Ciidamada Xabashida Itoobiya oo Xasuuq ka geystay Deegaan ku dhow magaalada Baydhabo.

pizap.com14688338125761.jpg

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa Xasuuq fool xun ka geystay deegaanka War-diinle ee Gobolka Baay oo qiyaastii 27 km u jira magaalada Baydhabo.

Sida ay noo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyaay, Xasuuqan ayaa waxa uu dhacay shalay gelinkii dambe, kadib markii Ciidamada Xabashida ee Saldhigga ku leh deegaanka lagu magacaabo Aw-diinle ay weerar ku qaadeen dad reer Miyi ah oo ku sugnaa tuulada War-diinle, waxaana markii ay halkaas tageen ay billaabeen inay rasaas aana kala sooc laheyn ku furaan dadka rayidka ah ee tuuladaas ku noolaa.

Wararka horu dhaca ah waxay seegayaan in tirada dhimashada ay ka badan tahay 15 ruux, waxaana ku jira Oday da’ ah oo 80 jir ah, iyadoona laba ruux oo dadkaas ka mid ahna ay gowraceen.

Illaa iyo hadda lama garanayo sababta ka dambeysa Xasuuqaas foosha xun ee Ciidamada Xabashidu ka geysteen deegaanka War-diinle ee Gobolka Baay, balse waxa  uu falkani qeyb ka noqonaya falalka joogtada ah ee Xabashidu ay ku gumaadayaan Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Qaar ka tirsan warbaahinta Soomaalida ayaa sheegay in Xasuuqa dadka Shacabka ah uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan Xarakada  Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamada Itoobiyaanka ah balse arintaas ayaa ah waxba kama jiraan iyadoo uusan wax dagaal ah ka dhicin halkaas.

Ciidamada Cadawga Soomaaliyeed ee Itoobiya ayaa sidaan oo kale tiro dhowr jeer ah u xasuuqay shacab Soomaaliyeed iyadoo aysan jirin wax sabab ah, waxaa ugu dambeysey Xasuuq ay ka geysteen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan oo ay dad Shacab gaari saaran kala degeen ayna rasaas iyo bambooyin la dheceen.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS