WARBIXIN:- Nabad Sugidda DF-ka oo Gaari Walxaha Qarxa Lagasoo Buuxiyay U adeegsatay Baajinta Kulan ay Muqdisho ku yeelan lahaayeen Siyaasiyiinta Beesha HAWIYE.

36517913

Markale Sirdoonka DF-ka ayaa jilay riwaayad lagu jiha wareerinayo ra’yul caamka si loo muujiyo in maamulka Xasan Sheekh uu ku dadaalayo sugidda ammaanka Muqdisho.
Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda Federaalka ayaa xalay fiidkii sheegtay in ciidankooda Sirdoonka ay gacanta ku dhigeen gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo lagu weerari lahaa mid kamida Hoteellada ugu caansan magaalada Muqdisho.

Gaari Kaarib ah oo lasaaray walxaha qarxa iyo dhowr maaddo oo ah kuwa qaraxyada sameeya ayaa lasoo bandhigay waxaana la sheegay in Al Shabaab ay ku weerari rabtay Hoteelka Makka Al-mukaramma!.

 Saacado kadib ciidamo taabacsan Xasan Gurguurte ayaa xoog ku galay Hoteelka Makka Al Mukarrama iyagoo is hortaag ku sameeyay shir ballaaran oo odayaal iyo siyaasiyiin katirsan Beesha Hawiye ay ku yeelan rabeen gudaha Hoteelka.

Shirka ayaa ahaan lahaa mid lagu gorfayn rabay xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan dhibaatada dhanka dhaqaalaha iyo amniga ah ee ku habsatay shacabka Muqdisho.

Cabdullaahi Geedi Shadoor oo katirsan waxgaradkii Shirka kuyeelan lahaa Hoteelka ayaa warbaahinta u sheegay in kulankii beesha Hawiye si qasab ah loo joojiyay.

Saraakiisha Villa Somalia waxay sheegeen in sababta shirka ay ujoojiyeen ay aheyd khatar dhanka ammaanka ah iyagoo marmarsiiyo ka dhigtay gaariga ay sheegeen in ay qabteen kaasi oo lagu qarxin lahaa Hoteelka Makka Al-mukarrama.

Siyaasiga Cabdi Cadde oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in ujeedka laga lahaa gaariga ay Nabad sugiddu soo bandhigtay uu ahaa joojinta shirka Beesha Hawiye oo xasaasiyad gaar ah lahaa.

“Gaariga ay nabad sugiddu soo bandhigtay waxaa lagusoo xiray walxaha qarxa oo isla nabad sugiddu kusoo xirtay ujeedku wuxuu ahaa in lagu joojiyo kulankii beesha Hawiye ee Hoteelka Makka Al-Mukarama ka dhici lahaa”ayuu yiri siyaasiga Cabdi Cadde.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Siyaasiyiinta beesha Hawiye ay kulankooda kasoo saari lahaayeen qodobo lagu cambaaraynayo Xisbiga Damul Jadiid iyo dhibaatada dhanka dhaqaale ee Xasan Gurguurte u horseeday ganacsatada Muqdisho kadib markii kaabayaasha dhaqaalaha dalka uu gacanta ugeliyay shirkado shisheeye.

Milkiilaha Hoteelka Makka Al-mukarrama ayaa isna sheegay in uusan jirin wax weerar ah oo lagusoo qaadi rabay hoteelkiisa isagoona gaarigii Nabad sugidda soo bandhigtay ku tilmaamay mid jiha wareerin ah.

Cabdi Raxmaan Tuur Yare ayaa sidaan oo kale dhowr mar u adeegsaday dacaayado dhanka amniga ah kadib markii uu saxaafadda usoo bandhigay gaadiid lagu sheegay in Al Shabaab laga qabtay baaritaan kadibna la ogaaday in ay ahaayeen been abuur.

“Waa dacaayad siyaasadeed oo la rabo in sumcada Hotelka lagu dilo, waa ka xumahay, wax fiicana ma ahan, in laga been sheego oo la dhaho gaari qarax ayaa Hotelka ku soo socday, arrintaas cabasho ayaa ka qabaa” sidaasi waxaa yiri Milkiilaha Hoteelka Makka Almukarrama.

Labada bilood ee ka dhiman doorashada madaxtinimada Dowladda Federaalka ayuu Xasan Gurguurte isku dayayaa in uu gacan bir ah ku qabto dhammaan siyaasiyiinta isaga mucaaradsan.

Gurey Xaaji Xasan  Milkiilaha Hoteelka Makka Al-mukarrama “Waa been Qaraxa la qabtay ee la sheegay inuu ku soo socday Hotelka Maka Al-Mukarama”

Liibaan Jeexoow Cabdi