SHEEKH BOQOLSOON. KHAMRADA & QAMAARKA

WALAAL QAMAARKU WAA XAARAAN WUXUUNA ALLE KU SHEEGAY IN UU XAARAAN YAHAY AYAADAN QURAANKA AH

قال تعالى : ( يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّمَا الْخَمْرُ وَالْمَيْسِرُ وَالأَنْصَابُ وَالأَزْلامُ رِجْسٌ مِنْ عَمَلِ الشَّيْطَانِ فَاجْتَنِبُوهُ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ * إِنَّمَا يُرِيدُ الشَّيْطَانُ أَنْ يُوقِعَ بَيْنَكُمُ الْعَدَاوَةَ وَالْبَغْضَاءَ فِي الْخَمْرِ وَالْمَيْسِرِ وَيَصُدَّكُمْ عَنْ ذِكْرِ اللَّهِ وَعَنِ الصَّلاةِ فَهَلْ أَنْتُمْ مُنْتَهُونَ ) المائدة/90 – 91.oo macnaheedu yahay kuwii alle iyo rasuulkiisa rumeeyayoow Khamrada iyo Qamaarka iyo ansaabta iyo azlaamta waa qurun waana shaqo shaydaan ee ka dheeraada oo ha isugu dhawaanina hadaad ka dheeraataan Qamaarka iyo Khamrada waad liibanaysaan.

Shaydaanku wuxuu rabaa inow  dhexdiina dhigo  colaytan iyo is nicid taas oo uu iidiin ku adeegsanaayo Khamarada cabitaankeeda iyo Qamaarka ciyaartiisa waxaa kale oo uu raba in uu ALLE  xuskiisa idinka mashquuliyo iyo Salaadii ALLE  ee ka waantooba o iska jira shaydaanka iyo dhagartiisa.

Muxaadarada waa akhrinaya Sheekh Boqolsoon,ALLAHA u naxriistee..FADLAN U DUCEE SHEEKHA.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS