Xaalad deganaan ah ayaa laga dareemayaa magaalada Marka ee xarunta Shabeellaha Hoose maalmo kadib markii ay la wareegeen ciidamada Xarakada Al Shabaab.
Kumanaan kamid ah shacabka Magaalada ayaa waddooyinka isugusoo baxay iyagoona ku faraxsanaa isbedelka magaaladooda ka dhacay, shacabka ayaa dhibaata ku qabay maleeshiyaadkii katirsanaa dowladda Federaalka ee magaalada isaga baxay kuwaasi oo Bandaw maalmeed magaalada kusoo rogi jiray islamarkaana dhac iyo boob ka geysanayay goobaha ganacsiga.