Faragelinta Turkiga Ee Soomaaliya“The Enemy Of The Nation”

36512677

Sida ay baahisay Mu’asasada Al-kata’ib Sheekh Abuu Cubeyda Amiirka Xarakada Al Shabaab ayaa Jeediyay kalimad muhiim ah oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya iyo guud ahaan bariga qaaradda Afrika.

Mar uu soo hadal qaaday marxaladda dhaqaale ee uu ku jiro dalka ayuu sheegay in maanta wadanka uu ku jiro hoos u dhac xagga dhaqaalaha ah meeshii ugu liidatay Islamarkaana Xukuumada ka jirta magaalada Muqdisho ay dhaqaalihii dalka u gacangelisay Shirkado Shisheeye taas oo keentay in uu hoos u dhac ku yimaado tacabkii beeraha, ka ganacsigii xoolaha iyo bagaashkii kala duwanaa,Wuxuu tilmaamay in shisheeyaha loo gacangeliyey dhaqaalaha wadanka ay hormuud u tahay Turkiga oo uu ku tilmaamay mindi sumeysan oo ku jirta gacanta gaalada NATO, laguna dhibaateynayo Muslimiinta.

“Waxaa shisheeya loo gacan geliyey dhaqaalihii wadanka hormuud u ah Turkiga oo xubin firfircoona ka ah xulifada saliibiyada ee NATO oo ah awood Military oo loo sameystay sidii Muslimiinta loogu gumaadi lahaa, Waxaana intaas sii dheer in ay horboodayeen duulaankii mareykanku uu hogaaminayey ee lagu soo qaaday Muslimiinta Soomaaliya sagaashameeyadii. 1993-dii, General Bir oo dhalashadiisu Turkey tahay ayaa ahaa taliyihii korkacayey ciidamadii huwanta ahaa oo ka koobnaa in ka badan 30,000 oo askari oo laga kala keenay ku dhawaad 36 dowladood” ayuu yiri Amiirka Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab.

Wuxuu sheegay in maanta Turkiga uu gacanta ku dhigay ilihii dhaqaale ee wadanka sida garoonka iyo Dakada Muqdisho, islamarkaana uu Dakada ka ceyriyey in ka badan 5,000 oo shaqaale ah, sidoo kalena uu cunaqabateyn xagga gacansiga ah uu ku soo rogay ganacsatada Soomaaliyeed.

Sheekh Abuu Cubeydda ayaa ku dheeraaday ka hadalka duullaanka dhanka dhaqaalaha ah ee dowladda Turkiga kusoo qaadday dalka Soomaaliya isagoona shacabka soomaaliyeed ku baraarujiyay in aysan ku dagmin dib udhiska iyo waxqabadka ay sheeganayaan madaxda Turkiga ayna ogaadaan in waxa turkigu qabanayo ay ka daranyihiin boobka dhaqaalaha ee uu dalka ka wado sida dekadda iyo garoonka Muqdisho oo uu la wareegay islamarkaana uu shaqada ka eryay Kumanaan shaqaale soomaaliyeed ah.

Amiirka Xarakada Al Shabaab ayaa nuux nuuxsaday in dowladda Turkiga ay ku doonayso gacan ku dhigidda dhaqaalaha soomaaliya ayna faqri iyo ceyrnimo la damacsantahay shacabka Soomaaliyeed.

Isagoo soo hadal qaaday damac fog ee dowladda Turkiga oo inbadan ku lug lahaatay duullaano lagusoo qaaday caalamka Islaamka Tusaale ahaa Duullaankii Mareykanka iyo xulufadiisa ay kusoo qaadeen Soomaaliya sanaddii 1993 waxaa hoggaaminayay Jeneraal Turki ah oo lagu magacaabi jiray Jeneral Biir.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS