Azeb Masfin Xaaskii KT Zinawi oo Xabsi Guri Laga Dhigay.

Kadib khilaaf gaamuray oo soo kala dhexgalay saraakiisha ugu saraysa kooxda TPLF waxay xaaladu hada maraysaa in shakhsi kasta oo mar magac iyo maamuus kulahaa kooxda TPLF uu hada noqdo gacan kugabad ay tiisii laciirsan tahay, sida aan lawada soconayba khilaafkii kooxda TPLF oo ay in dhawaalaba ay kooxdu maaro uwayday ayaa hada gaadhay in saraakiisha ugu saraysa ay is minjo xaabiyaan.

Getajow Asafe oo ah madaxa sirdoonka Itoobiya kana mid ah shakhsiyaadka hada ku amar kutaagleeya talada wadanka ee kooxda TPLF u afduuban ayaa bilaabay in uu saxada ka saaro shakhsi kasta oo saamayn kulahaa talada wadanka wuxuuna bar tilmaameed ka dhigtay shakhsiyaadka uu kabaqayo in ay isaga saaxada siyaasada kasaaraan, Getajow Asafe ayaa amar uu soosaaray kusheegay in ay xabsi guri tahay xaaskii Raysal Wasaarihii hore ee Itoobiya KT Zinawi oo lagu magacaabo Azeb Masfin.

Sida aan xogta lagu helay taliyaha laanta sirdoonka ayaa amarkan markuu bixiyay kadib sheegay in ay haweenaydan wato qalalaase siyaasadeed ayna doonayso in ay talada wadanka xoog kuqabsato iyadoo adeegsanaysa asxaabta ay ku dhex leedahay kooxda TPLF iyo guud ahaan Itoobiya, sida aan xogtan kuhelay Getajow Asafe ayaa ciidanka sirdoonka amar kusiiyay in ay lasocdaan dhaqdhaqaaqa Azab ee gudaha iyo dibada wadankaba.

Sida aan xogo kala duwan kuhelayno Azab Masfin ayaa hanti aad ubadan gaysatay wadanka Yukrayn halkaas oo ay kasamaysatay ganacsiyo waawayn iyo guryo deegaan ahba, sidoo kale hantida haweenaydan oo aad ubadan ayaa taala wadanka Maraykanka halkaas oo ay kabaqayso in cadaalada lala tiigsado waana sababta ay udoorbiday wadanka saboolka ah ee kuyaalada Yurubta bari.

Todobaadkan dhexdiisa unbay ahayd markuu Getajow Asafe xabsi guri kadhigay Barakat Simun oo ahaa wasiirkii hore ee warfaafinta Itoobiya ahna lataliyaha Raysal wasaaraha, wuxuuna Barakat Simun mar kamid ahaa shakhsiyaadka ugu awooda badan talada wadanka Itoobiya.

Sikastaba ha ahaatee arintan cusub ee lagu bartilmaameed sanayo saraakiisha sarsare ee kooxda TPLF ayaa sii murginaysa kala jabkii kooxda TPLF waxayna ceel kusii ridaysaa rajadii laga qabay in lahelo waanwaan kooxda dhexdeeda ah.

OGADEN NEWS AGENCY(ONA)