dhiso Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan balse odayaasha ayaa ka biya diiday.
Xildhibaan C/Raxmaan Goodax Barre ayaa warbaahinta u sheegay in wafdiga Jeneraal Gabre iyo Max’med Cabdi Afeey iyagoo faramaran ay dib uga laabteen magaalada Beled Weyne.
Odayaasha ka biya diiday in hal maamul loo dhiso Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ayaa qaab beeleed ugasoo horjeeda balse mabda’ ahaan ma diidan dhismaha maamul Xabashida Itoobiya iyo xulufadeeda raacsan.
Dowladda Itoobiya oo gumeysata Soomaaliya ayaa ka fikiraysa sida ay ka yeelayso odayaasha dhaqanka Hiiraan ee ka madax adeygay amarkeeda.
Jeneraal Gabre ayaa 90% leh abaabulka dhismaha maamul goboleedyada isagoo xafiis ku dhax leh Villa Somalia halkaasi oo uu awaamir kusiiyo madaxda maamullada dabadhilifyada soomaalida.
Liibaan Jeexoow Cabdi