Hoggaamiyaha Xarakada Al Shabaab ayaa soo hadal qaaday sida Itoobiya gumeysiga ugu hayso soomaaliya isagoo tusaale usoo qaatay in Safiirka iyo Itoobiya ee Soomaaliya iyo saraakiil hoosaadyo ay awaamirta usiiyaan Hoggaanka DF-ka.
Wuxuu sheegay in Kooxda Villa Somalia ay u taliyaan saraakiil Itoobiyaan islamarkaana ay yihiin laheystayaal gumeystha u ceynsan, Abuu Cubeyda ayaa rajeeyay in Itoobiya iyo xulufadeeda iyagoo guul darraystay ay isaga huleeli doonaan dalka Soomaaliya.